Gudoomiyihii Koomishanka Ee Gobolka Gabiley Maxamuud Yuusuf X.Cabdi
Oo Goor Dhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

Marxuunka ayaa dhawaanahanba la Ildarnaa xanuun taas oo markii danbe
loo soo qaaday Cusbitaalka ....
Hargeysa (TNN)- Alle ha u naxariistii Gudoomiyhii Koomishanka Ee
Gobolka Gabiley Maxamuud Yuusuf X.Cabdi Ayaa goor dhawayd ku
geeriyooday cubitaalka Guud Ee Magaalada hargeys a oo Marxuumka mar
hore xanuun dartiis loo keenay.
Marxuunka ayaa dhawaanahanba la Ildarnaa xanuun taas oo markii danbe
loo soo qaaday Magaalada Hargeysa gaar ahaan Cusbitalka Guud Ee
Magaalada Hargeysa.
Marxuunka ayaa la filayaa in caawa loo qaado Magaalada Gabiley si
halkaas loogu Aaso maa linta Barri ah , Marxuum Maxamuud Yuusuf
X.cabdi ayaa ahaa shaqsi kaalin Firfircoon Kasoo Qaatay Hawlaha
Horumarinta Gobolka Gabiley Isagoo Ahaa Gudoomiyaha Koomishanka Gobo
lka Gabiley , Ahna Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Ee Gobolka Gabiley,
isla markaana ka mi d ahaa Masuuliyiinta Hayada SOHA .
Sidoo kale Marxuum Maxamuud Yuusuf Waxa uu ahaa Wakiilka Ururka
Qurbajoogta Gabiley ee GARDO oo hawlo badan oo Samafal ah ka Fuliya
Gobolka, waxaanu Deeqo Badan Gaadhsiin jiray Agoomaha iyo Dadka
Dhibaataysan.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Shaqsiyaadka Caanka ku ah Horumarinta
Danta Guud isaga oo Kaalin Mugleh kaga jirtay Dhiiri galinta
Dhalinyarada ee Dhinacyada Akhriska iyo Ciyaar aha, Waxa kale oo
Kaalin laxaadleh ka qaatay dhismaha Cusbitaalka Guud ee Gabiley iyo
isku xidhka Qurbajooga iyo Masuuliyiinta Gabiley.
Dhamaan Maamulka Guud ee Shabakadda Wararka Timacade News, waxay
taci tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay
Marxuum, waxaanay illaahay uga baryayaan in uu Jannaddii Fardawsa ka
waraabiyo,aamiin.
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland
|