Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Wakiilada oo markii ugu horaysay ka hadlay hankii sa Siyaasadeed iyo Xurg uftii dhex martay Madaxweynihii Hore ee Somaliland

 

 

Hargeysa August 3, 2010 (TNN)- Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada  So maliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa markii ugu horaysay ka hadlay hankiisa  Madaxw eyne inuu isu soo taago, xurguftii Siyaasadeeda ee dhex martay Madaxweynihii hore ee Somaliland iyo sida uu u arko Golaha Wasiirada ee Somaliland.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo waraysi dhinacyo  bad an taabanaya siiyay Telefishanka Horn Cable Tv ayaa sheegay in kulankii ay Golaha  Wakiila du la qaateen Madaxweynaha Somaliland uu ahaa mid isbarasho ah oo lagu xoojinayay  xid hiidhka Xukuumada Somaliland iyo Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu sheegay inuu Madaxweynuhu u sheegay in Golaha Wakiiladu yahay Gole la mid ah si sharci ahna ku wada shaqeeyaan.

Gudoomiyaha ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland waxa uu soo dhaweeyay Golaha  Wa siirada Somaliland oo ku tilmaamay qaar tayo leh, waxaana uu tilmaamay inuu aad u  hamb alyaynayo Golahaasi wasiirada isagoo tilmaamay inay Xisbiga ay ku jireen rag badan oo  da mac Wasiirnimo ku jiray aan helin, waxaana uu ka dhawaajiyay in aan laga wada qayb  qaa dan Karin balse siday macquul u tahay looga qayb qaato.

C/casiis Maxamed Samaale waxa u soo hadalqaaday xurguftii siyaasadeed ee dhex martay isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxaana uu sheegay inuu Rayaale saamaxay waxa kaliya ee ay isku haysteena uu ahaa waxyaabo sharciya oo ninba gees ka taagnaa, balse haatan uu saamaxay waxbana aanuu u haynin

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada waxa kale oo uu sheegay inuu  doon ayo inuu Madaxweyne ka noqdo Somaliland kana qayb galo Tartanada Doorashada ee Soo socda, waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu hankaasi hayo balse wakhtiga aanu sheegi  kar aynin, waxaana uu tilmaamay inuu ka mid ahaa raggii soo aasaasay xisbiga Kulmiye  haata na uu damacaasi ku jiro.
 

 

Source: HCTV