Haddii Loo Dhoofi Jiray Diyaarinta Masters Degree Hargeysaa Laguugu Keenay!
 

Hargeysa (Timacade News)- Jaamacada Hope University oo ka mid ah Jaamacada ha gaarka loo leeyahay ee ka dhisan Magaalada Hargeysa, ayaa markii u  horays ay hir-gelisay in Shahaadada Sare ee Masters Degree-ga loo yaqaano lagu ay  A rdayda waxbarashada heerka Sare jeceli ku diyaarin karaan dalkooda  gudahoo da, iyaga oo qaadanaya Shahaadada ay bixisay Jaamacada Kampalla University ee dalka Uganda.

Arrrintan ayaa ku timi heshiis iskaashi oo dhex-maray maamulada Jaamacadaha Hope iyo Kampalla, iyada oo arrintani noqonay tii ugu horaysay ee nooceeda ah, ardayda jaamacadaha ayaa marka ay waxbarashadooda Degree-ga ku  dhamays taan jaamacadaha dalka, waxay Shahaadada master’s Degree-ga ku soo diyaarin jireen wadamada dibada, iyada oo kharash xad dhaafi ahi uu ku bixi jiray. Hase  y eeshee, taalabadan oo ah mid lagu farxo, isla-markaana loo qaaday dhinaca  wan aagsan ayaa waxa ugu horayn faahfaahin intaasi dheer inaga siinaya Maamulka Jaamacada Hope Medical University oo xarunteedu tahay magaalada Hargeysa, Mr. Najiib Xaashi, waxaana uu yidhi: “Waxaan maanta goob joog ka nahay taariikh xaga tacliinta Sare ee dalkeena ugub ku ah. Jaamacadaha Kampalla University iyo Hope Medical University waxa dhex-maray heshiis, nuxurkiisu yahay, waad  ogtih iinoo dalkeena Jaamacado way jiraan gaar loo leeyahay iyo kuwo dawladu  taag eertaba, hase yeeshee ilaa hada waxa la hayaa uun waa Degree, hase yeeshee ila hada ma jirto Jaamacad suurto-gelisay in Ardaydu tacliintooda gaadhsiiso  he er Master Degree, qofkii doonaya wixii intaa dheer ee ka bilaabma Masters  Deg ree waxay ahayd inuu dalka dibadiisa u tago.”

Mr. Najiib isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo yidhi: “Waxa bu shaaro ah, oo aan ugu bushaaraynayaa bahda tacliinta Sare jecel inay suurto-gashay dedaal badan ka dib in Jaamacada Hope iyo Jaamacada Kampalla  Univer sity ee dalka Uganda oo uu maanta inagala joogo Dr. Juco Uhandas oo ah  Agaasi maha maamulka Sarena ku jira inuu maanta goob joog inoo yahay oo uu xafladan inagala soo qayb-galay, taasoo noo suurto-gelinaysa in wixii ka bilaabma Bisha February ay jaamacada Hope si toos ah oo aan waxbarashada masaafada dheer Distence Learning ay Araydu helayaan Masters Degree ay bixiso Jaamacada Kampalla University.”

Maamulka Jaamacada Hope waxa kale oo faahfaahin ka bixiyay kharashka ay ku kacayso taclintan sare ee Shahaadada Masters Degree-gu waxaana uu yidhi:

“Annaga oo qadarinayna duruufta dhaqaale ee wadanka Fee-gii laga qaadi lahaa Jaamacada Kampalla waxay naga yeeleen inay lacag ka yar naga qaadayaan, waxaana waxbarashada la dhiganaya xilliga habeenkii ee aanay shaqadu jirin.
Nasiib wanaag, waxaan u fadhinaynaa in aad noqotaan Ardaydii u horaysay ee nasiib u heshay inay dalkooda gudihiisa ku diyaariyaan hadii Alle yidhaahdo Masters Degree caalami ah oo jaamacadii iyo shaqadaadii iyo gurigaagiiba aad isla hesheen.”

Tacliinta Sare ee Heer Jaamacadeed ayaa Tobankii Sano ee u dabmeeyay marba marka ka sii dambaysay cirka isku shareeraysay, iyada oo wadanka ay ka aasaasmeen jaamacado tiro badan, sidoo kalena talaabadan ayaa dhiiri-gelin way siinaysa, in xataa laysku dayo in wadanka gudihiisa laga hir-geliyo qorshe suurto-gelinaya ku diyaarinta dalka ee Shahaadada waxbarashada ugu saraysa ee PHD.



Source: Somalilandpress


 



Posted by:  Cali Cumar Xasan