Ha tallaabsan beenoo Ha ku tuman distoorkoo

 


Waxa in dhawaydba dalka ka jiray ismari waa siyaasadeed kaaso runtii  had
dan siduu yahay loo xalilin keeni kara dhibaato iyo nabadgelyo hor leh. Sid aas darted waxan halkan talooyin iyo tusaalooyin ugasoo jeedinayaa  mada xwaynaha jamhuriyadda Somaliland Md Dahir Rayaale Kaanin.

Marka ugu horraysa waxaad tahay odaygii beesha, waxad ku fadhidaa  title-kii ugu sarreeyay dalka, waxaa tahay qofka keliya ee manta masuulka ka ah ummadda reer Somaliland ee ilaahay kala xisaabtamayo, waayo  waxa ad qaaday masuuliyad aad u culus oo qaro wayn, sidaas darted  madaxwa yne xaqbaa laguugu leeyahy in qofkastoo muwaadin ahi kula hadlo, kula taliyo, wax kuu sheego, kuu nasteexeeyo, ku cananto. Adiguna waxaad xaq u leedahay inaad dhegaysato, taladooda wanaagsan qaadatid, xaalado hooda ka warhaysid, dhibaatada dadkaaga haysata ka werwertid, ku feke rtid sidii wadanka loo horumarin lahaa.


Marka xigta, muranada siyaasadeed waa inaad adigu noqoto ka ugu  debec san, ugu tanaasulka badan, ugu dulqaadka badan, dhegaystaa talooyinka dadka macquulka ahi kusoo jeediyaan, waxa jira dadbadan oo iyagu is  xilq aama marka muran siyaasadeed yimaado, dadkaasi cabasho badan iyo ixtiraam la’aan ayay kaa tirsadeen sida ay ku baahiyeen isgaadhsiinta. Waxa iyana jirta cabashooyin badan oo ka imanaya hay’adaha shaqadu idinka dhexayso sida baarlamaanka Somaliland. In kastoo ay majaraha u hayaan kooxaha mucaaridka ahi, haddana waa codkii shacabka, tixgelin iyo qaddarin ayaa idinka dhexaysa, sidaas darted waa inaad isusoo taagtaa dalabaadka sharciga waafaqsan ee kugu dhaliilayaan, waa in aad noqotaa qofka ugu horreeya ee sharcigy qabto. Waa inaad adigu shacabka tustaa ka sharciga jebinayaa, laakiin nasiib darrada jirtaa waxay tahay maanta ummadd ree Somaliland waxay kuu aragtaa inaad ku tumatay sharciyadii dalka u yaalay, inaad diidan tahay wada hadal, inaad tahay keligii taliye aan cidna u joojin.

Umadda idinsoo dooraytana waxa dhegohooda ka batay muran iyo is  xag xagasho joogta oo sanad walba soo noqnoqonaysa, taasina waxay  marka sta yaraynaysaa sumcadda dawlidnimo iyo haybaddii qaranku lahaa, waxay dhaawacaysaa kalsoonidii laguu qabay, waxayna yaraynaysaa  suurto  galn imada inay dadku mar dambe ku aaminaan.


Waxan xusid mudnayd, taladii Guddomiye ku xigeenka Baarlamanka  Somalil and Mudane C/casiid Samaale kuusoo jeediyay, runtii anigu waxaan u arkaayay in Samaale kuula taliyay si ay ku jirto lexejeclo,tolnimo, qadarin iyo nasteexo ay ku dheehan tahay ixtiraam madaxwaynimo. Waxan  aami nsanahay inaanu jirin nin sidaas kuula taliyay xataa saaxiibadaada kugu dhaw, markaas M/wayne anigu waxan ku odhan lahaa taladaasi waa mid dhaxal gal ah, waana mid dan u ah dhamaan adiga iyo ummadda reer somaliand, waan tubta keliya ee s/l ku caano mashay.
 

Gebagabadii, waxan hadalkaygu kusoo koobayaa tixdan gaaban oo aan  oda yga ugu nasteexaynayo inuu hoos isoo dego oo uu aqbalo waxa dadkiisu  d albanayaan, haddii kale uu ogaado inaanay sidaasi meel gaadhsiin Karin.

Waana tan tixdii

 

Madaxwaeyne waxa tahay
Ruuxii tusaaliyo
Talo lagu negaadiyo
Tubta horumar loo maro
Iyo timnaan laga sugaayee
Sowdigan tu kale maray.

Ha ku tuman distoorkoo
Ha talaabsan beenoo
Tolka lagama maarmee
Umadda isusoo taag.
Cidla hays taraarixin
Ha iska jabin tagoogada

Adiguna tusmada guud
Tusaalaha waxgaradkiyo
Taladii samaalee
Turxaanta aan lahayn iyo
Jidka toosan qaadoo
keligaa ha toocsane
U tanasul marar badan.
Tashibaa lagu negaadaa
Fikrado laysu tebiyoo
aan turxaan lahayn iyo
Shawr baa tusaale leh.

Ha ku tuman distoorkoo
Ha talaabsan beenoo
Tolka lagama maarmee
Umadda isusoo taag.
Cidla hays taraarixin
Ha iska jabin tagoogada

Tawradduna sideedaba
tayo waxay ku leedahay
Tusmo laysku sheegiyo
toosin iyo wanaag iyo
Isu tanaasul dhab ah oo
Sharcigoo la tuuriyo
tayda ha la raaciyo
Toocsigu wuu burburiyaa
Runta way ku tarantaa
Tafaraaruq khayr maleh.

Ha ku tuman distoorkoo
Ha talaabsan beenoo
Tolka lagama maarmee
Umadda isusoo taag.
Cidla hays taraarixino
Ha iska jabin tagoogada

 

 

Ahmed Saed Abdi
Guanghou, China
ahmedyasins@hotmail.com