Hadalka oomaar waa ilmadii yaxaaska

 


Waa maalin ciida ,illaahayna aan ka baryeyno in aynu ciida ciideeda ku gaadhno Somaliland oo  de gen barwaaqo iyo horumar gaadhay ,sidaas oo kale umada islaamkana wan u rajeyneynaa .

Intaas haday iga noqoto salaanta ciida ,waxaan doonayaa in aan fikir muwaadinnimo ku eego  wa reysiga ina oomar lala yeeshay ,dalwaliba wuxuu leeyey danjire dahsoon ,maalin walbana duulbaa u kaca duulkaas ayaana badbaadiya. Kuwaasna waxaa ka soo horjeesta qaar kale oo rabintaanka umada danahooda ka raaca, labadana waxaa ka dhexeeya loolan iyo hirdan fikradeed iyo mid dublamaasiyadeed.

Somaliland iyo dowlada shariifka ee ina oomar uu matalaa loolan adagbaa ka dhexeeya ,oo  diblam aasiyadeed ,gooba badan oo dublamaasiyadeed ayey ka canbaaraysay Somaliland raadka qoyan ee imika taaganina waa taas xamar ku soo dhaweysay SSC oo dagaal kula jirta Somaliland  ,su’aas ha isweydiinta mudanina waxay tahay maxay hore ugu tagi waayeen SSC Xamar ? akhristow  jaw aabta kuu soo baxaysaa waxay noqoneysaa waxaa hortaagnaa Ina cabdirashiid reysal wasaarii hore ,maxaa yeelay wuxuu ilaalinaayey Puntiland danteeda sidaynu ognayna Puntiland  cunaqab atayn ayey saartay SSC .

Hadaba ina oomaar raganimadaa ina Cabdirashiid maleeyey ,nin ka isaga oo hinaaya umadayda ,ee isaga dhigaaya nasteex miyaanu aheyn kan maamulkiisu ku qaabilaayo Muqdisho jabhad  Somalil and ku kacsan , wargeysyaduna qoreen in hub iyo saanad uu shariifku u soo raray, sida wargeys ka mida wargeysyada Hargeysa ugu afka dheeri uu qoray .

Miyaanu ahayn ina omaar ninka rabay in ciidamada Somaliland uu ku jabiyo xamar fikirkaasna ,uu ka dhaadhiciyey maraykanka taas oo keentay isku dhac ,xogta aan heynaana waxay qoraysaa in rag xataa aan Somaliland u dhalani kala taliyeen arintaa oo ku yidhaahdeen mataqaanid koonfur ee ka joog. oomaaroy kor waayeel waa wada indho .

Oomar waxuu wareysigiisa ku sheegay in isbedel Somaliland ka dhacay ,tolow muxuu ula jeedaa ,ma wuxu ula jeedaa mid dimuquraaddiya ,mid u horseeda dadka Somaliland dhaqaale iyo xasilooni ,mise wuxuu ula jeedaa Isbedel Somaliweyn ah baa ka dhacay, akhristow adaan kuu daayey iyo waqtiga.

Akhristow waxaa kaloo u baahan in la weydiiyo oomaar, xilka kuma cusbide dhowr jeerbaad xilal qabatay ,wasiirka arimaha debeddana waa markii labaad ee aad qabato ,ee maxaad Somaliland u tartay ,dadkaa ka jawaabi ,Somaliduna waxay tidhaahdaa ninka aad kaba haaga ka tolanayso kabahiisaaa la eegaa .

Gebegabadii waxaan ku soo xidhayaa ,Muwaadinka Somaliland waxaa looga baahanyey in uu  fah mo in ina oomaar aanu aheyn nin Somaliland ee uu yahay cadow Somaliland ,uu yahay shaqaale u shaqeeya labada shariif iyo reysal wasaaraha ,waa muftaax qasnadaha lagu furanayo ,lafna aan loo tuurayn.

Waxaa kaloo looga baahanyey muwaadinka in uu fahmo in rernimadu iyo wadaniyadu kala  baxsan tay ,tusaala ahaan Jabuuti wasiiro qabiil ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa xukuumada ku jire laakiin danta jabuuti ayey ilaaliyaan ,itoobiya kuwa kilinka jogaa danta itoobiya ayey ka  shaqeey aan ,kiiniya waa la mid ,sidaas oo kale ina oomaar iyo kuwa lamidka ahina kuwaas waxba iigama  d uwana ,hada tolnimo haku xidhiidhin maaha,hada saxaabtinimo haku xidhiidhin maaha ,laakin yaanu cunsuriyad kula soo galin qarannimadaada uu ku baabiinaayo .

 

 

 

Abdillaahi Nur Hassan