GUUSHA KULMIYE GAADHAY EE DHANKA SIYAASADA[UCID IYO UDUB OO SII SAQIIRAYA] hanbalyo kulmiye

 

 

Siyaasada somaliland oo maraysa meel wax la iska waydiin karo ??????????????????
Guusha xisbiga kulmiye uu u awood sheegtay labadii xisbi ee kale ucid iyo udub ee uu meel ku tiirshaykaas oo kaga hor maray


1-- xaga siyaasada
2-- dhaqaalaha
3-- taageerada bulshada


Qodobka sadexaad ayagaa waqtiyadan danbe aan sidii hore u sumcad badnayn waana qodobka taageerada bulshada
si kastaba ha ahaate waxa xisbiga kulmiye muujiyay guul aad u wayn oo dhinaca siyaasada ah
waxaad kuu cad in dhawaan ay ahayd markii siyaasiyiinta ugu waawayn xisbiga ucid lakala jabiyay ayagoo qayb ka mida xisbiga ka dhigay mucaarad qaybtaas oo uu hogaaminaayay aadan mire waqafrag badan oo uu ka mid yahay cabdiraxmaan dheere , maxamed siciid dheere iyo cabdirxamaan ciro ay garab wayn siinayeen aadan mire waqaf.

DHawaaan ayay ahayd markii uu cali waran cade diiday inuu soo galo dabinka siyaasad xisbiga kulmiye ka dib markii loo magacaabay inuu noqdo wasiir ka mida dawlada kulmiye.
dabcan cali warancade waa ku heli lahaa jagadan magac iyo aduunba balse sida ka muuqata maaha nin cad quudheed qaata. waxa uu ka doortay mansabka loo magacaabay sharaftiisa isagoo ilaashada.

Ha moodin in rag wada yahay sidiisa doraad ayay ahayd markii xisbiga kulmiye wada hadal la galaymaxamed rashiid oo ahaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga ucid oo loo magacaabay jago la xidhiidhawasaarada arimaha dibada.


Maanta ayaad aragtaa xildibaan dr maxamwed duur oo markiisii hore ahaa xisbiga udub inuu qaatay jago uu u magacaabay xisbiga kulmiye sidaana maanta ku noqday wasiirka arimaha gudaha ee somaliland.

Waxaad xasuusan karta ugu horaynba markii xisbiga kulmiye uu jeebka gashaday ururkii qaran ee
ex president daahir riyaale kaahin uu mamnuucay xadhigna u taxaabay ayaa markii la soo daayay waxa la wareegay xisbiga kulmiye waxaanay la galeen doorashadii ka bacdina waxa loo magacaabay jagooyin iyo wasiiro maxamed cabdi gaboose wasiirka arimaha gudaha mr caydiid oo loo magacaabay wasiir

waxa kaloo ina xaashina loo magaacabay wasiir sidaana waxa ururkii qaran ku hantiyay xisbiga kulmiye waloow hada mr gaboose is leeyahay is daba qabo
oo giraanta meel kale ka rog asagoo xilkii iska casilay rabana inuu sidii rag yeeli jiray meel iska SOO SAARO!!!!!!

Guulahan xisbiga kulmiye gaadhay maaha qaar ku yimi laba cisho ama laba sano waa horumar in badan loo hawl galay runtiina waqti badan iyo aduun badanba loo huray, waana mid rag wax garadi isku duba rideen well done hanbaylo ayaanu leenahay.
SHakhsiyan waxaan qabaa in loo hanbalyeeyo xisbiga kulmiye guulaha dhanka siyaasada ee ay ka soo hooyeen dhanmaan asxaabta kale oo dhan[ ha noqon xaasidka siyaasada]

Ma dhici kartaa guulaha iyo horumarka xisbiga kulmiye in uu ina dhaawaco?
---asxaabta kale oo burburta waxay keenaysa dhibaato wayn xidhitaanka xafiisyada ucid ee dawladu xidhay waxay dhalin karta sumcad xumo iyo aduunyada oo inoo aragta in laga takhalusay tartankii dimuquraadiyada.

--- Fadhataysiga masuuliyiinta ku jira asxaabta kale ee lagu soo xero galinaayo aduun gacanta loo galiyo ayaa ayaduna inoo keeni karta sumcad xumo aad u wayn oo horseedi karta ayaan daro. abuuritaanka xisbiyo cusub oo la bilaabo iyo ayadoo kuwii horena la duminaayo ayaa noqnaysa mid caalamku u arko in xisbiga kulmiye uu rabo INUU DUMIYO KUWII HORE qaar isaga taageersana uu dhiso. waxaanay noqonaysaa siyaasad cusub oo loo adeegsado ku sii raaga in kursiga mudo badan lagu sii fadhiyo waana ta maanta laga dhadhansan karo sida wax u socda an iyo sansaanta ay leedahay maanta siyaasad ka jirta dalka gudihiisa.

GABAGABDII

Xisbiga kulmiye ha ku dadaalo sidii xeegana xeeego u noqon lahayd ilkona u nabad gali lahaaye en macnaheeduna yahay tartanka asxaabta kale inaad ka adkaado ama aad ka awood badato waa mid kuu banaan waana raganimadaada iyo is abaabulkaaga nina taa kuuma diidan [anagaa ku leh ka adkaw oo xero hadhuudhlaha raaci].


balse inaad asxaabtii hore dumiso oo aad qaar ku raacsan oo cusub dhisto taasi waxay khal kh al galinaysaa amaanka iyo nabada waxay dhaawacaysaa sumcada iyo qadarinta caalamku inoo hayo waxay keeni karta in la is aamini waayo. waxa ila quman inaad shaxda quruxda badan ee aad wadaan inaad wadada ku hagaajisaaan oo aydaan xuduuda ka bixin meel fiican ayaa xadhi ga ka garaacaysaan ee hadaa ka badbadisaan oo sidii maalintii dhawayd ee aad magacawdeen mayorka gabiley aad xaalada ku wadaan markaa sheekadu way xumaanaysaa. waayo mayorka dawladi ma soo doorato ee waxa keena golaha degaanka.

Mar kale waxaan leeyahay xisbiga kulmiye hanbalyo guula aad gaadheen waxa kaloo asagana aan si gaara u hanbalyaynayaa siyaasiga cali waran cade oo ah shakhsiyad la tilmaami karo
udub iyo ucid waxaan leeyahay wayska xaal aduun aduun kkkkkkkkkkkk heesta khadra daahir ku raaxaysa

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dhee2011@hotmail.co.uk