Ha ka heesin Meel ad ku jabtay, kuna jabidoontiid wa Jabuutiyee!

 


Ninka Neceb Sinantiina
Adna Diid Sarayntiisa
Sedka Waa Wadaagtaane
Ma sagaashanbaa Tiisu
(HADRAWI)
 

Anigo tixracaya maqalkan ku magac baxay : jabuuti Maxaa Looga Xusi Waayey 18 May, illeen Aniguba Waatii Aanu Ina Cumar Geelle U Heesnaye?!ž

Hadaba anigo is lee jawab u heel suaasha saxiibkay oo ad modo imika  in ay tani bararujisay in kasto u ogyahay coolada Geelle ee Qadiyada  Som aliland hadana waxaad moda inu raajo ka qaabay mashurci ololaha laba kaclaynta xukunka Geelle ee ku dhisan cadaladarada iyo qabyalada ay ku dheehantahay cunsuriyada oo u hayo Somaliland gaar ahan intii dagalka u gashay lasoo noqoshada Somaliland.

Horta waxan jeecelahay inan ku xusisiyo, wa’ayo kuwa Hargeisa iyo Boorama uga olaleeya Ina Geelle ?

Waxaad oogaytahay maanta in Hargeisa iyo Borama ay ka dhacday xaflado lagu mamuusayo cadowga Koobad ee Somaliland oo tana waxa keenay Xukumada maanta ka jirta Somaliland ee u hogaamiyo Rayaale(iyo dabadhilifyadisa hore iyo cuwa cusub ee Jabuuti inagaga soo furmay) oo aad ogtahay heeshiska ka dhaxeeya iyo waxay ku heeshiyeen(Somaliland gawraceeda)

Walal waxan isu dayaya inanan aniguna jawaabti aad fiilaysay innaad ka heesho umada reer Somaliland ee aan ka mid ahay, waxan filayaa in intaa ka badan ay ku siin doonan jawabta arinku leeyahay.

Marka hore ina Geelle marnaba muu odhan ii qabanqaabiya xaflad oo waali ba Hargeisa igu qabta oo ta ana ku hubaa sida aad adiguba dareen tay.

Geelle kun jeer bu ku ceelceliyay inaanu marnaba aqonsanayn wax Somaliland la yidhaado wuxuna ku xiilafuray inuu dagaal u gaali doono sidii meesha ayna uga suragaalin inay dadkaasi dawlad layidhahdo Somaliland uga curan intuu isagu noolyahay, waalal ninka sidaa wax kuugu cadeeyey inaad daba muuusanawdaa ma kula eeg tahay ? Wa MAYA jawaabtu.

Walaal waxan ku sheegaya cidii waxan waday ee qandaraskan gashay weynu wada garanayna oo is maba qaariyan oo ta waxa u sahlay xukumada oo ku garabtaagan waxaynu ognahay cidda ay yihin iyo halkay ka soo jeedaan, hadaba waxan jeecelahay inaad kuwaa waxa wada iyo wax kadaran oo soo socda in isha lagu hayo oo laga badbadiyo dalka, hadi kale waxa dhici tan tu kadaran oo iyana aad ku bararugi barito .

Waxan ku soo koobayaa hadalkayga : ka heesin meel aad ku jabi dontiid adiga iyo qayrkaaba,Jabuutina ma nihin ul iyo dirkeed ee waxaynu nahay laba dal oo daris ah ; anba hadoono anba hadiido ina Geelle iyo inta uu ku adeegto ee reer Somaliland ah.

Waxaa hadababa layaab leh dadka maanta uga sacaba tumaya Somaliland dhexdeeda nin aan waxba dhaafsan ama u hiilin Somaliland oo waxay ku amaanayaan tahay kali ah waxa uu dalkiisa u qabtay ! Tolow maxaa uga shan iyo toban ah tan Landka ah ? Miyuu ictiraafay iyada ? Miyuu ka soo noqday dedaalka geed dheer iyo geed gaaban ugu jiro Soomaaliwayn oo ah dusha kaga- awdka Somaliland ?

Wuxu arinkan sacaba-tunku ku fadhiya dhowr arimood :

1/ marka hore waxay dadka reer Sl oo iyagu ku faana hanaanka dimuqraadiyadeed ee ay yaala kaga duwan yihiin Afriikada hadana u sacaba tumaya NIN KUTUMANAYA DISTOORKII u yaalay dalka Jabuuti oo loo jabinayo ,oo la leeyahay” WALIGAA HAY “! Miyaanay ahayn markaa godob dadka reer Jabuuti aynu kagalayno oo ah faragalin-toos ah oo mustaqbalka lagula xisaabtamo Somaliland? Seh xagay ka mareen dadka reer Somaliland inay Diktaytar ka dagaalamaan mid kalena ku dhisaan dadyoow kale?

2/ marka xigta sidday isu waafajinayaan halgan koodii xurayad-u-dirarka ahaa iyo gacansiinta nin KALIDII-TALIS-AH ? Ma ka warqabnaa waxy ku nool yihiin dadka reer Jabuuti marka laga gudbo waxoogaga maalgashiga Carbeed oo gacmo gaar ku dhaca ?

3/ haba loo tuma eh tolow maxaynu dhaafasanay ? Waxay ila tahay inaanay cidina moganayn kaalinta uu Ina Cumar Geelle ka taagan yahay Somalilandan u tamaashaadaysa ! 

WAXBA YAANU XEERKAY IMARIN XOOLANA ISIINE
XAASHE EH NIN LIBIN KAAXISDIYAY XUMAHII WAA YAABEH
gabayaagii AHN Salaan Carabay oo hadeer ka haysta Somaliland Ismaaciil Cumar Geelle !

4/ waxa wax lalo yaabo oo kale inuu sacabo-tunku ku koobanyahay dhowr Gobol oo dalka ah ( Maroodi Jeex , Gabilay iyo Awdal) oo ad mooday inay dadka kale ka xigtaysteen ! Iyana dhibteeda leh waayo waa qaybin dadka reer Somaliland ah!

5/ waxa Maamulka Ina Rayaale u xilsaaray Xafladahan Damaashaadka Ina Cumar Geelle Wasiirada Beesha Ciise kaga jira Dawladiisa ( waa Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka , Wasiir-Xigeenka Wasaarada Warfaafinta). Cid kale kuma weheliso ! Waxay labada Wasiir ka mid noqdaan markasta wafdiga Ina Rayaale Jabuuti u kaxaysto . Bal adba !

Halkaa maanta hay noo joogto!


La soco cadadka danbe

 

 


Cali Jaamac

dadkii@gmail.com