Guddoomiyaha Xisbiga Wadani oo gudoomay Musharixiinta Xamse Khayre iyo Eng.C/naasir Haaruun



Hargeysa (TNN):- Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada iyo aqoon yahanka Beesha deegaanka Wajaale ee Gobolka Gabiley oo ay weheliyaan Musharax Xamse Cabdiraxmaan Khayre iyo Musharax Eng. C/naa sir Haaruun Warsame, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’. Kulankan ayaa la iskula qaatay in labadan Musharax ay Xisbiga Wadani iska soo sharaxaan. Waxaanu kulankani ka qabsoomay Guriga uu Hargeysa ka daga n yahay Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cabdiraxmaan Cirro’

Sidoo kale waxa kulankan goobjoog ahaa Xildhibaan Dhagjar oo ahaa xildhibaankii hore ee Beesha ugu jiray Golaha Deegaanka degmada Gabiley ahaana Xildhibaankii ugu codka badnaa sanadkii 2012-kii guu d ahaan degmada iyo Xisbiga Waddani labadaba.

Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa u sharaxan xildhibaanada Golaha Wakiilada S/land ee gobolka maroodi jeex,Sidoo kale, Musharax Eng. Cabdinaasir Haaruun Warsame ayaa u sharaxan Gola ha Deegaanka ee Degmada Gabiley.

 



Saxafi Siciid khadar
Hargaysa somaliland