Hadal Hayntaas Saxaafaddu I Hadal Hayn Jirtay Waxay Iila Muuqataa In Ummaddu Baratay Kaalinta Aan Bulshadda Kaga Jiray...

 

 

Hargeysa, September 4, 2011 (TNN) – Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xa san ayaa ka hadlay eedaha dadweynuhu u soo jeediyaan qaar ka mid ah Masuuliyiinta ka agd haw-dhaw Madaxwaynaha oo ay ku dhaliilaan inay yihiin Rakaab dariiqa saxda ah ka Majaro-habaabiya Madaxweynaha, isla markaana siiya talooyin qaldan, ayaa tilmaamay in Masuuliyiin ta uu Madaxweynuhu Magacaabaa ay yihiin qaar uu soo xushay oo ku haboon shaqada ay qar anka u hayaan.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa waxa kale oo uu ka hadlay sababaha keenay in xiligan ay hoos ugu dhacday hadal-hayntii badnayd ee Dhinaca Saxaafadda muddadii uu ahaa Chief of Cabine t-ka Madaxtooyada, oo uu ku tilmaamay inay taasi ahayd oo kaliya Kaalinta waxqabad ee uu dawladda iyo Bulshadaba kaga jiray.

Xirsi Xaaji Cali Xasan waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu xalay Khadka Tele foonka ku siiyey Wargeyska Haatuf, isla markaana kaga hadlay arimo dhinacyo badan taaban aya, ayaa ugu horayn isaga oo ka hadlaya warar sheegayey inuu ku hawlan yahay Furashada Urur Siyaasadeed ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin, waxaanu yidhi "Waxaan Idiin Cadayn ayaa in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya inaan xisbi furanayo, anigu Urur aan u baahan ahay ama xisbi aanu baahanahay oo aan ahayn ka dawladda ee Kulmiye ma jiro. Anigu waxa aan ka mid ahay Wasiiradii dawladda Kulmiye, Madaxwaynuhuna xisbi kale uma baahna oo xis bigiisii ayaa jira markaas xisbiga dawladda ee aan soo dhisay ee jira weeyi xisbigaygu, kaasa anan anigu siyaasadiisa ku shaqeeyaa. Meel uu ururkaasi la sheegay uu aas-aasan yahay iyo meel uu ku jiro toona anigu ma garanayo, hadii ay jiri lahayd anigu waan cadaysan lahaa oo maan-qarsadeen. Markii Baarlamaanku na ansixinayey ee aan lahaa waxaan u madax banaan ahay siyaasadda hadda wixii ka danbeeya, waxaan ka hadlayey xafiiska aan anigu ka shaqeey o iyo wasiirka farqiga u dhaxeeya. Marka aan sidaa lahaa umaan jeedin waxaan noqday wasiir dawladda ka madaxbanaan ee waxaan u jeeday waxaan noqday wasiir siyaasada dawladda doorkiisa ka ciyaaraya".

Wasiirka Madaxtooyadu isaga oo ka hadlaya mawqifka xukuumadda ee la xidhiidha dadka Mac aluusha darani ku hayso Somalia ayaa waxa uu yidhi "Arintaa Gurmaddka abaaraha Somalia, waxa ay Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenkiisu qabaan anigu waxba kagama duwani, hadii ay tahay aragtida Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenku ka qabaan arintaasi-na waa arin Guddi Qaran loo saaray oo wax ka duwan oo aan anigu ka qabaa ma jirto".

S: Waxaad nooga warantaa Waxqabadka Wasaaraddaada Madaxtooyadda iyo waxa aad ku soo kordhisay mudadii aad wasiirka ka ahayd?

J: Waxqabadka wasaaradda Madaxtooyadda ee aad wax iga waydiisay waxa igaga filan sida ay hada Madaxtooyadu tahay iyo sida ay hore u ahaan jirtay. Waxaad ogtihiin maalintii aan Qasriga Madaxtooyadda la wareegnay sida ay ahayd iyo sida ay hadda tahay oo run ahaantii faraq aad u weyni u dhaxeeyo. Runtii aniga shaqadaydu waa Madaxtooyadda mana ihi wasiirka Maaliyada iyo ka Ganacsiga iyo ka Gaashaandhiga toona oo kuwaasi waxa ay ka shaqeeyaan waxa ay soo kordhiyeen aniguna waxa aan ka shaqeeyaa Guusha Madaxwaynaha.

S: Maxaad ku Sifayn lahayd ama aad ku sababayn lahayd, Sababta hoos u dhigtay Hadal hay ntii Saxaafada iyo Dadkuba ay ku hadal hayn jireen muddadii aad Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyadda aad ahayd?

J: Uma malaynayo in markaas uun la i hadal hayn jiray ee waxay ahayd markii aan cusbaa ay ay ila tahay. Hadal hayntaas saxaafaddu i hadal hayn jirtay waxay iila muuqataa in Ummaddu baratay kaalinta aan bulshadda kaga jiray, milgaha, maamuuska iyo waxqabadka aan ku leeyahay dawladda iyo ummaddayda-ba.

S: Inta badan shacbiga iyo dadka siyaasada falanqeeyaa waxa ay sheegaan in Madaxwaynu hu yahay Hogaamiye wanaagsan, balse masuuliyiintiina ku hareeraysan ay Majaro-habaabiy aan oo ay dariiqa saxda ah ka leexiyaan, arintaasi ma jirtaa?

J: Waxaan ka aamin-sanahay dadka uu Madaxwaynuhu doortay iyo masuuliyiinta uu xushay inay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa ee uu dooran lahaa, isla markaana waxa aan u arkaa gola ha wasiiradda golle hufan oo Madaxwaynaha ka kaalmeeya shaqadda uu qaranka u hayo.

S: Waxa jirtay in xukuumaddii hore wasaarada Madaxtooyadu ay lahayd Budgut aad u saree ya, isla markaana waxqabadkeedu uu aad u hoosayn jiray, dawladdana waxa la sheegaa inay kaba sii Budget badan tahay, arintaas maxaad ka odhan lahayd?

J: Marka hore Budget muu jirine Madaxwaynaha Budget-kii loogu talo galay ayey ahayd, gara n maayo inaad ka warhaysay sanadka markii la samaynayey Budget-kee, isla markaana muu jirin Budget Wasaaradda maaliyadda kaga jira ee waxa uu ahaa Budget Madaxwaynaha, shaq adda qaranka loo hayo ayaana Budget-ka Madaxwaynaha lagu maamulaa, Su'aashaasi-na maaha mid maanta aniga ii taala ee waa mid si Public ah looga jawaabay golaha wakiiladda hortiisa.

S: Maadaama aad xilal kala duwan soo qabatay, isla markaana aad saamayn wayn oo aan la dafiri Karin ku leedahay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, waxaad nooga warantaa Hamigaaga siyaasadeed?

J: Hamigayga Siyaasadeed waa sida ay maanta u guulaysan lahayd Dawladda Axmed Siilaa nyo, ta Mustaqbalka iyo waxa aan qaban doonana Ilaahay ayaa og.

S: Waxa dhacday intii uu xukuumadda cusubi dhalatay in Madaxwayne Siilaanyo uu Habeen adiga oo la socda uu Booqasho aan nooceeda hore loo arag iskaga dhex ku gaalaa bixiyey Suuqyada Hargeysa, isla markaana uu la kulmay qaybo ka mid ah ganacsatada yar yar ee Hargeysa, markaa Fikirkaa ma adigaa ku dhiiri galiyey mise Madaxweynaha Laftiisa ayaa go'aankaasi Hindisay?

J: Madaxwaynaha waa lagu yaqaanaa hal-abuur iyo dhiiranaan iyo inuu bulshadda dhexgalo, aniguna kolay waxa aan ku caawiyaa Madaxwaynaha shaqadiisa, isla markaana siyaasada iyo hogaaminta madaxwaynaha ayaa gaar u leh, aniguna waxaan u ahay Kaaliye iyo gacanyare u diyaariya shaqadiisa, Rayi-na ku kordhin kara laakiin Hogaaminta wadanka madaxwaynaha ayaa gaar u leh.

S: Waxaad ka warantaa Ujeedadda safarkii aad adiga iyo wasiirka khaarajiga Dr. Maxamed C/laahi aad dhawaan ku tagteen Dubai?

J: Safarka shaqo ee aan aniga iyo wasiirka khaarigu ku tagnay Dubai waxa uu ahaa in laga dabo tago safarkii uu Madaxwaynuhu hore ugu tagay iyo mashaariicdii ay soo balanqaadeen wadanka Imaaraadka Carabta iyo Kuwait. Run ahaantii-na arintii aanu Dubai u tagnay si wanaagsan ayaanay noogu soo dhamaatay, isla markaana warbixintii dawladda ayaanu siinay

Source: Haatuf