GUDOOMIYE CIRRO IYO WAFTIGII UU HOGAMINAAYEY OO KULANO LA QAATAY WASAARADA ARIMAHA DIBADA EE DALKA MARAYKANKA

 


Washington-DC. (TNN):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbig a WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee ku sugnaa d alka Maraykanka ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka. Kulan socday in ka badan hal saac ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen qod obo kala duwan oo ay ka mid yihiin Ictiraafka Somaliland, Doorashooyinka, iwm.

Arrimaha weftigu is-dultaagay waxaa ka mid ahaa qabsoomida doorashooyinka Somaliland iyo sidii dawladda Maraykanku ay gacan uga geysan lahayd.Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo we ftiga la socday ayaa ugu horrayn masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debedda warbixin ka siiy ey taariikhda Somaliland, iyo sida ay ugu qalanto inay ka mid noqoto wadamada beesha caalam ka, sidoo kale waxay kala hadleen xasiloonida ka jirta iyo sida ay wadamada gobolka ugala sha qayso dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka dembiyada abaabulan.

imageLabadan masuul ayaa sheegay inay dawladda Maraykanku diyaar u tahay inay door ka ci yaarto dhinaca doorashooyinka iyaga oo tusaale u soo qaatay mashruuc ay ku bixinayaan haw laha doorashada.Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Debedda oo ahaa masuuliyiinta qaabilsan arrimaha Geeska Afrika ayaa kala ahaa Peter Lord oo ah ku xigeenka Xafiiska qaabils an arrimaha bariga

Afrika iyo Stacy M. Session oo qaabilsan xafiiska Soomaalida. Weftiga ka socday Somaliland gaa r ahaan Xisbiga WADDANI ayaa hordhigay masuuliyiinta ka socotay Wasaaradda Arrimaha Deb edda Maraykanka inay xafiis diplomaasiyadeed ka furtaan magaalada Hargeisa sida dawladaha kale. Arrimaha la isla soo qaaday waxaa Iyana ku jirtay sidii doorashooyin wanaagsani uga dhici lahaayeen gobollada bari, taas oo weftiga ka socday Xisbiga WADDANI ay u sheegeen in Xisbiy ada siyaasadda, Golaha Baarlamaanka iyo xukuumadduba ay booqdeen marar is xigxigta gobolla daas iyaga oo ka shaqaynaya sidii diiwaangelin buuxda ay uga qabsoomi lahayd.

imageUgu dambayn kulanka ayaa ku dhammaaday jawi is-af-garad ah. Waxaana dhinaca Somalil and kulanka ku wehelinayey Guddoomiyaha xubno ay ka mid yihiin Xoghayaha Arrimaha Debed da ee Xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Dr. Maxamed Cali Cabdi, Xil. Cabdulqaadir Jirde, Xildhibaan Ibraahin Jaamac Reyte, Nuura Axmed Weris Wakiilka Xisbiga WADDANI ee Gob ollada Virginia, Maryland iyo Washington DC.