Hambalyo & Tageero

 

Hadaanu nahey qurba joogta gabooye jsld,waxanu hambalyo & tageero u direyna madaxda iyo  masuuluinta gabiley,&mudane w/mahdi cismaan buuri,,waxaanan leehnahey ,xagalo geel wax guntiga la galiyo ka weyn ,
anigoo ah ,barkhad xaaji cabdi ,mr gaboye ,ahna wakiilka qurba joogta beesha gabooye ee north america ,kuna hadlaya magaceyga & kan salaadiinta qurba joogta ,aqoonyahanka ,wax garadka ,indheer garadka ,culumaaa u diinka ,& hogaamiye dhaqamedka qurba joogat beelaha gabooye ee yurub & w/ameerica, waxaanu halkan hambalyo & taageero u direyna ,maamulka & masuuliyiinta & saladiinta & waxgaradka ,gobalka gabiiley,& wasiirku xigeenka,wasarada caafimadka,jlsd mudane mahdi cismaan buuri,,& aqoonyahanada & wax garadka beesha gabooye ,ee ka qeybqaatey, shirkii lagaga hadlayey qadiyada beesha gaboye ee gobalka gabiley ee loogu qoondeeyey in waxbarashada beesha gabooye bilaash looga dhigo gobalka gabiley ,

waxaanu leehnahey hambalyo & taageero ayaanu idiin soo direyna ,waana wax lagu farxo waa ficil & aragti fiican ,waa iftiin & isbedal u bidhaamey dadweynaha gobalka gabiiley ,waa waacusub oo ka baryey gabiley , waa wax ku dayasho mudan iney ku deydaan gobalka gabiiley ,,gobalada kale ee jld,,waa ariin mudan ,xushmad & qadariin ,waa ariin mudan in laga faaiideysto oo aan la dayaciin ,waxaanu ku buurineynaa walalahayaga beelaha gabooye ee gobalka gabiley iney ka fa iideystaan fursadaas qaliga ah ee waxbarashada bilaashka ah ,kuna dadaalan siddii ay umada kale ula tartamilahayeen waxna ula qaybsanlahayeen ,

waxaa kaloo xushmad & hambalyo mudan oo madashaas shirka kaga hadley aragtida xaqiiqada ah ee jirta ,, wariyaha caanka ah ee ,axmed xasan cawke,, oo ruuntii tabtey dhanka ka maqnanshaha ama tix galiinla aanta ee aanu tirsaneyno haddaanu nahey beesha gabooye ee reer sld, oo ah dhanka ,ka qeybgal la aanta shaqaalaha shirkadaha & ganacsatada cumpany inaanu marnaba lanaga tixgaliin ,mudnaantaanu u laheyn inaanu ka mid noqono shaqaalahooda ,shirkadaha ama comp,waxaanu na leehnahey ariintaasi waa midan markastaba tirsaneyno ,

intaas ka diib ,waxaan rabaa inaan waxyar ka iftiimiyo , hadaladii ,wasiirkayaga ,mudane ,mahdi cismaan buuri ,oo ruuntii ahaa kuwo ,dhaliil & canaaanba leeh , waxaan leehnahey wasiir ma xuma inaad canaanato ama dhaliisho umadada ,laakiin waxaan meesha qabaan inaad ,tiraahdo ,jsld wax heybsooc la yiraahda kama jiro ,waxaan lehyahey wasiir ,somaliland wey ka jirtaa heyb-sooc ,& xaquuqda beesha gabooye oo la duusiyey labadaba & qaarkale oo badan ,waxaanan kuugu cadeynaya wasiir ,adiga wasiirkuxigeen ahanba , waxaanu qabna marnaba inaaney beesha gabooye ee dagan ilaa ,,lowyacade ilaa gobalada bariga sld ineyna mudneyn ,hal wasiir ku xigeen ,ee aanu mudneyn wasirrbuuxa & waliba ku xigeeno ,taasna waxaabad ka arki karta inaanadba mudneyn adigu wasiir ku xigeenkaba ,taasina taheyba ,mid lagaa heyb-soocey umadkale ee reer somaliland,

tankale wasirr mudane ,mahdi, hadaaney jsomaliland aaney jiriin heyb-sooc,laga heyb-sooco beelaha kale ,beesha gabooye ,waxeynu wad aogsoonahey xukuumada jsld,waxey leehdahey , ugu yaraan sadex gole ,sida
1;golaha guurtida ,
(2)golaha deegaanka
(3)golaha barlamaanka,, oo ka koobaan ,ugu yaraan (500,xildhibaan ) waxaanad ku leehdahey ,hal xildhibaan ,oo ah, mudane(xildhibaan jirse siciid maxamuud)oo ku jira golaha ,guurtiga ,waxeynu wada ogsoonahey beelaha gabooye ee reer sld iney ka kooban yihiin afar beelood oo waweyn ,oo kala ah ,(1)beesha muse dhariye(2)beesha madhibaan(3)beesha tumaalood (4)beesha anaas ama yibraha,,xaaataa waxaaa loo quuriwaayey in afartaas beelood lagaga daro xildhibaanadas hal hal xildhibaan oo u matala beel ahaantood ,,labada gole ee kale ,sida golaha deegaanka & golaha barlamaanka ,hal qofi kuuguma jiro beesha gabooye ee reer sld ,halkey sadexda goleba ku jiraan haweeenka reer soamliland ,anigana haddaanu nahey beesha gabooye ,aanu ka maqanahey labadaas gole ,markas miyaaney aheyn haweenka sld midey inooga tixgaliin badanyihiin jsld,balse beesha gabooye aaney mudneyn tixgaliintas ,tasina miyaney aheyn heyb-sooc gaara ,marka wasiirr waxaanu leehnahey xagalo geel wax guntiga lagaliyo ka weyn & heyb-sooca ka jira jsld ,,

waxaanu leehnahey haddu nahey muwaadiniinta beesha gabooye ee rer sld waalanagu hey-sooca jsld ee ah dhulkyagii &dalkayagiiba ,xaqa & xaquuqda beesha gabooyena cid indhaha qabankartaa ma jirto ,waanu ku dulmanhey ,waalanagu hey-sooca ,waxaanu leehnahey hadaanu nahey umada muwadiniinta beesha gabooye ee reer soamliland , waxaanu u baahanahey ,waxaanu u oomanahey ,sinaan & cadaalad & xaqayaga oo lana siiyo waxaanu ka mudneyn dowlada & calanka yaga jsld,,


wabilaahi towfiiq
 

 


qore,qoraaga ,barkhad xaaji cabdi ,mrgaboye,,

ontario canada,,
eamil:abokoriye1@hotmail.com
eamil:mrg@gabooyenews.com