Hay'adaha & ururada u dooda xaquuqda aadamaha ee hargeysa ,ayaa u aqoonsadey ,,gabeyga (dulmanaha la quursadey ) ee uu tiriyey ,abwaan yusuf shaaacir,Gabeyga Qarnigan

 

Waxaa Haayada iyo ururada u dooda xuquuqda Aadamaha ay u aqoon sadeen Gabeyga la idhaahdo (DULMANAHA LA QUUDHSADEY) inuu yahay Gabeyga Qarniga aynu ku jirno marka la eegabey yidhaahdeen la dagaalanka Dulmiga iyo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda Aadamaha,

Haayada la idhaado African Educational Trust ayaa waxaa ay qortey Buug la magacbaxay (Haybad Soor) buugan oo sidu u dhanyahayba ka sheekeynaya Dulmiga aan ku salleysneyn Diinta iyo dadnimada ee lagula kacco guud ahaan Beelaha laheyb_sooco gaar ahaan Beelaha Gabooye, sidoo kale waxaa isna jirra Buug la idhaahdo (Nabadshe) oo uu qoray Abwaan Yousuf shaa,ir oo ah abwaanka curiyey Gabeygan la idhaahdo Dulmanaha laquudhsadey oo isna qeyb kamid ahi ka hadlayo quudhsiga, iyo sidoo kale Daraasado ay diyaariyeen haayaadka iyo Ururada ka shaqeeya Xuquuqda Aadamiga, markii waxaas oo dhan la qiimeeyey ayaa la go,aansadey in loo Aqoonsado inuu yahay Dulmanaha la quudhsadey Gabeyga qarniga,

Tallaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyey



Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee S/land Mudane: Xassan Sheekh Maxamed Aw Cali

Suldaanka Guud ee Beelaha Gabooye: Suldaan Iid C/laahi Xirsi

Boqorka Beelaha Gabooye: Boqor Ahmed Ugas Iiman Warsame

Suldaan: Naasir Suldaan C/raxmaan Suldaan Ismaciil

Suldaan: daakir xassan khaliif

Suldaan: Nadiif seyl jibriil



Ayaa waxa ay dhamaantood ku tilmaameen in ay tahay tallabo wacan,

Waana gabeygii < Dulmanaha la quudhsadey>

: waxaa curiyey Abwaan yousuf Shaer,



waxaanu ku bilaabma sidan





Dabeyalaha dhacaayiyo marka Daalka

waayuhu dayac iyo dhibkeene

Damac lagu hungoobe

Dawakhaadu tarante’e

Dacar iyo ladh oogmaa

Damqashada aqoontiyo

Deeleyda maansada dayax iyo cadceediyo diri looga sahanshaa

Anna dooda baanaha damaashaad ciyaariyo madal lagu dalxiisiyo

Haddal daasha socodiyo

Dookheyga maaho

Nin darjiidhey mayihiye wax idaareybaa jira!

Dakharada gabooyaha dumadooda lala dhacay

Dawdhaafka yibirkiyo

Dalasiga tumaalaha

Dulmahana laqeybsadey digashada xunuunka leh

Deelqaafka boontiyo dalmarow madhaadeen

Dadka muuqa nolashiyo

Darajada aqoontiyo

Doorkii waxgaradkiyo

Dawlad saamigeediyo

Dagma nabad u taaliyo

Ruux duunyo haystiyo

Dakadaha waxkeeniyo

Nin darmaan kuboodo

Magaciisu duuliyo

Damac iyo hankoodi

Laga saarey daahee

Duudsiga xadgudubkiyo

Dafirada nacabka ah

Daris lala wadaajee

Dudda lagu ilaawiyo

Lagu oodey deyrkee

Dalanbaabi socodka ah

Danbigeygalleen iyo

Waxaa loogu dawgalay

Dacwad lagu dhageystiyo wali dood Malaga furay?

Sidii duulkii falastiin ama doolkii seerbiya

Ama deyrkii baarliin duligiyo iswaagiyo

Dhulkan lagu darleefee darxumadu ka olashee

Diihaalka lagu qabo danbarsiga abwaankiyo

Hal abuurka deexdaa suugaanta kuma darin,

Daahyalay Hadraawaa

Dhowr jeer ku daalo

Daalaleyna raacshee

Sow dirsoocu muu jirin

Dabashada Atoorkiyo

Dubashada ugeybkiyo

Damaashaadka mulacyada

Ooryahooda diibka leh

Hadaardaarinbuu jidhi

Misna dayra dhaafkiyo

Reerkan daadku qaatee

Darayada ku raagtiyo

Deelqaafka ceebtiyo

Daaduunka weheshaday

Doobirtooda yaabka leh

Diiwaanka kuma qorin,

Codka dananka luuqdiyo dhoodaan dawaafkii wuxu dawlad maagee

Dalli iyo jar kala dhacay

Sida duulkan loo galay

Ama loo dildila rogey

Faaladiisa kuma darin,

Dabracelinta sheekada ama daawashada guud inkastoo dameerkii

Darmaan loogu magacdaray

Danbigii lasaariyo

Dayacu kunoolaa

Dacwadiisa qeys galay

Ama uu dareenkii

U daruuray gaashaan

Misna deyma bogoshada

Sida daacad loo gabay

Ama la isku dabaguray

Dulmanaha la quudhsadey

Dacalku ka dhaafiyo

Wax ka daahay mooyaan!

Darxumada saboolkiyo

Saban uu dagaal dhacay

Dalka qiiq kasarakacay

Doonaanta maansada

Sanguboo u dadab galay

Dar alee waxuu yidhi

Dugsiwaa bakeylihii

Daadbaa u soo galay

Damac yuururbaa dilay

Doraad waayihii jiray

Maantay kadaran tahay

Isna waxanu daalacan

Duleed joogta maqashiyo

Dooxadan agtiisa ah

Degmadii ku nooleyd

Diilalyada cusleysiyo

Deyr waaga noloshee

Dunjigooda dhala rogey,

Dabataxan abwaankii

Sida midhaha dareyfga

Ama dalab laka guray

Ama dirirka cawleed

Dhankastaba u digarogey

Wax u diidey mooyee

Gaariye dakanadaa

Dadka qaarkii laga galey

Maansadiisa kuma darin

Doodiyo aftahankiyo deeleyda waagii darka la isku jiidhee

Ninba dacal kazoo galay

Yamyam dulucda sheekada

Inkastoo u duur xulay

Ama dogabyo weyn riday

Daldaloolka muuqdiyo

Damqashada xanuunkee

Xaqiraada lagu darey

Dabkan reerka lagu shidey

Dabuub lagu tilmaamiyo

Dibnihiisa kama maqal!

Aan dubaaxsho heestoo

Darmaanteyda heesaha

Daganaan u saare

Deegaanta laacdiyo

Dhul habeenkii doogsaday

Damal iyo hadh galabeed

Dooryaalka dhaqankii

Dudadiisu nooleyd

Genayoo dalxiisoo

Arraar lagu daleeyiyo

Duufaanka mariyee

Isna doorarkiisii

Tallow dareygan quustiyo

Beelahan dayoobee

Dabaqyada dhunkaashaa

Ilaa daayin abidkood

Ka durduuranaayee

Dirqigiyo waxyeelada

Dumadooda lagu qoray

Dibu dhaca ka baajiyo

Waxa uu dareemee

Uug daahay waa maxay?

Deexashada tusaalaha waxaan uuga danleeyahay

Deeqdii abwaankiyo

Darajada aftahaynimo

Sidaan la isku deeqsiin

Daniguna u badan yahay

Sagalada darooriyo

Markay daydo curatee

Daran iyo ugbaad baxo

Duunyada la maaliyo

Ninka dalawadiisii

Daaqsinkeedu ka engagey

Ama aan docmooyee

Degmadiisa waligii

Deegaan u gaariyo

Dudo lagu caweeyiyo

Dooyeeysan kaligood

Duumada xanuunkiyo

Dacar iyo ladh jiifiyo

Dureybaa ku raagoo

Doogbaa shideysee

Dawwo lagu bogsiiyiyo

Haddii aan dareen jirin

Daaraanta lugu dhayyo

Dadafeynta hadalkiyo

Digashada iska ogow

Deyrana hasii badani,

Duulduulka hadalkiyo markaan la isku duur xulin

Ama darri la maakumin

Waxaa lagu dirsoocee

Daldalaada quudhsiga

Dacwad looga dhigayaa

Dooryaaley iyo beri

Abaar lagu dayooboo

Duufaana sarra kacay

Bakhtibey dubteenoo

Daamamkooda galiyeen

Doodaa layaabka leh

Dalbaheeda hoosiyo

Duudkaad ka garataa

Iney daano tuugiyo

Danbi iyo xasarrad tahay

Iyo been la dagashaday

Dildilaalka hadalkiyo

Dawliilka quustaa

Marka dooca laga baxo

Duulaanka hoosiyo

Waxaa baday dagaalkoo

Dabar iyo nac loo sudhey

Daacadii farshaxankiyo

Dadaalkiyo aqoontiyo

Birtaa daabka haysiyo

Dawwo geed ku taaliyo

Deebaaq falaadhiyo

Dusha maas ka xidhanoo

Duhur lagu boqooliyo

Haamo reerka doojiyo

Nin dushaada kala guray

Dulankiyo basaastiyo

Kaa idleeyey diiftii

Daryeel lagu nagaadiyo

Dahab baabu keenee

Ma wax lagu duleystaa?

Dibadiiyo shisheeyahay dal aan cidiba gaadheyn haddii gaal ka soo dago

Dumar loo aroosiyo darajaa la siiyaa

Daruuraha hilaaciyo

Ninkan doorka kula yaal

Daris iyo qaraabiyo

Dalka aad wadaagtaan

Diinta islaamka ah

Hablihiisa diibka leh

Maxaa looga didayaa?

Dulucdiyo ujeedada maxaa duni barwaaqiyo

Nimco lagu durduurtiyo

Dawlad iyo wanaagiyo

Nabad lagu dakeeyiyo

Daganaan laheybshaa

Duudsiga waxyeelada

Iyo doogta mililka leh

Sowtan la iska dagashaday

Ama duul lasaanyaday

Danbiyo xumaaniyo

Dad waxaanu gayi Karin

Daabacooda lagu qoray

Daalaa dhacoodiyo

Dalasiga xanuunka leh

Ayax mar uu ka diiroo

Duugeeda halacsaday

Dayibow wuxuu yidhi

Dumaarbaa la mehershaa

Nin waxaanu dooneyn

Kadagaalamaan ahey

Daba socodka godobtiyo

Dockaleeto sheekada

Gaylan wuu ku diirsaday

In dirsoocu ba,an yahay

Dulqaadkiina gabaabsi yahay

Dabuubtaa layaabka leh

Anigu waan ku diirsayday

Dawna wey u leeyihiin,

Duulduulka jahannaba iyo dabaqa naareed iyo doolka dubashada

Haddaan daafad loo heyn

Darbi kaa ceshaa jirin

Damaciyo aftaagiyo

Doqonimo hadalkiyo

Digdigtaada beentaa

Ajow waad ku daashoo

Deynbaad ka qaadee

Danbabeeradaadiyo

Dib u eeg tudhaalaha

Dulmigana hasaacidin

Diintana xasuusnow,

Idinkuna dulqaadkiyo darajada illaahay daacadiisa mooyeee

Deelqaaf ha mudanina

Daliilkii rasuulkiyo(scw)

Samirkana hadeynina

Dandaagta reerkiyo

Isku duubni u wada jira

Dugsi la isku weheshado

Dareen la isku raaciyo

Diiwaanka nabadeed

Dadab lagu nagaan karo

Danabkii ku baaqdamey

Darmaan boobe halabsadey

Haldardaarankiisii

Dib miyaan xasuustiyo

Damiirkiinu garaneyn

Doorarku mideyn jirey?

Dadaalkiyo aqaantiyo duunyada dhaqaalaha

Dardar lagula soo baxo

Dagal lagu nagaadiyo

Deegaan beeshu leedahay

Dookhiina sharaftiyo

Doobirtiina nololeed

Dawadeedu waataa,

Allahayow shar darariyo ballo duuga aragtiyo dunbukh iyo rasaastiyo

Dhiig bilaash ku daatiyo

Didmo cadow hannagu ridin

Dunjigiyo qabiilkaa

Dubayaasha laladhacay

Dallaalnimo hadheysiyo

Diintiyo xaqsoorkiyo

Dariiqyada hanuunkaa

Raxmadaada uugu deeq

Bulshada mid dabacdoo

Daadaheysa samahoo

Dildilaanka qoyskiyo

Durkintiyo fogaantiyo

Kala dookha neceboo

Damiirkeedu wacan yahay daayinow na sollonsii

Allaahu ma Aaamiin

Waakaas abwaan haddaba

xigasho;www.dulmane.com
waxaa idiin soo diyaariyey idiinkana soo xigtey ,dulmane.com,
 

 


Qoraaga:Barkhad Xaaji Cabdi ,Mr Gaboye

ontario canada
email:abokoriye1@hotmail.com
email:mrgaboye@hotmail.com