Halkan ka Akhri Wararkii Wargeyska Caalami Cadadkiisii Maanta oo Isniin ah.

 



Wasiir Duur ayaa sheegay in aanay Xukuumadda Somaliland ogolaan doonin wax kasta oo wax u dhimaya Qaranimada Somaliland.....


Madax Dhaqameedka Gobolka Gabiley oo Xukuumadda u Soo Gudbiyay Natiijadda Baadhista Dilkii Seemaal iyo Isku Dhac ka Dhex Qarxay Ciidanka Booliska iyo Maleeshiyo Beeleedka Dilla.
Taliyaha Booliska Gabiley


Gabiley (TNN)- Ciidanka Booliska Somaliland ee ku Sugan Deegaanka Ceelbardaale gaar ahaan Goobihii Dhawaan Shaqaaqadu ka Dhacday ayaa Shalay Deegaanadaasi Dagaal ku Dhex maray Ciidan beeleedka Deegaanka Dilla oo ay isku dheceen ka dib markii sida la sheegay ay Ciidan b eeleedkaasi soo galeen Deegaanadii laga qaxay oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Booliska Gabile y oo dhawaan halkaasi la geeyay ka dib markii ay Ciidankii Qaranka Diideen Madax dhaqameed ka Deegaanka Dilla.


Isku Dhaca Ciidanka Booliska iyo Maleeshiyo Beeleedka deegaankaasi ayaa waxaa ku Dhawac may hal Qof oo Magaciisa lagu sheegay Cabdilaahi Cabdi Maal Dhawal, warku waxa uu intaasi ku Darayaa in Ciidanka Boolisku soo qabqabteen Qaar ka mid ah Maleeshiyadii Ciidanka la dag aalantay kuwaasi la sheegay in 4 qof oo laga soo qabtay halkaasi lagu Xidhay Saldhiga Bool iska Gabiley, halkii ninkii dhaawacmay Xalay loo soo qaaday Cusbitaalka Magaalada Harageisa.
Taliya Qaybta Booliska Gabiley Ismaaciil Rashiid oo aanu Wax ka Waydiinay Arimahaasi ayaa sheegay In uu isku dhacaasi jiro, balse ay dhamaatay oo deegaanadaasi Nabad yahay, “Adeer Wax dhib ah oo hadda halkaasi ka taagani ma jirto woxogaa yar ayaa Maanta meesha ka jiray haddase waa Nabad deegaankaasi” ayuu yidhi Taliyaha Booliska Gabiley. taliyuhu oo aanu isku daynay inuu noo faahfaahiyo Maxaabiista ay qabteen iyo Khasaaraha ka dhashay arintaasi ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo isaga Cudurdaarkiisa ku Sababeeyay inay Hawlo shaqo ku gudo jiraan.


Dhinaca kale Madax dhaqameedka Gobolka Gabiley ayaa Shalay Xukuumadda u Gudbiyay Natii jada Baadi Goobkii loo diray Dadkii lagu Tuhun sanaa inay ka Danbeeyeen Dilkii Foosha Xumaa ee Dhamaadkii sanadkii Tagay ee 2011 ka dhacay Deegaanka Seemaal oo ka mid ah Deegaan ada Ceelbardaale ee Shaqaaqadu ka taagnayd.


Madax dhaqameedka oo Natiijadii kama danbaysta ahayd ee Baadhista Danbiilayaashii Gayst ay Dilkaasi u soo Gudbiyay Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland iyo Gudidii Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u Xilsaaray soo Qabashada iyo Daminta Xaalada Dilkii ka Dhacday Deegaanka Seemaal, Odayaashan oo ka koobnaa Salaadiin, Cuqaal iyo Madax dha qameed kale ayaa la sheegay inay gudbiyeen in Falkaasi aanay Masuuliyadeeda lahayn Dad ka so o jeeda Deegaanka Gabiley ka dib markii sida ay sheegeen ay Sameeyeen Baadhis qoto dheer iyo in La dhaariyo Dadkii laga shakisanaa inay ku lug yeelan karaan Falalka noocaasi oo kale ah.
Oday Dhaqameedka Gabiley ayaa sida la sheegay mar hore isugu yimi shir ay kaga Wada xa ajoonayaan sidii la iskaga kaashan lahaa qabashada Danbiilayaashii gaystay dilka kuwaaasi halkaasi oo ay Odayaasha Deegaanka Woqooyiga Gabiley ku soo bandhigeen Natiijada Tuhunkii laga inay ku lug lahaayeen Dilkaasi, shirkaasi oo sida la sheegay Gudidii loo xil saaray ku qanciyeen Madaxdhaqameedkii deegaanka Gabiley, Warar ku dhaw dhaw madax dhaqameedka ayaa sheegay in Baadhistii ay soo saareen ay Waxba ku waayeen Dadkii looga shakiga qabay Dilkaasi. Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Odayaashu ay Xukuumadda ka Codsadeen inay Dawladu Bulshada u Cadeeyaan Cidii gaysatay Dilkaasi isla markaana Ay sharciga horkeenaan Danbiilaha ay ku Cadaato inuu Fuliyay Falkaasi Foosha Xun ee Tuhumadda Colaadeed ka Dhex Abuuray Bulshada Walaalaha ah.


Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa hore u Sheegay inay Dad badan uqabqabteen Di lkaasi kuwaasi oo aan illaa hadda warbixin Cad laga soo saarin in Gacanta lagu Dhigay Danbiil ayaashii Gaystay Dilkii Seemaal, taasi oo ay dhawdahay Mudadii uu Qabsaday Wasiir Duur inuu Ku soo bandhigii doono Natiijada Falkaasi. Xukuumadda Somaliland ayaa Dhacdadaasi u Saarta y Guddi balaadhan oo uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha somaliland Maxamed Nuur Ca raale (Duur) kuwaasi oo Sheegay in loo qabto Muddo dhan 45 cisho ah oo ay ku soo gabogaba yn doonaan Baadhista Kiiskii dilkaasi foosha Xun ee Colaada ka Abuuray Deegaanada Gabiley iyo Dilla. Wasiirka Arimaha Gudaha oo aanu isku Daynay inaanu Wax ka waydiino Arimahaasi ayaanay noo suuro galin inaanu ku helno Khadka Telefoonka.


Xukuumadda Somaliland oo Digniin u Dirtay Siyaasiyiin ku Sii Qulqulaya Shirka ka Socda Taleex ee Khaatumo 2 .


Hargeisa (Caalami)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa digniin culus u diray Siyaasiyiin ku sii qul qulaya Shirkaasi oo markii hore wejigii lagu bilaabay ahaa in uu shirkani yahay shir lagaga tashanayo arrimaha Beelaha, balse imika u muuqda weji Somaliland Qaranimadeeda wax u dhimaya.


Wasiir Duur ayaa sheegay in aanay Xukuumadda Somaliland ogolaan doonin wax kasta oo wax u dhimaya Qaranimada Somaliland, balse ay ka Xukuumad ahaan ogol yihiin in ay Beeluhu danahooda ka tashadaan, waxaanu yidhi Wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaan doonayaa in aan shacabka Somaliland iyo Beesha Caalamkaba u cadeeyo mawqifka xukuumadda ee ku wajahan shirka Taleex uga socda beel ka mid ah beelaha Somaliland, waxaanaynu wada ogsoonahay in ay Somaliland caan ku tahay Nabadgalyo, Xasilooni iyo maamul wanaag iyo daganaan, taas oo uu bud-dhig u yahay in fahanka iyo nabad ku wada noolaanshaha shacabka Somaliland””.


Wasiirka ayaa sheegay in ay ka Xukuumad ahaan ogol yihiin in ay Beelaha Somaliland ka tashadaan arrimahooda gaarka ah, balse aanay ogolayn wax kasta oo ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland, waxaanu Wasiirku yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Inkasta oo Somaliland ka guurtay Nidaamka beelaha, una guurtay nidaamka xisbiyadda badan, hadana waxaanu halkan ka cadaynaynaa in aanay Xukuumaddu waxba ka qabin shir kasta oo beelaha Somaliland u qabsanayaan danahooda gaarka ah, laakiin waxaanu ka soo horjeednaa shirkasta oo waxyeelaya xasiloonida, Nabadgalyada, Madax-banaanida iyo wada noolaanshaha ummadda Somaliland”.


Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa digniin u diray Siyaasiyiin shirkaasi ka qayb galaya, isaga oo uga digay wax kasta oo ka hor imanaya Qaranimada Somaliland, waxaanu yidhi Wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxa hada muuqata in niman siyaasiyiin ahi ay soo culaysinayaan shirkaa hada oo ay wada noolaanshihii iyo xasiloonidii ummadda Somaliland wax ka dhan ah ay shirkaa dhex keeni karaan, markaa waxaanu uga digaynaa arimahaasi, haddii ay beeshu danaheeda ka arinsanayso waxba kama qabno, laakiin waxaanu uga digaynaa wax ala wixii waxyeeli kara nabadgalyada iyo qaranimadda Somaliland, kana ogolaan mayno cid kasta oo isku dayda inay khal-khal geliso wada noolaanshaha ummadda, Waxaanan cadaynaynaa inaanu difaacayno midnimada iyo qaranimadda ummadda Somaliland”.


Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Ciidan u diri mayno, mana weerarayno shirkaasi Taleex ka furmay oo hore ayaanu u cadaynay oo shirkaa beeluhu ku tashanayaan ma diidayno oo hore ayaanu taas u sheegnay, hore-na Madaxwaynuhu markii uu Laascaanood u tagay wuu ka cadeeyey, laakiin hadii ay siyaasiyiinta shirkaas ka qaybgalayaa ay isku dayaan inay khalkhal galiyaan qaranimadda Somaliland iyo wada noolaansha ummada waxa aanu cadaynaynaa in aanu ilaashanayno qaranimadayada oo cidii taas ku soo xadgudubta aanu diyaar nahay inaanu iska difaacno”.


Wasiirka oo ka jawaabayey Su’aal ahayd waxa ay ka yeelayaan haddii uu shirkaasi ka soo baxaan qodobo ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland, waxa uu ku jawaabay “Waanu ka soo horjeedsanaynaa oo shacbiga halkaas ku dhaqan iyo deegaankuba waa Somaliland, wax way tirsan karaan oo way ka caban karaan laakiin wada hadal ayaanu arintaasna diyaar uga nahay. Hadii ay dhacdo inay siyaasiyiintaasi keenaan wax ka soo horjeeda qadiyadda Somaliland waanu ka soo horjeedsanaynaa maahee waanu ka hortagaynaa””.
Mar uu ka jawaabayay in ay ciidamo Somaliland ah u direen shirkaasi waxa uu yidhi “Ciidan umaanaan dirin shirkaas laakiin hore ayey ciidanka qaranku u joogeen deegaankaas oo cudud balaadhan ayaa ka joogta deegaanaddaas, hore-na xaaraan ugamay ahayn imikana xaaraan kama aha, markaa ciidan cusub oo loo diray ma jirto. Laakiin waxaanu doonaynaa in nimanka siyaasiyiinta ah ee halkaa yimid inkasta oo meeshu tahay deegaankoodii iyo dadkoodii-ba, hadana kama ogolaanayno in ay inagu soo kordhiyaan wax xasiloonida dalka khalkhal galinaya, waxaanan u sheegayaa anaga oo mawqifkii Madaxwaynaha ku celinaya inaanu wada hadal diyaar u nahay iyo cidkasta oo wax tabanaysa”.

Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismeyaal Dawlada hoose ee Degmada Wajaale ka Hirgalisay Saldhiga iyo Dawlada hoose.

Tog wajaale (Caalami)- Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Xuseen Cige (Black)ayaa xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo ay dawlada hoose ka hir galisay Degmada Tog wajaale Xaflad Balaadhan oo Xadhiga lagaga jarayo Dhismeyaashaasi lagu Kordhiyay Dawlada hoose iyo Saldhiga Booliska ayaa Waxaa ka soo Qayb galay Agaasimaha Guud Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Xuseen Cige (C/laahi Black) Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Faysal Kaamil Ciise , Taliyaha Qaybta ee Gobolka Gabiley Ismaciil Rashiid, Cuqaal , iyo Ganacsato.


Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Xusseen Cige oo ka hadlay halkaasi yahaa mahadnaq u jeediyay maamulka D/hoose ee hirgaliyey dhismahan oo magaalada u ah mihiim sidoo kale wuxuu sheegay in balan qaadkii uu madaxwaynuhu u balan qaaday magaalada wajaale la fulin doono bilawga sanadkan waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Maanta munaasibadan aynu iskugu nimid waa munaasibad taariikhi ah gudoomiyaha laftiisana sharaf ayey u tahay oo dayn faro badan oo ay maamuladii ka horeeyay ay kaga tageen uu la rafanaayey wax qabadkan uu qabtay aniga wax wayn ayey ii tahay sadex rug bilays ah oo laba qol oo lagu kordhiyey saldhiga iyo sadex xafiis oo dawlada hoose lagu kordhiyey dawladan ahmed siilaanyo waa dawladii wax qabad ka ee maaha dawladii rubac qaadka ah qaadaysay waa dawladii horu marka ka shaqaynaysay lana dagaalamaysay musuq maasuqa dakhligan imika ay dawlada hoose hesho awalba wuu yaalay ”


Waxa kale oo isaguna ka hadlay Taliyaha Madaxtooyada Gen.Faysal Kaamil Ciise waxaanu mahad naq balaadhan u soo jeediyey Gudoomiyaha Degmada Wajaale oo hirgaliyey dhismayaashan faraha badan ee maanta xadhiga laga jarayo sidoo kale wuxuu dadwaynaha iyo ganacsatada wajaale u soo jeediyey inay gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan sidii ay u horu marin lahaayeen magaalada wuxuuna yidhi “ aduunwaynaha horumaray waxay wax ku qabsadaan iskaa wax u qabso guud ahaan dalka waxaa ka socda hurumar, cashuurka dawlada hoose hadii la ilaaliyo adeegyada bulshada waa laga dhamays tiri karaa oo dariiqa isku xidha wajaale iyo kalabaydh ayaa hadii la xafido dakhliga la samayn karaa waxaanan bulshada reer wajaale ku boorinayaa inay gacmaha is qabsadaan oo ay dhan uga soo wada jeestaan sidii loo hurumarin lahaa magaalada .Waxa kale oo isaguna ka hadlay Taliyaha qaybta Gobolka Gabiley Ismaciil Rashiid oo sheegay in baahi wayn saldhigu u qabay guryahan oo ayna markii hore jirin meel lagu xidho haweenka isla markaana ay askartu dhibaato ku qabeen .


Gudoomiyaha Degmada Tog wajaale Xaashi Maxamuud Cab di ayaa sheegay in uu u mahad naqayo Dadwaynaha wajaale iyo shaqaalaha D/hoose oo hadii ayna la shaqayn ayna u suurta gasheen in ay hir galiyaan mashaaricad horumarineed isla markaana ayna baahiyaadka degmadu ahayn intan oo kaliya ayna ku da,adaali doonaan intii karankooda ah inay dhamays tiraan. Mustafe sh.abibakar Xuseen iyo qaar ka mid ah Odayaasha Degmada Wajaale ayaa iyagu Amaan usoo jeediyay Maamulka Dawlada hoose ee Hirgaliyay Mashaariicdan horumarineed.

Guddoomiyaha Ururka Xisbulaahi Oo sheegay inaanu ka Tanaasulayn Wixii Lagu Xidhay

Hargeisa (Caalami)-Guddoomiyaha urur diimeedka XISBULAAHI Sheekh Cabdilaahi Maxamuud Geelle oo doraad xukuumaddu xoriyadiisa dib ugu soo celisay ka dib markii uu muddo todobaado ah xidhnaa, ayaa ku celiyey mar kale in ururkoodu u taagan yahay sidii uu dalka shareecada Islaamka uu uga hirgalin lahaa.
Sheekh Cabdilaahi Maxamuud Geelle waxa uu sheegay in xadhigiisu aanu ka joojinayn inuu shareecada Islaamka dalka ka dhaqan galiyo oo uu ku dedaalo sidii uu mar uun u arki lahaa Somaliland oo shareecadu ka hirgashay waa sida uu yidhiye.
Guddoomiyaha Xisbulaahi Sheekh Geelle waxa uu tilmaamay in ururkooda iyo isagaba aanay qadiyada shareecada waxba u wehelin horeyso iyo dambaysaba, qofka Xisbulaahi diidaana uu la mid yahay dad uu ku tilmaamay Munaafiqiin.


Sheekh Cabdilaahi Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ka dib markii shalay la soo daayey ayaa yidhi “Waxaan dhaar ku marayaa mar saddexaad in ku dabaqida shareecada Islaamka ee dalka aanay wax nooga dambeeyaa jirin.” Ayuu yidhi Sheekhu waxaanu intaa ku daray “Qofka Xisbulaahi oo aayad ILAAHAY ah diidaana waxa uu la jirayaa kuwa Munaafiqiinta ah.”


Guddoomiyaha urur diimeedka XISBULAAHI Sheekh Cabdilaahi Maxamuud Geelle waxa uu tilmaamay inay hore dalka jihaad uga bilaabeen saddex qof oo uu xusay in beelaha dhexe ee Somaliland gacantooda ku dhiibeen ka dibna la dilay “Dalkeena saddex qof-baa jihaad ka bilaabay, waxa ugu horeeyay Sayid Maxamed Cabdalla Xasan, Sheekh Bashiir Yuusuf Iyo Sheekh Daahir, laba ka mid ah Isaaqu iyagaa gacantooda ku dhiibay oo lagu dilay.” Ayuu yidhi.
Sheekh Cabdilaahi Maxamuud Geelle oo xadhigiisa hore ka dhashay hadal aad u adkaa oo uu xukuumadda ku duray ayaa haddana hadaladiisan maantu waxay xukuumadda ku soo kicin karaan ladh hore oo sababi kara in lagu celiyo xabsiga.


Weerar Gaarisa ka dhacay oo Sababay dhimasho iyo dhaawac.
Maqaaxi ku taala Magaalada Gaarisa ayaa habeen hore weerar lagu qaaday, waxaana ku dhintay dad tiradooda lagu qiyaasay shan qof.
Maqaaxidan oo ay habeen hore ka dhacaysay Xaflada soo dhaweynta Sanadka cusub ayaa la sheegay in Maleeshiyo hubaysan weerar ku soo qaadeen, halkaasina ay rasaas isku weydaarsadeen Ciidankii Amaanka ee goobta ilaalinayey.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in saddex ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen Soomaali halka ay labada kalena ahaayeen Kenyan, iyadoo dadka dhaawacmay ay ku jireen askar ka tirsan ciidamada Kenya oo ilaalinayay ammaanka Maqaaxida lagu caweynayey.
Goobtan lagu caweyanayey oo la sheegay in Magaceedu yahay Lukis Club oo habeen hore ay ka socotay xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameynayey Sanadka cusub, waxaanay wararku intaa ku dareen in aanay jirin cid loo qab qabtay falkani.


Mid ka mid ah goob joogayaashii ku sugnaa meesha markii uu weerarku ka dhacay oo ka waramay waxa uu goob jooga u ahaa waxa uu yidhi "Markii hore waxaan maqalnay qarax ka dhacay gudaha caweyska, intaas kaddib waxaa xigtay rasaas ay is-dhaafsadeen ciidamada ammaanka iyo kooxihii weerarka soo qaaday oo uu wajigu u xirnaa... dhammaan dadkii caweyska u jiray way kala yaaceen”.
Dadkii ku dhaawacmay weerarkan ayaa la dhigay Cisbitaal ku yaala Magaalada Gaarisa, iyadoo kooxihii weerarka geystay oo la sheegay inay wajiyada duubnaayeen si dhaqso ah uga baxsadeen halkaas.
Saraakiisha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay inay wadaan baadhitaanno ay ku raadinayaan kooxihii weerarka ka dambeeyay, iyagoo sheegay inay ku tuhmayaan inuu xidhiidh ka dhexeeyo Al-shabaab.

Waa Markaygii:

Hargeisa (Caalami)-Xoriyadda iyo Xayndaabka inagu Xeeran ayaa inoo Saamaxay in Maalin walba aan soo kordhino Wax ku Cusub Masraxa Saxaafadda Somaliland kaasi oo qayb ka ah hormarka iyo kobcinta Maanka Shacbiga kala duwan ee si toos ah ugu Xidhan Warsidayaasha ka soo baxa Gayigeena hooyo, kuwaasi oo Xambaarsan Xogo kala gadisan oo Bulshada wax ku soo kordhin kara iyo Macluudka Wararka Dalku hadba halka ay heehaabayaan.
Caalami Waxa uu Calaamad u yahay inta Caqliga Saliimka ah ku Cabirta Wixii Caalamka ka jira, inta Cudud midaysan ka yeelata Wixii Carqalad soo gaadhsiin kara Dalkan Curdinka ah, Wuxuu Caawiye u yahay Caruur iyo Cirooleba gaar ahaan inta Soo Cabanaysa een cudud buuran lahayn ee Dadkii kiisa Cufwayni kula Ciiray Awoodda, Warsidaha Caalami waxa uu Carbinaaya Caqligii Shacabkeena, Casharaddii cusbaayee ku Cuslaa bulshadeena ayuu Caalami tabiyaaye cid kastaayba cantoobso, subaxdaad calmataan ee ku Cajabiyaan wararkiisu.
Wargeyskan Caalami waxa ay Akhritaal badan oo indhohoogu Qabteen iswaydiinayaan Waxa uu kaga Gedisanyahay Wargeys-yada kale ee Dalka ka soo baxa? Jawaabta Su,aashaasi haddii aan Si kooban kuugu soo gudbiyo Waxa uu Awoodda Saarayaa Arimaha Bulshadda iyo Kobcinta Maanka Umadda Somaliland si ay ula jaanqaado Casriga iyo Caalamka waxa ku cusub. Waxa uu Soo gudbiyaan Casharro taxanne iyo Ciyaarihii Dalka iyo Caalamka.
Caalami waxaa uu kuu soo Tabaniyaa Murtida iyo Maansooyinka ay Curiyaan Da,yarta iyo Aqoonyahanka somaliland kuwaasi oo Cabiraya wacyi kasta iyo Xaaladaha Camaalaqan ee Curyaamin kara Cududda Bulshadda iyo Carqalad kasta oo Caddaalad darro ka dhex Curin karta Caadooyinka iyo Cisiga sharafta ku ladhantahay ee ay kuwada nool yihiin Umadda Somaliland taasi oo ay ku Caano Maashay nabad galyadda iyo Calool Samaanta Caalamka oo dhami ku Caashaqay Calanka Somaliland, iyada oo Calaamad u noqday Cibaarooyinka Caabuqay ee Curyaamiyay Xasiloonidda Mandaqadda Geeska Africa.
Calmashaduna Waa Dane ruuxii Ciyaar badan ee Caashaq biyo dhigay, wuxuu Calaf uleeyahay Caadilkaa Arkaayee, Waxaan Caawimo u bixinaa Taxanaha Cishqa iyo Cabirkii Goo,gooskiyo Wax kastoo Caqligu tabo, ee Caalami Usoo tabi wax kastoo Carrigu tabo.
 

 


Caalaminews@yahoo.com
Hargeisa Somaliland