Hadalka Ra'iisal-wasaaraha Ethiopia waa farriin culus oo ku wajahan Xaalad-abuurka Xukuumadda Xamar
 


 

 

By: Ali Xaruuri

 

Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi oo haatan booqash o rasmi ah oo ay dawladda Ethiopia u fidisay ku jooga magaalada Addis ababa, wuxuu la kulmay Ra'iisal-wasaaraha Dalkaasi H.E. Haile Mariam Desalegne. Kulankaa kadib, waxay labada mas'uul wadajir ula hadleen warbaahinta.  Ra'iisal-wasaare Haile Mariam oo markiisa hadlayey aya a isagu sheegay in ay muhiimad gaar ah siinayaan dhinaca amniga. Wu xuuna taa ku macneeyey in ay rumeysan yihiin in amniga Ethiopia uu yahay amniga Somaliland, sidoo kalena amniga Somaliland uu ya hay amniga Ethiopia. Hadalkan ra'iisal-wasaaruhu wuxuu ku soo bee gmay xilli ay xasarad ba'ani ka oogan tahay xuduudda Somaliland iyo Somalia.  Sidaa awgeed, tani waa farriin culus oo ku wajahan xaalad-abuurka Somalia, waana dhambaal muujinaya in Ethiopia ay Somalila nd hiil iyo hooba la garabtaagan tahay xaalad kasta oo adag. (a friend in need is a friend indeed).
 

Puntland/Somalia waxay khalad ka fahantay  samirka iyo dulqaadka iyo nabad jacaylka Somaliland.   Somaliland wax baddan bay fursad siisay nabadda iyo deris wanaaggga, haddase waxa ka go'an inay soo afjarto oo ay gaadho xuduuddeeda.  Sheegashada Puntland ee xuduudda issirnimada ku salaysan, gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin.


 

Qaar ka tirsan shaqaalaha BBC-da Af-Somaliga oo nacayb Somaliland ahi ku jirto ayaa goboladda Bariga Somaliland ku tilmaama dhul lagu muransan yahay (disputed area).  Cidkastaa ha ku biyo cabto, Sool, Sanaag iyo Cayni waxay ka mid yihiin HADDA iyo MUSTAQBALKABA Somaliland.   Khariidadda Jamhuuriyadda Somalilandna waa mid aan waxba laga bedeli karin.  KALLUUN MARBAA LA GAWRACAY.


 

Hawl-galkan haattan ka socda xadka Somaliland iyo Somalia ma aha RUQAANSI (sidii kuwii hore) ee waa mid RASMI ah.   Digniinta maanta Somaliland waa mid dhab ah oo aan la dhayalsan karin.  MIIDAAMO DHEGO MA LEH HADDUU MALAG DHAWAAQAAYO.  Waxa muuqda ifafaalo aad u xun, ciddii ka dhaga adaygta waxay wajihi doontaa xaal ad adag, waxayna la kulmi doontaa guuldarro aanay ka soo waaqsan karin,  "they will be met with fire and fury like the world has never seen", taas oo keeni karta inay galaafato isla markaana baabi'iso nolosha dad badan.


 

Ficiladan Xukuumadda Farmaajo waa dhaqanka lagu yaqaanno dawla dda fashilka ah ee gabalkeedu sii dhacayo oo shacbiga walaalaha ah QO RI DAB AH OO OLOLAYA ISKUGU DHIIBTA.  Waana tallaabada rafasha da u dambeysa ee Taliska Naxashka saaran.  NEEF GAWRACANI GEED O KAMA WAABTO.  Dadweynaha Somaliyeed waa qaar garaadk oodu haattan ka koray kana ilbaxay durbaanka dagaal iyo hurrintii colaad da sokeeye ee lagu majaro habaabiyo.


 

Malaha Farmaajo Meel kale ayaa looga yeedhayaa.   His days are numb ered.


 

Haddii aanay Xukuumadda Muqdisho faraha kala bixin dhiilada iyo xas aradda ay ka abuurayso mandaqadda dagaalka ay ku bilaabawday QOS OLKA hadhaw OOHIN ku dammin kari mayso.   Ogow garoonka lagu dh eeli doonaa noqon maayo Tuka-raq iyo Gobolka Sool, balse GAROWE ay aa lagu ciyaari doonaa.  NIMAAN KUU FURI DOONIN YAANU KUU RARI N.


 

 

 

 

 

Wa Billaahi Tawfiiq

Qalinkii:  Cali Xaruuri