guushii cigaal sugay may gaadhin riyaale iyo siilaanyo[ lacagta shilnka somaliland]



 


BISMILAAAHI RAXMAANI RAXIIM

Tan iyo markii la abuuray dawladnimada somaliland ee lagu dhawaaqay gooni isu taaga iyo maamul ka madax banaan kii wadajirka ahaa ee lala wadaagi jiray soomaaliya waxa la soo maray marxalado bad an oo qaarna lagu guulaystay qaarkoodna wali qabyo yihiin.


Waqtigan xaadirka ah oo aynu odhan karno horumarka somaliland waa mid wali si habsamiya u socda iyo wax wada qabsi ka dhaxeeya mujtamaca s/land ayaa hadana waxa haboon in la tilmaamo ama fa rta lagu fiiqo qayb ka mida arimaha aan wali isku duba dhicin .Isticmaaalka lacagta somaliland ama ist icmaalka shilinka somaliland ayaa aan wali ka hir galin qaybo badan oo dalka ka mida.

20 sano oo aynu haysanay maamul nabada oo dimuquraadiya hadana aan walilagu guulaysan in dalka laga wada hir galiyo lacagta somaliland leedahay.Waxa akhristoow mucjiso noqotay in madaxwaynihii hore mudane daahir riyaale kaahin aanu marna ku guulaysan inuu magaaladiisii degaan ahaan uu ku abtirsado ee BOORAME marna aanay uga suurto galin inuu gaadhsiyo lacagta somaliland ilaa imikana laga isticmaalilacagta birta ethoobiyaanka .


Mudane daahir riyaale kaahin runtii waa halyay qabtay waxyaabo badan abaal wayna umudu ugu ha yso ilaahay ka raaali noqdee.Mushaharka shaqaalaha waqtigii riyaale oo aan marna wiiqmin ama laga caban ayaa ah waxqabadka ugu waawayn ee mudanuhu qabtay. fidinta xuduuda somaliland , maxjar ka xoolaha la dhoofiyo iyo waliba doorashadii ugu horaysay ee dalka si guud ahaana looga qabtay ay aa ah waxyaabaha mudanuhu qabtay ala ha ka abaal mariyee waqtigan daahir ma aha nin dhuumash o ku nool sida madaxwaynayaasha africa ama carabta oo dadkooda sii baabiiya inta aanay xukunka ka dagin balse wuxuu asagu ku noolyahay dalkiisa somaaliland waqtiguu doonana wuu yimaadaa waq tiguu doonana wuu ka dhoofaa waxaan u rajaynayaa mudane daahir riyaale kaahin iyo marwadiisa sharafta badan meel kasta oo ay joogaanba khayr badan iyo nolol fiican ayagiyo caruurtoodaba

waxa kaloo ayaduna mucjiso hada taagana in madaxwayanaha hada mudane xaaji axmed maxamuud siilaanyo alaa yadawil cumruh aanu ilaa imika gaadhsiin magaalada ugu wayn ee degaan ahaan uu ku abtirsado ee BURCO lacagta somaliland. magaalada burco ayaa ilaa imika waxa ka socda lacagta dalka soomaaliya mujaahidka oo runtii aan waqti badan kursiga ku fadhiyin ayaa hadana waxa wacnaan la hayd in laga maqlo ama uu shaaciyo waqtiga ama qaabka lacagta loo gaadhsiin lahaa dhulka aanay il aa imika gaadhin gaar ahaan magaalada labaad ee dalka ugu wayn ee burco. Mudane madaxwayne a xmed maxamuud siilaanyo intii uu maamulka hayay waxa dalka saarnaa abaaro badan waxaaana wali dadku rajaynayaa in maamulkiisu noqdo mid horumar cusub keena oo umada si waafiya wax ugu qab ta.

Waxa hadaba akhristoow in laxuso u baahan oo mudnaanteeda la siiyo madaxwaynihii hore ee soma liland ALAAYARXAMUH mudane maxamed xaaji ibraahim cigaal.marxuunku waxa uu markiiba lacagta ka bilaabay inuu ka hirgaliyo degaanku ku abtirsado gobolka saaxil ayaa markiiba si geesinomo leh lo oga qaatay lacagta soomaliland ka dibna waxa laga hirgaliyay isla waqtigaa caasimada hargaysa iyo salaxlay ilaa gabilay iyo nawaaxiga gobolka maroodi jeex.

Waxa hadaba caqliga saliimka ahi ina tusayaa in madaxwayne kasta ama masuul kasta oo talada dal ka qabta uu maro wadada saxda ah maamulka iyo lacagtana uu ka hirgaliyo goobtuu ku dhashay int aanu safar ugu tagin dhulka kale.

madaxwaynihii hore ee somaliland alaa yarxamuh Maxamed Xaaaji Ibraahim Cigaal,ayaa ninkasta ugu filan tusaale lagu meel maro oo la raaco ,geesi buu ahaa ilaahay qabriga ha u nuuriyo janadana ha ge eyo asagiyo marwadiisiiba alaa yarxumhaa

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen12@mail.com

London