HADALKA MUUSE BIIXI LABA WEY GARATAY LABANA MEY GARAN
Mujaahid Muuse Biixi oo dhowaan loo caleemo saaray Guddoomiyonimada
xisbi nxaakimka ay aa dorraad ku dhawaaqay arrin inta badani ogeyd,
laakiin dadka qaay ay gadaal u fahmeyn inuu ka tanaasulay si dadban.
Haddba ujeedada weyni waxay ku socotay niman Sacad muuse ah oo
rifayaal ah oo talaaba diisa guraaya oon xasad iyo xumaan mooyaan xil
doon ahayn, oo taladoodu tahay anaguna madax ma noqonaynu cid kale
oo reerka ahna xaasha. Waxuu tusay inaanu ahayn sidood nin loo
yeedhioyo iyo duul aan lahayn geesinimo ay keli u soo ban baxaan,
Waxuu tusay inuu ya hay nin badheedha maantana dabray fuleydii
kalyaha u waayey inay waxay rabaan toos u yidhaahdaan. Waa kuwa laga
hayo ilaa uu haakah yidhaahdo Madaxweynahu isma taagay nu.
Haddaba Madaxweyne Siilanyo oo ah aabaaha xisbiga iyo halgamaa ay
Muuse wax badan is ku ogyihiin, wuu ogyahay cidda fariintu ku socoto,
wuuna yaqaan sida isga iyo Muuse arrint an uga hawlgali karaan. Wuu
ogyhay ninka waxtar iyo waxyeelo leh iyo cidda uu ku tiisan ka ro een
marna kaga bixin hawl la soo daristay intuu xisbiga Kulomiy aasaasay
iyo raga kula heshiiska ah xilka uu u dhiibo, ee ah asxaabul muraad,
wuu ogyahay ninka isagoon weli koob shah ah xil ku cabin ee haddana
la barbar jooga tageero iyo ixtiraam shakhsi.
Waxa kale oo og ujeedada Muuse beesha Habar Awal oo og in fariintu u
socoto raga beerka jecli xeydha jecli ah ee aan lahayn go’aan
qaadasho. Waa raga leh haddii Madaxweynihu is sharaxo isma taagayno
haddii se Muuse is taago waanu sharaxanay. Habar Awal wey ogta hay
ninka wax naaya iyo kan dabada laga riixaayo ee dhadhamo doonka ah.
Waxaan fahmin fariinta kooxdan labaclabaca ah oo ilaa xalay
Madaxweynha wareeriyey, si ay u tusaan in Muuse meel ka dhacay ooy
colaad hor leh ka dhex aloosaan labada roogcadd a ee is tab yaqaan.
Waxa la sheegay in Madaxweyne Siilanyo aad ugu qoslay waxay
buunb uuniyeen, una sheegay inaanu wax qalad ah meesha ku arag.
Waxaan iyana fahmin in badan oo beesha Habar Jeclo ah oo dacaayadii
kooxda magac biiska Habar Awal rumeystay. Waxa se hubaal ah in
waxgaradka beeshu ka soo dhalaali kaalintoo da ooy tusi doonaan halka
dantu tahay iyo in labada hoggaamiye waa Siilanyo iyo Muuse ay
yihiin rag arrin meel u yaalo ayna yihiin qaar ku heshiin doono
talada dalka iyo xisbigaba. Waa rag qadhaadh iyo macaanba isla soo
maray guushana wadajir ku dhaliyey, maantana a,ragti mideysan ka leh
horumarinta dalka .
Madaxweyne waan kuu duceeya Alle ha kaa qabto raga kugu xeeran ee
dabinka kuu qodaa ya. Caafimaad iyo talo toosan. Waan kuu duceeya ee
balada ay wadaan SomalilandToday iyo Xirsiga dabada ka riixayaa Alle
ummadda ha ka badbaadiyo. Beenaalayaasha tusbaxa beenta watan Alle
heynaga qabto..Cadhada Alle ayaa ku soo degta kuwa beenta laasimay,
isku dirka ee maalkii danyarta laga soo uruuriyey xalaashaday. Waan
kuu duceeya inaad dalka ka nadiifiso tuugta ayaadaha quraanka ku
gabada, munaafiqiinta naarta tan ugu hooseysa Alle ugu balan qaaday.
Bishuna horteena ayey iman
Cabdi Xaaji Axmed
hargeysawi@ymail.com
|