Hadii SSC Shuruudaheedii Loo Fuliyay Awdal (State)-na Maxaa Loo Hayaa?!

 



- Marka hore,waxa hambalyo iyo bogaadin mudan cid kasta oo gacan ka gaysatay dhiraan dhirinta, isku soo dhawaynta, turxaan-bixinta iyo nabad ku soo dabaalista degaamada bari ga Somaliland, kuwaasi oo ay ugu dambaysay nabad-qaadashadii Buuhoodle, oo ay duleedk eeda colaadi ka taagnayd dhawrkii sanadood ee ugu dambeeyay! Wax la maadhiyo oo loo guura-galo nabad-baa ugu shilis oo ugu qaalisan! Sawtii hore loo yidhi; '' Saw nabadi sahayd aada ood sidato uun maaha''.

Tabashooyinkii keenay colaadii iyo weeraweerahii u dhaxeeyay dawlada Somaliland iyo dadk eeda (qaybo bariga ah) waa la iska af-gartay oo waa laga heshiiyay. Waxana la go' aansa day samo-ku-wada-noolaansho! Iyo in la kala jeexdo xabada furinka ah, la wada dhisto qara nka Somaliland ee la wada leeyahay ee loo siman yahay, oo iyada oo lexejeclo isku mid ah laga qabo la wada ilaashado.

Taasi hadaba waa bariga Somaliland (Buuhoodle)! Tu kale ayaa hadhsan oo ah arinta Awdal-State! Maxaa iyada laga yeelayaa, ma haboontahay in cidii ay arintaasi ka go'do ee wax tabanaysa la marti qaado oo la is dhagaysto, la garamo, oo xoog la saaro in la is-qanciyo? Ma aha Khasab inay Dawladu bilowdaa arintan, dadka kale ee walaalaha ah ee wada dhasha y ayaa xaajada baalalayn kara oo ibo-furkeeda yeelan kara, iyada oo ay gudoonka u dambe eya dawladu dabcan yeelan doonto.
 


Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogto;
 

 


Cali Cumar Xasan