Halgankii Ummada & Hankii Maxamed Cali (IHUN)
by: Fu,aad Sheekh abubakar

 



dhameystay kooxihii dhinaca Itoobiya ka yimid ee Oromada, kana codsadey...


Qaybtii 1aad
Mareegaha Farshaxan
Ogoosto ,2013

Nimankii intay dhiidhiyeen wada dhalaalayey
Nimankii naftoodii dhigayee dhiigu qubanayey
Nimankii dhirta intay cunaan quud ka dhiganaayey
Nimankii dalkiinuun dhacsada u dhalandhoolaayey
Waar Allah ha u gargaaree guda abaalkooda

~~~~~~~~~

Maatida ragii soo cesheen ciil ku dhimanaynin
Calankeena nimankii mar kale cadaw ka soo qaadey
Ciideena nimankii xasladayee ina xoreynayey
Nimankii dalkiinuun dhacsada u dhalnadhoolaayey
Waar Allah ha u gargaaree guda abaalkooda

Abwaanada Qadan Cabdi Axmed



“Galabta ayaan arin muhiim ah inaynu ka wada hadalno doonayaa insha Allah, fulinteedana adiga ayaa u xilsaarnaan doona. Laba nin oo kale oo aanan kuu sheegayn iminka ayaa i so o raacaya ee waanu kuu imanaynaa insha Allah” erayadaa ayaa dhagaha mujaahid Axmed Galaas Jaamac ku soo dhacey isagoo dhex fadhiya xafiiskiisa ku yaalay xeradii Ganad ee qa xootiga laga maamulayey. Dhan uu u qaado ayuu garan waayey, muddo erayo dhagihiisa ku soo noqnoqonayey ayey ahaayeen.Tolloow labadaa nin waa kuwaba, arintu se maxay tahay!!!.Xilligan aad baa hawlaha halganka loogu jiray ay u ahaayeen qarsoodi.Nin waliba waa is dhawri jiray,hawsha halgankana waxba kamuu hakran jirin.

Axmed Galaas ayaa gurigii ay balantu aheyd uu u socdaaley si uu martida ugu soo dhawee yo si milgo iyo maamuus leh. Waxaa kaalin weyn ka qaatey soo dhaweyntan kuna taageer ay Axmed saaxiibkii Daahir Ismaaciil Xaaji Aadan oo gurigiisa goglay. Waxaa xusid mudan inaan hawsha halganka ee qarsoon loo kala hadhin,qofba in uu ka geystaba.Dhibta kaga i maneysa iyadoo qof kastaa garan karo ayaa loo badheedhayey ka qayb galka

Xilli ku beegnayd 1981kii ayaa xafiiska laga maamuli jiray qaxootigii Soomali Galbeed waxaa yimid Suldaan Cabdiraxmaan Sh.Muxumed (IHUN). Socdaalka uu xafiiskan ku yimid dan gaar may aheyn ee dan guud ayey aheyd.Waxaa damqay hiifka,dhibta iyo hagardaamada lagu hayo bulshada uu hogaamiyaha u ahaa.Waxaa la qaban qaabinayey sidii raashin joogto ah loogu heli lahaa jabhad aasaaskeedu si dadaban u bilaabmey. Jabhadaa waxaa loogu wan qalay Afraad. Waxaa xilligan sidoo kale bilaabmey jabhadaha Horyaal iyo Ciiltire. Saddexd an Jabhadood ayaa isku kaalmeysanayey inay iska caabiyaan dhibta,dhaca, boo bka, dilka, iyo hagardaamada joogtada ah ee bulshada degaanka iminka ah reer Soomaaliland kala ku lmayeen jabhadii Soomaali Galbeed oo dawladii Siyaad Barre (Afweyne) si gefsan u adeeg saneysay.Waxaana loo yaqaaney ooy ku caano-maali jireen Jabahadihii Sii-Galbeed.

Goorsheegtu xilli ay cagacageynaysay 2:00dii duhurnimo oo ay balantu ku beegnayd ayaa waxaa gurigii balanta soo galay Suldaan Cabdiraxmaan iyo labadii nin oo la socda. Waxaa madasha sii goglay oo marti loo ahaa Daahir Ismaaciil X.Aadan. Markii la fadhiistay ee la n astey ayaa Suldaan Cabdiraxmaan hadalkii qabsadey kuna bilaabey “Labadan nin waxay kala yihiin Maxamed Cali iyo Maxamed Xaashi Lixle,hawsha aanu u soconaana waa ciidama dii Afraad ayaa waxay fadhiyaan meel u dhaw Alleybadey oo wali may talaabin.Maxamed Cali ayaa iminka tababara.Warqad ayaan Sheekh Biliso ka soo qoraynaa in ciidamadu bat een, isagana raashinka loo kordhiyo, adigu ogoloow oo raashinkaa dheeraadka ah annag aa u qaadeyna Afraad, magaca Sheekh Bilisana way ku soo baxaysaa...”.

Arintii ayaa la falanqeeyey layslana meel dhigay sida ugu quruxda badan ee ay ku suurto obeyso laguna hirgalinayo iyadoo maamulkii Dawladii Siyaad Barre(Afweyne) dareemin, Sheekh Bilisana raashinkaa tabin.

“Labadaa nin mid wuu casaa oo wuxuu ahaa Maxamed Cali, ka kalena waxaa ka muuqdey muuqaal reer miyi safar dheer soo galay,macamusna wuu xidhnaa ..wuxuuna ahaa Maxam ed Xaashi lixle.....” ayuu yidhi Axmed Galaas Jaamac oo bahda mareegta Farshaxan uga wa ramayey fadhigaas iyo labada nin kuway ahaayeen.

Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood Suldaan Cabdiraxmaan Sh.Muxumed, Maxamed Xaa shi Lixle, iyo Maxamed Cali.halgankii ay galeen wuu midho dhaliyey oo guul iyo barwaaqo ayaa lagu hayaa Soomaaliland.Noloshu marba heer bay taagan tahay,tu ka fiican in mar walba la raadiyana waa hamiga dadka.Bahda mareegaha Farshaxan ayaa lagu yaqaan inay qoraal ku xusaan hormoodka bulshada Soomaaliland,siiba maalmaha mudan ee ay ka mid tahay Abril 6 oo ku beegan maalintii kor loogu dhawaaqey ururka SNM ee xornimada Soo maliland qayb laxaad leh ka qaatey (Abril 6,1981). Sidaa darteed ayaa doorkan mareega ha Farshaxan soo bandhigayaan taariikh halgameedkii mujaahid Maxamed Cali((IHUN).

Magaca Maxamed Cali:

Inta aynaan guda galin dhumucda qoraalka iyo sooyaal halgameedka uu xambarsan yaha y,waxaa mudan inaynu isla garano magaca Maxamed Cali yaa la yidhaa? Waydiintan ayaa nu u bandhignay dad fara badan oo aqoon dheeraad ahu leh magacaa iyo mujaahidka wat ayba, hase yeeshee waxaa ku adkaatey inay warcelin hufan ka bixiyaan.

Maxamed Cali uun baa la odhan jiray ilaa intaan aqaaney? Waligay xataa maan maqal iya doo loo dhaafinayo Maxamed Cali ? Inuu hal magac isku yahay iyo in kale xataa garan ma ayo? Malaha Caligu waa naaneys ee Maxamed ayaa la odhan jiray, magaca aabihiise wali gay maan raadin? Sidaasuu ku caanomaaley oo xilligii jabhadii loogu yeedhi jiray, sidaasaa nan ku bartey? Jabhaddii Afraad hogaan buu noo ahaa oo taliye Maxamed Cali ayaa la noo barey, waqti wax kale la is waydiiyana isumaan helin, xataa waxaan bari danbe maqley ina anu marna ciidamada ka mid noqon? Dadka kale darajada ciidan eey lahaayeen baaba loo raacin jirayee, isaga Maxamed Cali oo qayaxan uun baan u aqaaney? Wuxuu ahaa magac uu ku meel marayo waxaaban anigu u aqaaney inuu yahay M. Cali (em cali), iwm

Warcelimahaa kor ku xusan iyo qaar kale ayaanu helnay markaanu waydiinta ku saabsan magaca Maxamed Cali dadka la wadaagney.Hase yeeshee bahda Mareegaha Farshaxan raadco dheer iyo baadhis ay galeen waxay soo xaqiijiyeen inuu magacaasi yahay magac uu mujaahidku ku caano-maalay,aanuse aheyn magacii hooyadii iyo aabihii ugu wanqaleen.

Markii uu isagoo yar tagey magaalada Cadan ayaa unkan iyo bar-bilawba u aheyd magaca n.Halkaa waxaad ka dareemaysaa inuu mujaahidku isagoo yar u heelanaa dahsoonida iyo qaabka jabhadeyntu ku meelmarto.

“Markii uu yaraa waxaa loogu wanqalay Maxamuud, aabahayo wuxuu ahaa Faarax Dalmar Yuusuf” ayey tidhi Asli oo mujaahidka la dhalatey.Sidaa darteed magaca aabihii iyo hooya dii ay ku caleemo-saareen waxaa weeye Maxamuud Faarax Dalmar Yuusuf. Hase yeeshee qoraalkani wuxuu ku socon doonaa magaca ay dadku u yaqaanaan ee Maxamed Cali. Mag acu iskuma ladhna oo wuu kala soocan yahay, waanu kala qoqoban yahay.Waana magac wiil oo Maxamed ah, iyo waalid Cali la yidhaa ee bulshada carabkooda ayaa hal magac oo mujaahidku ku meel-marey ka dhigtay. Maxamed Cali siduu ku baxey iyo halkuu ka bilaabmeyna waxaa laga dhex arki doonaa qoraalkan dhumucda leh gudihiisa.

Halgamaa Han iyo Hiyi fog leh:

Heer baa la gaadhaa Hadalkaad tidhaahdiyo
Weedhaada haadiyo Shimbiruhu higgaadshaan.
Heer baa la gaadhaa Hurintaad la nooshahay
Kugu soo hirtaanoo Ku hareer istaagaan.
Heer baa la gaadhaa Haybadiyo karaamada
Rabbi kugu hagoogoo Adigoon ku hawshoon
Una hoorsan baabaco Dadku kugu hadaaqaan.
Maansadii “Heer baa gaadhaa” abwaan Xasan Daahir Weedhsame


Xilli ku beegnayd 1976kii ayaa Maxamed Cali laga soo daayey xabsiga Madheera.Waxaa lagu darey hogaanka jabhadihii Soomali-galbeed siiba gaaska Axmed Guray oo uu noqday abaanduulaha gaaskaa.Isla xilligan waxaa jiray in bulshadu u heelaneyd dhoof.Waxaa dadka qaxootiga Itoobiya ah ee la qaadayo la siin jiray baasaboor nin qaawani ku sawiran yahay. “Waraaqahaa kuu soo qaadi maayo ee talo ka fiican baan kuu hayaa oo anigaad gacan-yare ii noqon, Itoobiya ayeynu dalka ka xoreyni ka dibna Koonfur Afrika iyo meelaha kalee dhibaateysan ayeynu xoreynaynaa.Taasaana kaaga wanaagsan oo kaaga magac-roon”.Weedhaa sida qayaxan u dhigan ayaa ku soo dhacey dhagaha Axmed Cismaan Jaamac (Dawlad) oo ka waramayey markii ugu horeysay eey kulmeen Maxamed Cali.

Labada eray ee “ka wanaagsan” iyo “ka magac-roon” ayaa u ahaa hogaanka hanka Max amed Cali.Arintaasi ma aheyn han erayo madhan lagu qurxiyey ee fal sugan ayuu Maxam ed Cali ku ladhay kuna taageeray.Hadalka uu maalintaa yidhi mujaahidku ma aheyn hadal soke ee fal ahaana wuu u meelmariyey. “Isagoo yar ayuu Maxamed Cali u damqadey reer Cadmeed oo la dagaalamayey gumaysigii Ingiriiska. Isagoo yar ayuu ku biiray koox dhalin yaro oo loo qalabeeyey inay miinada dhigaan xarumaha kulanka u ah gumaysigii Ingiirks ee Cadan deganaa, marmarna dhagaxtuuraan si ay dhib u gaadhsiiyaan cadawgii Ingiriiska.” ayuu yidhi Kornayl Maxamed Cilmi Galaal oo in badan ay nolosha wada qaateen, kana mid ahaa dadkii talo iyo tilmaanba la garab taagnaa Maxamed Cali.

Magaalada Cadan waxaa ka jiray xilligaa kooxo u halgamayey xornimada Cadan. Waxaa ka mid ahaa kooxahaa Cadiyatu Raxmaan(National Liberation Front –NLF-) iyo Cadan Filosi (the Front for the Liberation of Occupied South Yemen-FLOSY-). Labadan jabhadood ayaa lahaa awood baqdin iyo anfariir badan ku haysay dawladii Ingiriiska. “Hawlo qarsoon (underground) iyo qaraxyo ayey kooxahaasi fulin jireen, Maxamed Calina isagoo ardey ah ayuu kala qayb qaadan jiray hawlaha kooxahaasi wadaan” ayuu yidhi mudane Axmed Shell oo adeer u ah Maxamed Cali.

Dagaal hor leh oo ka dhacey Dalkaa Yaman ayaa guushii iyo xornimadiiba ay ku hanteen dadkii reer Cadmeed, Soomaalidii joogtay halkaasi waxay u bateen inay u soo qaxaan dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya gu’gii 1967,loona bixiyey magaca “Xabadi Keentay”. Waxaa dadkaasi ka mid ahaa Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi.

Kornayl Maxamed Cilmi Galaal oo hadalka sii wata ayaa mar kale yidhi: “Waxaa Maxamed Cali loo diray Ingiiska si uu waxbarasho uga soo qaato,hase yeeshe ay ku adkaatey inuu u dulqaato midabtakoorkii ka jiray xilligaa dalka Ingiriiska,dabadeedna wuxuu u dhaafey wadanka Liibiya”. Xarunta tababarka ee kooxaha xornimo-doonka ah uu u fidiyey hogaam iyihii Qadaafi ayuu ku biiray Maxamed Cali. Wuxuu Maxamed Cali ka mid noqday kooxda loo tababaro cilmiga aqoonta Miinada iyo hawlaha la xidhiidha. Xilligani Maxamed Cali wuxuu ku faraxsanaa sidii ciidamadii Cadmeed ugu guuleysteen xornimadoodii.Waxaa kale oo uu ku faraxsanaa inaanu ka mid noqon kooxdii qaxdey ee loo bixiyey Xabadi-Keentay.Taag iyo tamari intay awood u siiyeen halgankaa wuu ka qayb qaatey Maxamed Cali,abaalmarintiina kumuu khasaarin oo maamulka Cadan ayaa waxbarasho dibadeed u diray.

Tababarkaa waxaa kula jiray koox ka socotey jabahada Al-Fatax ee reer Falastiin.Waxa uu la dhacey niyad-samida ka muuqatey iyo dadaalka ay muujinayeen.Sidaa darteed ayaa wada-hadal ka dib, Maxamed Cali u raacey kooxdaa xarunta tababarka ee Dimishiq ee dalka Suuriya ka dib markuu dhamaystay tababrkii Liibiya.Tababar jabhadeed ayaa uga bilaabmey halkaa Dimishiq,waxaanu u arkay inuu kaalmo ka geysan karo halgankooga,iyaguna aad ayey u soo dhaweeyeen. Waxay la dhacsanaayeen kaalmaha uu ka galayey tababaradaa iyo niyad-samida ka muuqatey.


“Wuxuu ku takhasusay Maxamed Cali dhigista miinada.Waxaa kaloo halkaa(Dimishiq) kula jiray koox ka socotay dalka Itoobiya oo Oromo ah una tababaranayey xoreynta dalkooda. Muddo ka dib ayuu Oromadii u sheegay inuu dalka Cadan uga heli karo hub iyo raashin ay ku dagaal galaan” ayuu mar kale yidhi Kornayl Maxamed Cilmi Galaal. Muddo ka dib ayey Maxamed Cali iyo kooxdii Oromada aheyd yimaadeen Cadan iyagoo dhameystay tababarkii jabhadeed.


Sidoo kale waxaa la weriyaa inuu Maxamed Cali dhawr dagaal kala qayb galay jabhada Falastiin ee Al-Fatax.Aadna ay ugu riyaaqeen kaalinta muuqata iyo gargaarka uu u fidiy ey.Mudadaaa gudaheeda ayaa waxaa tababarkii dhameystay kooxihii dhinaca Itoobiya ka yimid ee Oromada, kana codsadey in uu Cadan uga raadiyo kaalmadii hub ee uu Maxamed Cali xusay.

 

 


Ururintii iyo tifatirkii
Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org