Guurtidu Caqli iyo Cod dadweyne ayaa ku joogtaa. Kuma Joogto Cudud, Qori Caaradii iyo Carjuuq dhe midna.


By Hamud Duale

 


Maqaal kan waxaan Qoray bishii Abriil 20, 2008. Waxaa xusbiyada mucaaridka ayaa qaarkood eedaymo u soo jeediyeen Golaha Guurtida ee maanta lagu nastay. Waxaa kale oo jirtey in wasiirkii arrimaha dibeda Cabdillaahi Ismaciil (Cabdillaahi Cirro) oo haween lagu xusay. Dib u akhriya. Waxaan ka soo minguuriyey barta Internetka ee longlivesomaliland am Timacadde ee uu maareeyo Maxamed Cali.


Maqaalka ka hor Su’aal ?


Haddii uu Wasiirka Arrimaha Guduhu xun yahay, Oo aanu Abdo iyo aqiibo midna lahayn, waayaaba maxaa dhidiga iyo haween loogu xusay. Weli ma waxaa la taagan yahay wixii xunba Xaawaa leh, oo labkaa xumihiisa laga riixayaa. Haweenku miyaanay ahayn kuwan dadaalka weyn ugu jira badbaadinta qoyska iyo qaranka, miyaanay ahayn kuwan habeen iyo dharaar heeganka ku jira, dibada iyo gudahaba. Miyaanay ahayn kuwa codka laga doonayo?

Dhidig iyo laboodow ka jawaaba su’aashan? Su’ashani kama hadlayo maqaalkani.

Sida la wada ogyahay ruuxii SNM-ta ee dhabta ahaa waa tii la dheelmiyey markii dalka la soo galay 1990.

Dadku way isku maandhaafsan yahay halkii loo dheelmiyey. Qaarbay la tahay in loo dheelmiyey, cirka iyo dhulk meel dhexdooda ah, qaarbay la tahay in ay halkaa sii dhaafsiisan tahay oo ay carshiga ku dhawaatey, Qaarbay la tahay in ay Ururada ka mid tahay, qaar bay la tahay in ay dhuumatay, dad badan ayay la tahay in qurbaha iyo Jabaan loo dheelmiyey.

Anigase waxay ila tahay in ay dadweynaha ku milantay, qurba iyo Jabaan meel ay joogtaba. Waxaan ku dhaafayaa ruuxii SNM-tu ma dhiman, mana noola, ee labada midna ha u malaynina.

Haddaba intaanan u sii gudogelin maqaalkayga, waxaan ku xusuusin lahaa in aad bal dib u yaro jaleecdo, maalintii, abwaan Maxamed Xaashi Dhamac, oo aad Gaariye u taqaanaan, uu Ergo tirinayey ee uunku isku isu soo baxay, hordhacii uu ka horeysiiyey maansada ee ku saabsanaa doodii qalfoofkii iyo ruuxu SNM dhex taaley, intaan dalka la soo gelin iyo maansooyinkii uu ka tiriyey. Waxaa kale oo aan idin xuusuusin lahaa in aad waraysataan Xoghayihii kaydka taariikhda SNM oo haatan hawlwadeen ka ah Akadimiyada Horumarinta Nabada iyo Dimuqraadiyada Cabdiraxman Yusuf Ducaale oo aad boobe u taqaanaan.

Aan ku soo laabto waxaan qallinka u qaatay. Ruuxii dhabta ahaa ee SNM qalfoof buu lahaa. Tan iyo maalintii la asaasayna Naftaa iyo qalfoofkeeda muran baa ka dhex oognaa. Waana loo wada joogey. Hadaba Qalfoofkii xaguu ka danbeeyey?

Markii arlada la soo galay, qalfoofkii SNM wuxuu la falgalay Qalfoofkii ka hadhay maamulkii Siyaad Barre, oo ay dooc iyo dareen wadaagaan oo ay isku aragti ahaayeen. Way kala qolo iyo jilibo duwanaayeen mooyaane, may kala garaad iyo afkaar duwaneyn, waxay ahaayeen dameer iyo labadiisii daan. Ruuxii SNM wuxuu la falgalay daduweynihii isaga oo ab iyo isir midna u kala eegeen.

Labada qalfoofood ee isla falgalay ee mid ruux SNM-ta ka hadhay ahaa, midna ka hadhay nidaamkii Siyaad Barre, caaro kumay kala duwaneyn, midna ree Adisaba ahaa midna ree Muqdisho, xuduudaa u dhaxaysay. Labada qalfoofood summadoodu waa caan, waa cal iyo bey, waa afkaartii dawladihii inna soo maray oo dhan ay adeegsanayeen ee qarankii idlaa ee abyoonaa ku dumey.

Labada qalfoofood falgalkoodii kimika ahaan wuxuu ahaa nooca kulka bixiya (exothermic) ee muu ahayn ka u baahan in dab lagu shido ee kulka qaata (Endothermic).
Markay isla falgalayeena kulkuu bixiyey danbaaburadiisii waa tii Burco iyo Hargeysa lagu kala qaxay, ee muslin iyo masaakiin badani ku gubatey.
Ergaa ka mid ahayd maansoonyinkii loo miciinsaday holacii in lagu damiyo. Guurtidaa ku hagoogatey halistii iyo colaadii ka dhallatay.

Haddaba wixii mooro duug dhacay iyo khasaarihii mood iyo noolba lahaa, waxaa lagaga samray oo lagu ilaawey, midhihii ka dhashay ee ka soo baxay. Waa falgal iyo caadkiiye, waxaa samaysmay sedex walxood iyo nabad. Sedexda walxood oo kala ah maamullada sare ee UDUB, Kulmiye iyo UCID, oo loo aqoonsada sedexda urur qaran.

3Qalfoofkii SNM + 3Qalfoofkii Siyaad Barre = UDUB + KUlMIYE + UCID + 3Nabad. Falgakani waa(irriversible) dib u noqosho ma leh. ha ogaado nin moogi.

Intuu falgalku socdey Guurtiduna Codkii dadweynaha oo buuxa ayay heshay, darajo ah nabaddoonimana waa loo qiray. kalsoonidii beelaha oo dhanna way hannatay, caqli bay ku gaadheyn ee cudud iyo qori caarradii midna may adeegsan.

Nabadii ka dhalatay falgalkuna waxay suurtogelisey, in la abuuro Golihii wakiilada dadweynaha iyo golayaashii deegaanada. Doorashooyinka iyo dimoqraadiyada, dadka qaar afrikoo dhan ugu faanaan, ee ictiraafka lagu raadshaana way ka hirgashay.
Doxorada abtiriyow, sidaa ma u ogsoontiin.

Haddii damac iyo dacari kuu qabato kuu qabato in aad dib celiso falgalkan, waxaad u baahan tahay in aad xisaabisid kul uu qaadanayo. Waxaad u baahan tahay in aad gubto oo ololiso, oo aad dhamac weyn ku shido oo weliba sii saarto dogobyo waaweyn, si aad u kala furfurto walxihii samaysmay oo aad fallidho u kala dhigto. Taasina suurtogal ma ah. Xeer diidan baa jira. Ma ogola dadweynuhu oo waxaad dooneyso, nabadaa ka qara weyn. Wax la dhaafsadaa oo la barbar dhigo ayaan jirin. Markaa ha ku daalin kaasi waa habeen dumaye.

Qalfoofka heehaabayaa ee geedi socodka dimoqraadiyada beelaynayaa, waa kuwa iyaga oo hebel diidan weli eryanaaya ree hebel. Waa kuwa shaalka darajada, dunta iyo xariirta, hogaamin dadweyne, haday waayaan u duda, haddii loo doortana weligoodba ka degin, hadday heer xusbi tahay iyo hadday heer qaran tahayba. Waa kuwa Odayaashii la doortay iyo guurtida amranayd ee ummadu ku caymatay, ablayda u raminaaya.
Bal ayaan darradooda cid ma aaminaayaan. Waa kuwa Oodi Ab ka dhaw, dadweynihii isku aamine, kala irdheeyey ee magaalooyinkii asqeeyey ee abuuray in uu aqalba aqalkii xigey miinooyin ku aaso. Qalfoofow, ruuxaad wax ku ahayd, xusbigaad ku jirto car ayaanad kala didin.

Haddaba, Dadweynow, Ururkii SNM kuma jiro sedexda urur qaran ee ku loolamaya Hogaaminta dalka. Laakiin markay doorashadu soo dhawaato, waxaad arkaysaa dhidar onkod kiciyey, oo ah qalfoof ka mid ah sedexda urur midkood, oo doonaya in uu kugu beer laxawsado SNM baa dalka u soo dhimatay, iyaga oo weliba magac reerna marna ku hoos dhebaya, marna ku kor dhebaya, iyaga alifka mar heer qabiil ku xarakaynaaya, marna heer jilib ku xarakaynaaya. Haddaad dhab ugu fiirsato waxaa ku muuqanaysa in aannu ku kalsoonayn xusbiga uu ka tirsan yahay ee sheeganayo. Wuxuu aamini laayahay dimuqraadiyadda gudaha xisbigiisa oo uu shaki ka qabaa.
Kursi ayuu doonayaa ee SNM dan iyo muraad kama leh, reerna dan kama laha, xusbiga uu ku jirana dan kama laha.

Nabaduu dhaawacayaa, waxaan ku odhan lahaa dadweynow : “ Iska jir cadawga kula jecel, in aad joogtoonad joogsan ”.

Sedexda Xusbi Qaran ee loolanka ugu jira hogaaminta dalku, markaad dhab ugu fiirsato way kala raad qabow yihiin. Qaarbaa u soo ekaanaya xusbi qaran. Qaarbaa dhexdooda dimuqraadiyadii ka hirgeli laadahay oo reer ahaan loo galaa, reer ahaana looga baxa, qaarna qof ahaan baa loo galaa, qof ahaana waa looga baxaa. Qaarbaa golahooda dhexe beelo lagu qaybsadaa. Qaarna taa way yara asturaan oo tallada tayana waxkaga dara.

Hadda, ayuun baa la raad qaad oo socod barashadii la bilaabay, oo gurguurashadii laga soo gudbey. Kufkufid iyo dhidhicisaba waa lama huraan iyo ina daanweyne, dhinaca mucaarid iyo dhinaca muxaafidkaba. Ayaan la isku nicin ee dadweynow adigu danta guud ka raac.

Guurtida ayaa ugu da’ weyn Hay’addaha dawliga ee abuurmay ee ummadda kala haga, oo iyadu falgalka lagu negiyahay hortiibay jirtey, karaamo iyo sharafna way mudan yihiin. Waa kuwii isxilqaamay iyaga oo aan cidi dooran, maalintii dadweynaha dulcad looga xera dhiga. Mar walbana ku hogaagen jirey dhiiga siyaasi beelaysani qubayo.

Hadday gefeen ha loo dulqaato. Hala diido go’aankii ka soo baxay waxaa ka haboon oo ka roon ha la qaato. Maxaa wacay, waa marka hore lug iyo gacani inna jabimayso haddii la qaato, waa marka xige ha la diido kala danbayntay wiiqaysa, waa marka sedexaade ha la diido waxay sobobi doontaa in kuwa dawladdana la diido oo go’aamo saxah oo madaxda ka soo fuleyna la diido, waxay keeni kartaa canaan ka yaab reer ma doojo, oo waxaa adkaan doonta go’aan qaadashada madaxda imman doonta iyo kuwa haatan joogaba.
Maanta uun ayaan la eegine, berrina ha la eego. Waxaa haboon in la sameeyo xeer xakameeya oo awoodooda xadida, si aannu mar danbe gefkan oo kale u dhicin, waa haddii la isku raaco in ay gefeen. Waxaan idinkaga tegayaa arrintii dhacdaye, markan ha la fuliyo oo odayaasha qiil ha loo daydayo.
 




Hamud H. Duale
huluuq@hotmail.com