Gudoomiye Muse Biixi may ahayn inuu ka hadlo anshax....


 


Allaah waxa aan ka baryayaa inuu denbigiisa dhaafo marxuumkii dhalin-yarada ahaa ee sh alay faashka lagu dilay asagoo ka mid ahaa taageerayaashii Kulmiye ee isugu tagay beerta xoriyada Hargeysa,janna fardawsana ka waraabiyo. Waxa tacsi u dirayaa waalidkii,wa laala dii,eheladii iyo asxaabtii uu marxuunku ka baxay.Dhamaan shacabka Somaliland samir iyo iimaan haka siiyo.


Saaka waxa aan ku waa bariistay saxaafada madaxabanaan ee ka soo baxa Jamhuuriyada
Somaliland oo ay bogga ugu horeeysa ku qoranyahay hadal laga xumaado,kana soo baxay
afka gudoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.Kaas oo uu ku duraayay ururo aanu
magacaabin oo anshax xumo ku dhaqmay markii uu socday banaanbaxii ay ku muujinayeen
cududa taageerayaashooda.


Hadaba waxa isu kay qaban waayay Gudoomiye Muse hadalka ku duraayay xisbiga cadaalad a iyo daryeelka ee UCID iyo dilkii shalay dadkii uu ugu khudbadaynaayay beerta xoriyada ee Hargeysa,faashna lagu dilay nin dhalin yaro ah oo goobtaa joogay -ANH-,gabadhna ay xaba dii askartu ridaysay ku dhacday. Waxa kale oo la yaab ugu riday sababta saxaafadu u qori wayday falkaa foosha xumaa ee ay ku talaabsadeen taageerayaashii isugu yimi beerta xori yada ee hargeysa.Waa ayaan darrada ku habsatay siyaasada xisbiga talada dalka haya.

Waxa u ekaa Muse inuu tacsi u diro waalidkii iyo eheladii marxuumka shalay hortiisa ku nafw aayay,saxaafadana ku shaaciyo falka dhacay,digniin u dira taageerayaasha xisbiga uu hoga anka ka yahay si aanay ugu kicin mar kale anshaxa noocaas ah ee dhiiga muwaadiniyiinta ku daadan karo.


Waxa aa Muse leeyahay, maanta maaha shalay oo shacabku way soo jeedaan,waanay ark een xukunka Kulmiye iyo habsocdkiisa siyaasadeedba.Xisbiga cadaalada iyo daryeelka
ee UCID inuu ka koray gegada madaw ee uu Kulmiye dhex wareegayo.

 


Xuseen Xasan Badmaax