Hal doorkii Kulmiye ku Faani jirey mee maxa xilalkan m ucaarid ka
lagu casuumayo loogu igman waayay. mise hal doorba kuma hadhin oo
baahi ba keentey in mucaaridka la fadhateysto
Waxan
maanta doonaya in an dhawr ery oo runtii igu muudan ka idhaahdo
isbadalkan lagu sameyay golihii wasiirada JSLand runtii wa loo
baahna isbadal in lagu sameyo gol aha wasiirada waayo shacabku
inbadan bu qeylo dhaan u direy madaxweynaha inu wax ka badalo
wasiiro dhawro ah oo shacabku aad iyo aad uga cawdeen islamarkan ay
dhib sadeen hawlihii ay qaranka u hayeen dhaliilo badanina jireen,
waxase nasiib daro ah in an midna lagu so darin wasiiradii shacabku
codsadeen in la badalo oo ay wali joogan ka na mid yihiin kuwa la
sii dalacasiiyay waana nasiib daro..
Mida kale ee an jecelahey inaan wax ka idhaahdo, horta caalamkan
aynu joogno lama ar ag xisbi doorasho ku guuleystey oo taladii dalka
gacanta ku dhigay oo midida daabkee da heysta oo siyaasiyin axsaab
kale oo ka tirsan ku soo casuumo xilal sare wa arin ina gu cusub oo
caalamkan ugub ku ah.
Runtii wey dhici karta haddii doorashada horteed ey laba xisbi qaran
ku heshiiyaan in ay talada dalka si siman u qeybsadan oo ay dawlada
wadaag sameystan markaasaad arki karta oo ay macquul tahay in labad
xisbi soo wada magacaaban golaha wasiirada, lkn habkan cusub ee
dawladan Siilaanayo inoola timid ma jiro caalamkan xisbi sidaasi u
dhaqma o shakhsiyaad xisbi mucaarida ah ka tirsan oo an iscasilin oo
waliba xilal haya in loo magacaabo wasiiro wa sheeko inagu cusub oo
runtii hore inoo soo marin.
Waxa iyaduna maanta caalamkan aynu joognu ku cusub siyaasiyiin
mucaarid sheegane ya oo mab'da xisbi mucaarid aaminsan oo qunyar
farta loogu yeedheyo oo qaadaneya xilal faro guud kood ah oo loo
magacaabay isagoo an la tashan xisbigii u ka tirsana ee mucaaridka
aha tanina wa mid inaguso kordhey oo an hore inoo somarin, waliba
saxaaf ada iyo warbaahinta horteeda ka odhaneya waan ku faraxsan
nahay xilkaasi la igmad ay ama la i magacaabey, shalayna laha wa in
laga takhalusa oo dalka laga qabta mafiya dan kulmiye ee dalka
heysata, wa mid iyaduna inagu cusub oo uu mucaaridka somaliland
saaxada siyaasada kuso kordhiyay inu xil ka qaban karo xisbiga
talada haya hadii loo gacan haadiyo, wa arimo caalamkan ku cusub oo
an hore loo arag.
Waxan haddaba aakhristoow isweydiiyay oo an ila hadda garan la'ahey
sababta iyo ba ahida ku kalifeysa madaxweyne Siilaanayo inu
fadhateysto ama garabka taabto madax da ka tirsan asxaabta
mucaaridka ah isagoo heli karaya hal doorkii kulmiye ee labeenta aha
ee uu xisbigu ku faani jirey.
1.MAYE HAL DOORKII KULMIYE, ma hal doorkii kulmiye ba laga waayay
wasiiro buuxin ka ra jagooyinka mucaaridka loogu casuumayo halkee
wax ka si yihiin,
2. Maye raggii xisbigan usoo
halgamey miyeey dhamaadeen oo baahi ba timid,
3. Maya kuwii ku laxaad waayay
kulmiye ee naafada ku noqdey halgankii kulmiye,
4. Maya kuwii maalkooda u hurey
kulmiye ee ku maal iyo aduun ba waayay ee hantidoo din ololaha ku
galay kulmiye,
5. Maya kuwii waxwlaba ku seegay, su'aalo badan baan isweydiinaya oo
an garan la ah ey sidaan uga jawaabi laha waxan socda ee uu
madaxweyne Siilaanayo ku dhaqma yo, marmar waxan isidhaahda waaba
run wixii la sheegsheegayay ee aha odaygu talo ba g acantiisa kuma
jirto taasan xaqiiqsan kara maanta markaan uu kuurgalay arimahan so
cda..
Waxan qoraalkeygan kuso gabagabeynaya
KULMIYE WA WADA UULOO UL LA
QAATO MA LEH, taasa marag ma doon ah
maadaama laga maarmi waayay siyaasiyintii
mucaaridka aheyd ee axsaabta mucaaridka ka tirsaneyd. Waxan u
sheegaya taageerayaasha kulm iye iyo
siyaasiyinta kulmiye in ay maanta ka
jaanis wanaagsan yihiin kuwa axsaabta
mu caaridka ka tirsani haddii jagooyin soo baxaan wasiiro iyo
wasiiro kuxigno oo loo yeedhi doono
mucaaridka inteyda hadhey...kk
Guul baan u rajeynaya somaliland ilaaheyna isbadal kheyr qaba ha
inooga dhigo aamin
Omar Darood Hassan
Norway
|