Gudoomiye Cusub Oo Loo Caleemo Saaray Tuulada Ijaara ee Ka Tirsan Gobolka Gabiley

 :

"waxaan leeyahay inanka xilka loo magacaabay noqo kii kasoo baxa  xil kaa, kii ku guulaysta alle ha kaa dhigo. Waxaan leeyahay noqo mid  uma da hogaamiya”... Cabdi Warsame Aamin



Gabiley (longlivesomaliland News)- Cabdiraxmaan Ismaaciil Yuusuf ayaa maanta loo caleemo saaray inuu noqdo gudoomiyaha Tuulada Ijaara oo ka tirsan deegaanka gobolka Gabiley. Xaflada caleemo saarka  gudoomi yaha cusub ayaa ka dhacday magaalada Ijaara oo 15Km koonfur ka xig ta magaalada Gabiley.

Xaflada caleemo saarka ayaa waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha  gol aha deegaanka Gabiley, Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka, xubno ka tirsan qurba jooga jaaliyada reer ijaara ee wadanka Uk, Dhalinyaro, Ganacsato iyo martisharaf kale oo tiro badan.

Masuuliyiinta halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha Golaha Deegaanka Gabiley Aadan Muxumed Badde oo ka waramay taariikhdii magaalada ijaara oo uu sheegay inay magaalada Ijaari leedahay taariikh balaadhan isagoo sheegay inay wakhiyadii hore magaaladani dagi jireen dad carab iyo Hindi ah. Gudoomiye Aadan wuxuu ugu baaqay maamulka cusub ee deegankana inuu la shaqeeyo dadka, uu noqdana qof  muwaa din oo ah oo wax hagi kara.

“sharcigu wuxuu ogol yahay in tuulo kasta loo sameeyo ilaa sadex oo ma amula, marmarka qaarna ilaa todoba” sidaa waxaa yidhi Aadan Muxum ed Badde

Cabdi Warsame Aamin oo ka mid ah jaaliyada reer ijaara ee wadanka  in giriiska oo gudoomiyaha cusub ugu duceeyay in ilaahay u fududeeyo  xi lka uu qabtay ee gudoomiyenimo. Sidoo kalna waxaa uu cabdi warsme u sheegay inay u baahan inay helaan dad soo jeeda oo mideeya  horum arka gaar ahaan deegaanka ijaara iyo guud ahaan gobolka oo dhan.

“waxaan leeyahay inanka xilka loo magacaabay noqo kii kasoo baxa  xilk aa, kii ku guulaysta alle ha kaa dhigo. Waxaan leeyahay noqo mid umada hogaamiya” dhinaca kale cabdi warsame waxaa uu canaan usoo  jeed iyay dadka ree ijaara inaan samayn horumarka la taaban karo oo dhinac kasta ah.

Waxaa kale oo halkaas hadal ka jeediyay xildhibaan Ibraahin Axmed  Xa san (sangal) oo gudoomiyaha cusub ilaahay uga baryay in ilaahay ku  as turo xilka uu umada u qaaday. Dhanka kale waxaa uu xildhibaan sangal kula dardaarmay inuu gudoomiyaha cusubi buuxiyo kaalintii  gudoomiyen imo ee deegaanka Ijaara.

Muxumed Xasan Meecaad oo isna ka mid ah xildhibaanada Golaha  Deeg aanka ee laga soo doortay deegaanka Ijaara ayaa soo dhaweeyay  gud oomiyaha cusub ee Magaalada Ijaara isagoo dadka xaflada kasoo  qayb galay u tilmaamay inay taageeraan gudoomiyaha, horumarku ku jiro  iya goo dadku la shaqeeya maamulka magaalada kolba cida haysa.

Gabogabadii xafladaasi waxaa hadalo kooban kasoo jeediyay  Gudoom iyaha Cusub ee maanta la caleemo saaray waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “waxaan u mahad celinayaa masuuliyiinta dawlada iyo  dadway naha reer Ijaara ee xafladan kasoo qayb galay. Waxaan idin odhanayaa maanta waxa kaliya ee horumar lagu gaadhaa waa wada-jir, waxaan maanta halkan aan ku imidna waa kalsoonidiina, kalidayna waxba qaban maayo hadaydaan idinku wax ila qaban”.

xafladanina waa xafladii ugu horaysay ee loo sameeyo gudoomiye loo doorto tuulo hore uga dhicin somaliland guud ahaan in gudoomiye tuulo la caleemo saaro oo xaflad loo sameeyo.
 



Mustafe Future

Longlivesomaliland News Desk
Gabiley Offica  Somaliland