Habeenka
Dhaqanka iyo Hawraarta Hargeisa oo kul miyay Abwaanada Waawayn ee
Somaliland iyo Wacdarihii Madasha:-

Hargeisa (TNN) Waxa xalay lagu qabtay Hotel Imperial ee Magaalada
Hargeysa Habeen loogu Magac daray Habeen Dhaqan iyo Hawraar Xiiso
leh, Madashaasi oo kulmisay Abw aano Caan ah oo looga qadariyo Guud
ahaanba Cariga Somalida waxaa ka mid ahaa Xa san X.
Cabdullaahi (Xasan Ganey), Abwaan Maxamed Ibraahim Warseame (Hadraawi),
Abwaan Axmed Aw Geedi (Dheeraad), Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan
Guuleed, Abwaa n Wabax, Cabdalla Xaaji, Xasan Cabdi Madar, Jamaal
Cali Xuseen,
Xildhibaano ka tirsan Aqalka Wakiilada, Dhalinyaro, Aqoonyahano iyo
Marti sharaf aad utiro badan.
Xafladan oo ay soo Qaban qaabiyeen Ururka Qoraaga Somaliland,
maalgalisayna Shirk ada Diyaaradaha ee Daalo Airlines ayaa
ahay mid xiiso gaar ah ay uqaban Dhalinyaradii ka soo qayb gashay.
Ugu horayn, waxa furay Xafladaasi Dhaqanka Abwaanka weyn ee Xasan X.
Cabdullaah Xasan Ganay, waaanu ku Furay Maansadiisii Dhaqan oo
runtii Dhinacyo badan ka taaba naysay Dhaqanka Somalida iyo
wakhtiyadii hore, Xasan Ganay oo Si aad looga xiisayna yay
Madasha in badan aan ka soo xaadirin Cawaysyada Dhaqanka iyo
Hawraarta Harg eisa, waxaa ay dhagaystayaashu aad uxiisanayeen
qaabka uu usoo bandhigay maansa daasi iyo guud ahaanba
dhaqanka somalida.
Abwaanku Waxa uu madasha ku soo bandhigay Dhawr maanso oo Aad uxiiso
badnaa X usuus gaar ahna ku reebay dadkii ka soo qayb galay
ayaa waxaa ka mid ahaa maansa dii gahaydhley iyo Maansadii
gorgor oo uu sifiican uga sharaxay waxyaabihii ay ka dhas heen
maansooyinkaasi iyo wakhtiyadii uu tiriyay abwaanku.
Xasan Ganay waxa uu aad ugu dheeraaday Maansadii Layaabka lahayd ee
Gorgor iyo sidii ay ku bilaabantahay isaga oo Xusay in markii Danbe
abawaano uu ka mid ahaa H adraawi, iyo Maxamed cali kaariye ay
ka jawaabeen maansadaasi layaabka lahayd ee Gorgor.
Xasan Ganay waxa uu sheegay in Maansadani ay ka timi barnaamij radio
hargeisa ka b ixi jiray oo la odhon jiray “ma ogtahay” ayaa
laga sheegay Gorgor riyaha la socda oo w aliba riyaha mid ka
mid ah jeclaaday, arintaasi fajac galisay dadwaynihii wakhtigaasi
go objooga ka ahaa ayay ka bilaabantay Maansadani.
Madashaasi oo Si talantaali ah la isu Waydaarsanayay Maansooyinka
Dhaqanka waxaa isagu Madashaasi ku soo bandhigay Maanso Dhaqan ah
Abwaanka Caanka ah ee Axmed Aw Geedi Dheeraad oo halkaasi ka soo
jeediyay Maansadiisii Baadi-sooc, taasi oo ka hadlaysa dhaqankii iyo
hidihii dadkeenii hore lahaayeen, iyo Maacuuntii la isticmaali jiray
Wakhtiyadii hore, kuwaasi oo badankoodu sii dabar go,ayaan
wakhtiyadan danbe.
Abwaan Axmed Aw geedi oo Maansooyinkiisu ubadan yihiin Dhaqanka
Somalida ayaa w axaa uu Madasha ka tiriyay Dhawr maanso oo aad
uxiiso badnaa kuwaasi ay ka mid ah aayeen maansadii Dhaqan iyo
Xusuus iyo Maansadii Dalxiis.
Madashaasi oo aan loo kala hadhin waxaa isaguna Xalay Dardaaran aad
udheer ka jee diyay Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi
oo kula dardaarmay dhalinyaradii madasha ka soo qayb gashay isago
hogo tusaaleeyay kuna dhiiri galiyay ilaalinta dhaq anka
suuban ee Somalida.
Hadraawi oo xalay madashaasi ku soo bandhigay maansadii Goljo, oo ka
jawaabaysay Gorgorkii rida Jeclaaday isaga oo sheegay in isaga ay
soo galisay maansada sixitaan uu ku saxayo alle ha unaxariistee
Maxamed cali kaariye oo si khaldan ufahmay kana jawaa bay
maansada.
Abwaanku mar uu dhalinyarada la dardaarmayayay waxa uu yidhi “ waxaa
layidhi side ed jir ilaa labaatan jir aad qalqaali ka waydo ha
tirsan, soddon jir aad xarago ka wayd ona ha tirsan, afartan
jir ilaa konton jir aad Xoog ka waydona ha tirsan, lixdan jir aad
geed hoostii iyo talo ka waydona ha tiran, todobaatan jir aad tusbax
ka waydona ha tirsan markaa anagu waxaanu maraynaa wakhtii tusbaxa
markaa waxaa la nooga baah anyahay inaan Wadada dhabta ah idin
tusino, wixii wanaagsana idin farno”
Abwaan maxamed Wabax oo ah Abwaan Dhalinyaro ah oo Laxaadka Aragu ka
maqan yahay ayaa isaguna Xafladaasi ka hadlay waxaanu ka soo
jeediyay maanso layidhaa hdo Abwaan Dhaqan, Maansadaasi oo ku
halqabsaday sxbkii Axmed aw geedi, waxaa nay ka hadsaysaa
maansadaasi isbeddelada ku dhacay Dhaqanka suuban ee somalida.
Abwaan Wabax waa qoraaga sheekada walbahaarka jacaylka iyo
Warl,aanta indhoolka taasi oo in badan ku soo baxday wargeysyada
Somaliland.
Waxaa isagu hadal kooban ka jeediyay madashaasi Qoraaga Buuga xeer
Ciise Cabdalla Xaaji oo ka tirsan Radio Jabuuti iyo Telefeshanka
Jabuuti waxaana ka jeediyay madasha Maanso uu kaga waramay Dhaqanka
somalida.
Ugu dambayntii, Habeen Dhaqameedkaasi waxa isaguna ka hadlay
Musharaxa madaxw ayne ku xigeenka ee Xisbiga Ucid Dr.Maxamed
Rashiid Sheekh Xasan waxaana uu ka wa ramay qiimaha Murtida
iyo Dhaqanka somalida iyo Dhinacyada loo adeegsan karo isaga oo
Tusaale usoo qaatay kacaankii Siyaad barre iyo Suugaantii Hadraawi.
Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe
Future)
Timacadde News Network
Hargeisa/Somaliland.
Timacadenews@hotmail.com
|