Haayada EDC oo Soo Bandhigtay Barnaamij Loogu Magac Da ray Alif-Maal oo Kor Loogu Qaadayo Tayada Macalimiinta.

 


“Anaka wasaarad ahaan shaqo fiicanbaa naga dhaxaysa haayada EDC, waxaanu sii daynaa…” Faysal Cali Sheekh.

 


Hargeisa (TNN): – Masuuliyiinta Ugu Sarsareeya Haayada Caalamiga ah ee EDC ayaa maanta xaflad balaadhan u sameeyay bandhig Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Tayada Macalimiinta ka hawl gala dugsi yada Somaliland oo Loogu magac daray Alif-Maal oo ay soo bandhigeen qaybta mashruuca Somali Int eractive Radio Instruction Program (SIRIP) oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargaysa.

Munaasibada lagusoo bandhigayay barnaamijkaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi galinta Somaliland isla mar kaana ah kusimaha Wasiirka wasaaradaasi Faysal Cali Sheekh, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wax barashada iyo Tacliinta Sare Mud: Khadar Axmed Diiriye, Agaasimaha manaahijta Dr. C/laahi Yaasiin, Agaasimaha Radio Hargaysa Mah,ed Siciid, Agaasimaha guud ee wasaarada Arimaha Bulshada Baas he, Wakiilka Somaliland ee haayada EDC Dr. Khadar Bashiir Cali, ku xigeenka Madaxa Mashruucan SIR IP Mr. Sharmarke Cismaan, masuuliyiin kale oo ka socotay wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sar e, Maamulayaasha iyo macalimiinta Dugsiyada Hargaysa, Shaqaalaha Haayada EDC, iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Dr. Khadar Bashiir Cali oo munaasibadaasi hadal kooban kasoo jeedisay ayaa ka warbixisay barnaam ijkan ALIF-MAAL iyadoo sheegtay markii ay haayadoodu arkeen baahida waxdhigista ee ka jirta isk uulada, madarasadaha iyo goobaha waxbarasho ee dalka ay tayada macalimiintu yara hoosayso.

Dr. Khadar oo ka waramaysa barnaamijkan ALIF MAAL ujeedooyinka ay ka leeyihiin hirgalintiisa, iyad oo arintaa ka hadlaysana waxay tidhi “ barnaamijkan oo afka ingiriisigana loo soo gaabiyo (SIRIP) w axaa weeyaan Somali Interactive Radio Instruction Program (SIRIP). Awal ujeedadayadu waxay aha yd inaanu soo saarno 940 (sagaal boqol iyo afartan) barnaamij oo ardayda dugsiyada hoose dhigata lagu kobciyo soomaligooda iyo xisaabtooda, laakiin markii aan iskuulada tagnay waxaa ogaanay macal imiintu inay u baahnaayeen in tayadooda la dhiso. Waxaan diyaarinay 30 barnaamij oo aan macalimii nta ugu talo galnay. Sodonkaasi barnaamijna waxay ku salaysan yihiin xirfadaha macalinka laga rabo, aduunka macalin lagu diyaarino xirfadaha looga baahan yahay macalinka in laga rabo macalinkeenu inuu yaqaano. Taasoo ay ka mid yihiin macalinku ma yaqaano shaqadiisa. Waa muraayad macalinku.

Macalinku waxaa uu soo saarayaa arday wax baratay. Ta labaad macalinku ma fahamsan yahay masu uliyadiisa macalinimo inuu yahay ka soo saaraya hogaamiyayaasha barito. Ta Sadexaad Macalinku ma maamuli karaa ardaydiisa inuu macalinku ogaado kuwa taakulayn u baahan, ka xariifka ah ee doonaya in kor loosii qaado tayadiisa. Ta kale macalinku waa inuu yaqaano sida loo qiimeeyo ardayga isagoo imtixaano ka qaadayo oo su,aalo ku dhex waydiinaya Fasalka.”

Dr. Khadarwaxaa kale oo ay ka warantay faa,iidada ay waxbarashadu leedahay iyadoo tilmaamtay in qofka aan waxba baran uu mustabalkiisa kala kulmi doono dhibaato faro badan dhinacyada caafimaad ka, cadaalada iyo diinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan soo dhawaynayaan barnaamijkan kor loo gu qaadayo tayada macalimiinta ee ay samaysay haayada EDC oo uu sheegay inay u arkeen mid faa'ii do badan u leh dalka Somaliland. waxaa kale oo uu agaasimuhu xusay in waxbarashada aasaasiga ah tayadeeda iyo qiimeheeduba ay ku xidhan tahay tayada macalinka, haddii macalinka tayadiisu liidat ona wuxuu soo saarayaana ay noqonayso midho aan wanaagsanayn.

Khadar Axmed Diiriye waxaa kale oo uu haayada EDC uga mahad celiyay barnaamijka fiican ee ay sam eeyeen isagoo halkaasi uga soo jeediyay macalimiinta nasiibka u hela inay barnaamijkan sidiisa uga faa,idaystaan una dabaqaan isagoo maclimiinta ka codsaday inay sii gaadhsiiyaan inta aan nasiibka u helin inay maanta halkan kasoo xaadiraan, aaladahan casharadu ku duuban yihiina aan firaaqada ama nasiibka u helin.

“umadna ma horumarto, waxna ma qabsato aqoon la,aan iyo waxbarasho la,aan. Sidaa awgeed wax aa la lahaa waxaynu doonaynaa isbedel, waxaynu doonaynaa inaynu wax qabsano. Waxbarashadee na haddaynu eegno waxay ka mid tahay meelaha maal-galinta ugu yar aynu galino.” Sidaasi waxaa sheegay Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi galinta Faysal Cali Sheekh oo isna munaasiba daasi ka hadlay ayaa sheegay in magaca barnaamijka ALIF-MAAL soo jiitay isagoo sheegay inuu u m alaynayo in magacaasi ay bixiyeen abwaano, runtiina yahay buu yidhi magac u qalma kana turjuma muhiimada barnaamijkaasi kobcinta iyo kor u qaadista tayada macalinka.

“anaka wasaarad ahaan shaqo fiicanbaa naga dhaxaysa haayada EDC, waxaanu sii daynaa barnaamij ka mid ah barnaamijyada ay fuliso haayadan EDC oo idaacada ka baxa shan maalmood. Waxaananu jecel nahay inay haayadu halka ay taagan tahay kasii wado.” Sidaasina waxaa sheegay Faysal Cali Sheekh.

Faysal Cali Sheekh Waxaa kale oo uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay awooda saareen waxbarasha da oo boqolkiiba afartan (40%) barnaamijyada ka baxa idaacada Radio Hargaysa iyo Telefishanka Qa rankuba ay u badan yihiin barnaamijyo la xidhiidha ama ku lug leh dhinaca waxbarashada isagoo halk aasina ka balanqaaday inay markasta iyo goor kasta ay sii kordhin doonaan barnaamijyada waxbar ashada iyo dhiiri galinteeda la xidhiidha.

Agaasimaha Wasaarada Arimaha Bulshada iyo Shaqada Baashe oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horayn uga mahad celiyay haayada EDC iyo haayadaha kale ee ka caawiya dhaqaalaha mashruu caasi oo uu xusay inay ka mid tahay haayada USAID.

Agaasimaha Wasaarada Arimaha Bulshadu waxaa uu isbarbar dhigay faa,idooyinka macalinka wanaa gsan iyo macalinka xun ay ku yeelanayaan mustaqbalka bulsho ama umad isagoo dhamaan kasoo qayb galayaasha kula dardaarmay inaan ka wada shaqayno si dalka Somaliland u gaadho horumarka la doonayo in la gaadhsiiyo.

Baashe waxaa kale oo uu gabogabadii munaasibadaasi kula dardaarmay macalimiintu inay ka faa'iday staan mashruucan oo uu xusay inuu wakhti aad loogu baahnaa ay wadanka ka hirgaliyeen haayada EDC.

Hogaanka Waaxda Tababarada Macalimiinta Haayada Caalamiga ah ee EDC Nuura Axmed Maxamed oo iyaduna musaasibaasi ka hadashay ayaa ka warbixisay mashruucan tababarada kor loogu qaadayo tayada wax dhigista macalimiinta sidoo kalena sheegtay in haayadoodu ay hadda gacanta ku hayso laba mashruuc oo ay ka mid yihiin Shaqodoon iyo SIRIP oo ah kan ay maanta halkaasi kusoo bandhigeen.

Nuura Waxaa kale oo halkaasi kaga warantay siyaabihii hore ee ay tababarada u bixin jireen iyadoo sheegtay inuu kani kaga duwan yahay inuu gaadhayo goobaha miyiga ee aanay wakhtiyadii hore gaadhi jirin.

Nuura Waxaa kale oo ay sheegtay in macalinku barnaamijkan ka baran doono dhinacyada Diyaarinta casharka, Inuu Kormeero oo daba taagnaado ardayda, inuu macalinku sameeyo sharciyo ardayga qa banaya fasalka dhexdiisa, inuu macalinku ardayga siyaabo badan u qiimayn karo, iyo in haddii macalin ku arko inuu yara gaabinayo aqoontiisa inuu la kaashado ciddii ka khibrad badan ee ugu dhaw.

Nuura Waxaa kale oo ay ka sheekaysay in casharadaasi loo qaadan karo siyaabo kala duduwan oo ay sheegtay inay ka mid yihiin dhagaysi ay ugu shubeen MP3yo ama IPOD, iyadoo sheegtay in qofku cas harkii dhagaysan karo iyagoo ay ku jiraan furitaan, ruwaayad iyo su,aalo, iyadoo intaasi sii raacisay in macalinku dhagaysan karo isagoo kalidii ah ama macalimiin badan dhex jooga labadaba sidoo kalena uu la socdo buug laga raacan karo casharada haddii la waayo qalabka laga dhagaysanayo.

Ku xigeenka madaxa mashruucan SIRIP ee haayada EDC Sharmarke Cismaan oo isaguna kalmado ka soo jeediyay munaasibadaasi ayaa si kooban uga waramay taariikhdii haayada EDC iyo barnaamijyadii kala duduwanaa ee ay kasoo shaqaysay haayaduhu Somaliland iyo Wadamada kale ee caalamkuba, isagoo halkaasina uga mahad celiyay dhamaan marti sharafta kala duwan ee munaasibadaasi kasoo qayb gashay.

Mahad Ibraahin Maxamed oo ka mid ah maamulaha guud ee dugsiyada Nuradiin oo isaguna munaasib adaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada macalinku ku leeyahay bulshada dhexdeeda isagoo tusaale usoo qaatay macalinkii aduunka Nabi Muxamed NNKHA, sidoo kalena soo qaatay axaadiis faro badan oo tilmaamaysa astaamaha iyo dhaqanka macalinka.

Mahad waxaa kale oo uu sheegay in macalinimadu ay tahay mihnad lagu shaqaysto isagoo sheegay in arday faro badan marka ay dugsiyada sare kasoo baxaan ama jaamacadaha ee ay hore shaqo u waa yaan ama ay waayaan fiigii ay jaamacada ku gali lahaayeen ay raadsadaan macalinimo isagoo sheeg ay inay is waydiiyaan hadaad hore shaqo u wayday miyaad macalinimo iska raadsatid.

Mahad waxaa uu halkaasi uga mahad celiyay haayada EDC barnaamijkan qiimaha badan ee ay kor ugu qaadayaan tayada macalinka, sidoo kalena sheegay in haddii tayada macalinta la wanaajiyo ay bulshada dhamaanteed hagagayso, wadankuna mustaqbal fiican yeelan doon.

Mahad waxaa kale oo uu halkaasi kusoo bandhigay kalmado uu usoo gaabiyay kalamada afka ingiriisi ga lagu yidhaahdo macalin, isagoo arintaasi faahfaahinayana waxaa uu yidhi “Kalmada Teacher wax ay ka kooban tahay todoba xaraf, todobada xarafba waxaan anigu soo gaagaabsaday sidan: Talent oo qofku inuu leeyahay cadiyad gudbineed. Enthusiasm inuu leeyahay jacayl iyo rabitaan. Accountability: inuu yahay qof xisaabtamaya oo ilaahay ka cabsanaya yahay. Commitment: inay qof ka ka go,an tahay. Honest: inuu qofku daacad yahay. Experience: qof khibrad macalinimo leh. Respect: inuu ixtiraamayo ardayda, isaga iyo umadaba.”

Haayada EDC waxay halkaasi kusoo bandhigtay casharada ay ugu talo galeen kobcinta tayada maca limiinta oo ay ku dubeen codad ay jilayaan qayb u qaabilsan jilista iyo ruwaayadaha ay haayadaasi u isticmaasho fududaynta fahamka casharada ay bixinayaan. Kasoo qayb galayaasha ayaa la dhacay sida quruxda badan ee ay u habeeyeen casharada oo qofkasta ku heli karo inuu ku qaato aaladaha lagu dhagysto codadka, taasi oo u sahlaysa macalimiinta goobaha miyiga wax ka dhigaa inay si sahlan uga faa,idaysan karaan. Qofka hela cajalad ka mid ah kuwa loogu talo galay dhagaysigu uma baahna macalin iyo cid hagta.

Mashruucan haayada EDC kusoo bandhigtay xafladan ayaa noqonaya kii labaad ee noociisa oo kale ah iyagoo hore isla huteelkan kusoo bandhigay barnaanij kor loogu qaadayay aqoonta dadku sida ay uga faa,idaystaan xisaabinta kharashaadka ay galaan.
 


Ahmed Biito.
Hargeisa Somaliland.
Ahmed_biito@hotmail.com