Hadalkaas Gudoomiyaha Ismagacaabay ee C/raxman Ubaxle: Waa Iska Hadloow Ina Higirle Waar ilayn nin indho adag

 


Hadalkaas Gudoomiyaha Ismagacaabay ee C/raxman Ubaxle: Waa Iska Hadloow Ina Higirle
Waar ilayn nin indho adag oo aan waxba iskula hadhaynin waxba kama waabto, kama xishoodo, kamana giigo. Sidaa waxa ka dhigan ninka tolminada loogu magacaaabay in uu yahay Gudoomiy e bulsho uu kala irdheeyey, haddana indho adaygiisa isle bulsho ayaad matashaa oo iskuna she egaya in uu yahay Gudoomiyaha Qurbejooga Yurub. Waar ilayn af aanad lahayn ma aamusiisid.

Ninkan waa C/raxmaan Ubaxle oo ah in qaybyaalada iyo kala qaybinta jaaliyada Somaliland ee UK ku qaatay darajada ugu sareysa ee nin bulsho qaybiyaa uu yeesho, abid inta la og yahay wadamada Qurbaha. Waa ninka aamisan in reerka uu ka soo jeedo ee Habar Jeclo ay 80% iy adu tahay bulshada Somaliland ee UK ugu badan, sidaa dartee ay tahay in iyagu mudan yihiin in ay u taliyaan bulsahda inteeda kale. Waana sobota ay ugu qanciyeen Xirsi Cali Xaaji Xasan ? wasiirka Madaxtooyda oo ah ninka u meel sameeya tolka soke ee HJ in gudoomiyaha Qurbejoog a Somaliland uu noqdo nin reerka ah ee Maxamuud C/raxman Cali, ka Yurub iyo UK uu noqdo In a Ubaxle- Sow yaab ma ah?

Xaqiiijinta arintan waxa aan ku cadaynayaa anigoo haya emailo uu u diray nin isla reerka ah oo uu u sheegayo in reerku yahay 80% bulshada Somaliland ee UK. Hadda khalad ha iga fahmina, aniguba waxaan ahay isla reerkaa uu sheegayo ina Ubaxle, hase ahaatee waa mid aan kaga duwanahay ninkan iyo inta la midka aha ee bulshada kula jirta qabyaalad ee xataa u samayst ay xarun uu ka hago kala qaybinta bulshada UK uu ka furtay magaalada Birmingham, halkaas oo uu ku lee yahay marfash camiran oo lagu cugo dhiisha qaybaaladeed ee uu bulshada uga qaybi yo.

Waayabe bulshada uu lee yahay waan ku hadlayaa magaceeda ee Qurbejoogu ma afarta marfashiika Birmingham ee isla xaafada ee camirta miyaa, mise ninku wuu hurdo-socdaayoo waa nin riyoonaya, waayo bulsho uu magaceeda ku hadli karo iyo cid uu gudoomiye u yahay cidi ma ogo, kuma kalsoona ninkaas iyo xilka uu sheeganayo.

Ninka C/raxmaan Ubaxle oo ka dhoofay UK dhawaan, una sii socda Somaliland ayaa qoraal uu iska sii horeysiinayo, isla markaana mansab kudoon ah ku weeraray raga dalkan u soo halgam ay ee ku dhawaaqay Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland oo leh taageero bu uxda oo ay la hor, hareer iyo diba la joogaan bulshada Somaliland ee ka xortay dawlad qabyaal ad lagu difaaco.

Qoraalka uu internet-ka galiyey ee uu ku weerarayo xubnaha golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranku waa mid uu uga dan lee yahay in Berbera loogu dhigo kaarbet cas marka uu halkaa ka dego. Waar ilayn lagama xishoodo aniguna waa ikan! C/raxmaan Ubaxle waxa uu intii uu joogay Birmingham ee uu golahaas lagu dhawaaqay aad iskugu hawlay in uu qaato mashruuca WAJI-KUMACAASH ee lagu weeraro nimankaa halgamayaasha ah ee dalkan cid uga lexjeclo badani aanay jirin, hase ahaatee wuu waayey cid kamara video u soo horfadhiisata, xataa isagoo diy aarsaday qolka yare e ku xiga marfashkiisa ee uu lacagta kaga qaato TV- Qaranka ee uu qand araaska ku qaatay in uu stuudyow ugadhigo laanta Birmingham ee TV-ga Qaranka.

Waa nin ay bulshadu ka ilbaxday ka dib markii uu dagaal gacan ka hadal ah oo qaawan ku qaad ay xubno bulshada Somaliland iyo wakiilka Somaliland ee UK oo shir u lahaa London, isagoo ku dagaalamaya anigaa idiin gudoomiye ah. Isqor-bilaa-liis!

Haddaba ninkaa Ina Ubxle ee Birmingham marfashka ardaaga reerka horjoogo ka ah yaanu u bu?in rag uuna hadhkooda gaadhayn, hana kala saaro, tolnimo iyo reernimo ayaan difaacayaa oo aan wax ku doonaynayaa iyo Qaran Somaliland- Markaa waxaan lee yahay adeer ?Inaad saama jiidatiyo shanqadh kala tirasho kala daa? Dadku wey ku og yihiine aayar Somaliland iska tag, waxba ha u sii marin wax-ka sheega golaha GWT.
 

 



Axmed Odowa
Birmingham, UK