Haldoor,Aqoonyahanad,Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa Cadceed ay Jamhuuriya da Somaliland ku diirsatay, aqoonteeda, waxqabadkeeda, waxar keeda,dadaalkeeda & kartideeda, oo aan taariikdeeda Dahabigaa cidna sacab ku qarin karin!

 

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee re er Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal meel aad joogtaanba, idinku salaamaya sal aanta islaamka ee qiimaha badan, asalaamu calaykum waraxmatu laaahi waba rakaatu. Waxaan  Allaha awoodda leh w eydiisanayaa,inuu idinka yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana,dulmiga ka dheeraada,Qabyaalada iyo urteed ana iska fogeeya.

Mujaahidad Faadumo Siciid Ibrahim halgankii, tacabkii, waxtarkii,aqoontii,dedaalkii,xoogii, kartidii iyo juhdigii ay ku bixisay dalkeeda hooyo ,maaha mid  qoraal keliya lagu soo  koobi karo.Waxaana biyo kama dhibcaana,in taariikhd a ma guurtada ah ee Qaranimada Somaliland, ay baal Dahaba  kaga qoran tahay.Sidaa awgeed, Haldoor, Aqoony ahanad,Mujaahidad, Faadumo Siciid Ibrahim,waa Cadceed ay Jamhuuriyada Somaliland ku diirsatay, aqoonteeda, waxqabadkeeda, waxtarkeeda, dadaalkeeda & kartideeda, oo aan taariikdeeda Dahabigaa cidna sacab ku qarin karin!.

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa Marwo ka madhan,kana han weyn,kana fayaw ,cudurka dilaaga ah ee So omaali dhamaanteed naafeeyey,ee qalbiga iyo quluubtooda degay,ee Qabyaaladda, sidii Dukhsigana Saxarada dul fadhiya.Qabyaaladu,waxay sabab u noqday inay is gumaadaan,Qabyaaladu,waxay sabab u noqday in dhiiga walaalkood ay si macno darro ah habeen iyo maalin u daadiyaan,Qabyaaladu,waxay sabab u noqday inay qayrk ood gacmaha u hoorsadaan,Qabyaaladu,waxay sabab u noqday in loo yeedhiyo,oo aanay iyagu iskood wa xba u qabsan karin. Balse,Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa sida shimbirka Gorgorka,ee hawada sare duul aya,ee neecawda udgooniyo daruuraha isku gaalaa bixinaya!...Eesh qiyaasak,Geesiyad aan la haybsan karin ig a dheh!

Rabigeen Tabaarka Watacaala,kownkan markuu abuuray,isagaa qaybshay, kala qorsheeyey, waxaanu kala fadal ay Aadamaha,isagaanay  gaar u tahay inuu qofkuu doono ciseeyo,karaameeyo,sharfo,kor u qaado, kuu doo nana duleeyo,waana sunan Rabbaniya,oon laga talaabsan karin.Sidoo kale,Rabigeen Tabaarka Watacaala, wuxuu  inna faray in haddii aad himmo sare la timaado,oo aad rabto inaad meel sare gaadho,waa in aad dadaal la imaado,Rabi gaana aad talo saarato,midhaha ka soo go'ana aad ku qanacdo.

Walaw aan laga gayoonayn,lana soo koobi karin,badweynta sooyaalka nololeed iyo taariikheed ee Mujaahidad,Fa adumo Siciid Ibrahim,waxaan haddii Allaha awooda lihi uu nafta igu simo,aan isku deyi doonaa inaan wax yar idiin ka bidhaamiyo.

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,maaha mid halgankeedu maanta bilawday, balse wuxuu soo taxnaa tan iyo bi lwgii dib u xorynta dalka Jamhuuriyada Somaliland. Waqtigaa waxaa ay ku sugneyd dalka Ingiriiska,oo ay ku soo bar baartay,waxbarashadana ilaa heer Jaamacadeed ku dhameysatay. Waxay ka mid ahayd Mujaahidintii juhdiga badan ku bixiyay sidii duunyo loogu ururin helaa ,looguna taageeri lahaa halganka dib u xoreynta,isla markaan mujaahidiinta dhaawacma loo keeni lahaa dhakhtarada dalka Ingiriisa si loogu daweeyo.

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,intaas oo keliya kuma ay koobnayn,ee iyadoo aqoonteeda adeegsanaysa, wa xay ka mid ahayd Mujaahidintii indhaha Caalamka iyo Saxaafada ku soo jeediyey,ee Tooshka ku ifiyey dulm igii iyo dagaalkii ciidamada Siyaad Barre ku xasuuqayeen shacabka,iyagoo adeegsanaya Diyaaradaha iyo Taan giyada .Taasi waxay sabab u noqotay, dhabarka & adhaxdana ka jebisay xukuumadii Daalinkii Siyaad Barre,ka dib markii dawlada Ingiriisku albaabada isugu dhufatay Safaaradii Somaliya, Quful weyna ka laalaadisay.

Rabigeen Tabaarka Watacaala ,wuxuu inna faray inaan isku naxariisano,si uu inoogu naxariisto,oo uu innogu furo nimcooyinkiisa aan dhamaadka lahayn iyo albaabadiisa aan la xidhin.

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa Marwo aad u naxariis badan,waxaana markhaatii  ma doonto ah sidii ay uga damqatay,uga gilgilatay, uga dhiidhiday, dhalinyarada gaajada iyo qabawga dhaxanta la nool,ee ehelka u no qday darxumada iyo leeleelka nolosha darran ,ee daadsan darbiyada magalaada Hargeysa.Way ururisay,una
sameysay Xarunta Darbi Jiifka,iyadoo la kaashatay  maalqabeenada waaweyn ee Somaliland,sida Maxamed Aw Siciid,Dahabshiil iyo Telesom.
 
Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waxay cod u tahay inta aan codka lahayn ee jilicsan,waxay cod u tahay ma yeedhaanka, waxay cod u tahay inta gaajo darteed beerka dhulka ku haysa een awoodi karin inay luqmad ay ga ajada iskaga reebaan iibsadaan,waxay cod u tahay hooyada aan awoodi karin inay dhariga u dha dhaarto caruu rteeda dhalaanka ah,waxay cod u tahay masaakiinta soo ootay,een biyo yar oo ay ku jeel baxaan heli ka rin.

Lagama gayoonayo badweynta sooyaalka taariikheed iyo nololeed ee Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim ,ee bal mar kale aan soo dul xaadiyo:

Waxbarashada dugisiga Hoose,Dhexe,sare iyo Jaamacada,waxay ku qaadatay  dalka Ingiriiska
Waxay ka soo shaqaysay Hay'ada Marayakanka ee USAID
Waxay ka soo shaqaysay Hay'ada Qaramada Midoobay ee UNDP
Waxay hindistay,hir galisayna Kuliyada Badda ee Berbera
Waxay hindistay in la helo Ciidamada Ilaalada Xeebaha
Waxay Hindistay,in Dumar Boolis ah oo tababaran ay Somaliland yeelato
Waxay aasaastay,Guddomiyana ka noqotay Ururka horumarinta bulshada ee  ODHA
Waxay sameysay Hay'ada Xuquuqul Iinsaanka Somaliland
Waxay sameysay Xarunta Darbi Jiifka ee Hargeysa
Waxay soo qabatay xilka Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga UCID
Waxay soo qabatay Xilka La-Taliyaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga Waddani
Waxay soo qabatay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibada ee xisbiga Waddani
Waxay hir galisay mashaariic badan oo aan halkan lagu soo wada koobi karin

Aan ku sidko, kuna lingaxo,dadaalka iyo kartida ay Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim muujisay,suugaanteena h odanka ahna bal aan dhex mushaaxo,soona xusho tuduc ka mid ah gabay uu tiriyey,Rabbi naxariistii Janno Farda wsa ha ka waraabiyee,Gabayaagii weynaa,Halyeygii,Cabdillahi Suldaan Maxamed (Timacade).Waxaa uu ku iftiim inayay inaan  fadhi iyo fuud yicibeed laysku  heleyn, balse hadaad rabto inaad meel sare gaadho,oo amiga aga, hiigsigaaga,himiladaada,yoolkaaga iyo rabitaankaaga,aad ka midho dhaliso,waa inaad isku diyaariso,una sahay qaadato safar dheer,adkeysina u yeelato qodaxda iyo qocondhada,abriska iyo abeesada teedsan mugd iga iyo qudcurka habeenka ee darbiyada kuududa...Waxaanu yidhi :

Lama helo wadaadow
waxaan cidi ku hawshoone
naftaa loo hantaaqaa
waxay hiigso leedahaye

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waxay ka mid tahay shaqsiyaadka faro ku tiriska ah, ee dalkani wax ku yahay ,qalbigeeda iyo dhiigeedana ay ku mudan tahay tacabkii iyo dhibtii dalkani loo soo maray,ee hooyooyin curadood ii ku waayeen,lana qiyaasi karin inta geesiyaal naftoodii ku bixiyey.Waa Marwo ka shaqeysa walaaltinimada shac abkeeda ,isku soo dhaweyntooda,jecelna wada jirkooda,wada noolaanshahooda,iyo inay Qaranimadoda ilaashad aan,una midoobaan Cadawga gudaha iyo ka dibadda, ee habeen & maalin ku foogan burburka Jamhuuriyada Som aliland.

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,magaca,sharafta,cisiga iyo karaamada ay maanta ku dhex leedahay bulshad a iyo Qaranka Somaliland,maaha mid  dheel dheel iyo ciyaar ku timid,kamaney helin Buurta Laalays dusheeda i yo Banka Beeraha ee Tog-wajaale toona, balse waxay ku bixisay Aqoon,maskax,tacab,fikir saliima,waqti badan, soo jeed iyo nafteeda oo ay u hibaysay sidii dalkeeda hooyo,oo ay wax walba ka jeceshahay,uu u  noqon laha Xiddig ka dhex ifaysa mandaqada Geeska Afrika....Eesh qiyaasak...Geesiyad qayrkeed hayaamoo,Dayaxa hiigs anaysa iga dheh!.

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa Marwo qiimo badan,GOBA,agtadaydana qadarin, sharaf,cisi iyo karaam o ku leh.Waxaan Allaha awooda leh,ee ay Kownkan gacantiisa ku jirto aan uga baryayaa,in intay addunkan korkii sa joogtana,inuu caafimaad & cimri barakaysan ku arsaaqo,dad iyo duunyana barakeeyo.Maalinta ajashu ku tim aadana,inuu Rabbi ku daro adoomada uu raaliga ka noqday,ee Jannatul Fardawsa lagu casuumo, Nabigeenii suub anaa ee Maxamedna (CSW), jaarkiisa ka yeelo,aamiin yaa Rabbi.

Guntii iyo gaba gabadii,badweynta Sooyaalka taariikheed & nololeed,ee Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,maah a mid laga gayoonayo,laguna soo koobi karo qoraal keliya,sidaa awgeed,waan ku hambalyeyenayaa,waanan uga mahad celinayaa waxtarkeeda muuqda,waxaanan leeyahay: Haldoor,Aqoonyahanad,Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa Cadceed ay Jamhuuriyada Somaliland ku diirsatay , aqoonteeda, waxqabadkeeda,waxtarkeeda,dad aalkeeda & kartideeda, oo aan taariikdeeda Dahabigaa cidna sacab ku qarin karin!

 
 


 

Eng. Qoraa: Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Senior Certified Network Specialist
|
CNA | CCNA | MCP | FCNSA | A+ |
26 October,2019