Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Dalka Tansania Kaga Qayb Ga lay Shir Caalami Ah Kulana La Qaatay Madaxweynaha Dalkaasi

Tansania (TNN):-Gudoomiya Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ka qayb galay shirka Xisbiyadda calamiga ah oo ka furmay magaalada daresalam ee xarunta Tanzania.

Shirkan oo socondona muddo laba maalmood ah ayaa faysal cali waraabe waxaa ku helinaayey masuul sare oo isaguna ka socday xisbiga ucid

Ugu horeyn Mudane kinana oo ka tirsan xisbiga ccm ee dalka tansania oo ka soo qayb-galayaas hi shirkan shirka wuxu ku soo dhaweeyey Tanzania waxanu ka sheekeeyey sooyaalka taariikh eed ee ka dhaxeeya xisbiga CCM iyo Socliast international, waxa uuna xusay in madaxwaynihii hore ee dalka Tanzania marxuum Nyerere uu ahaa dadkii aasaasay Socialist international.

Waxa kale oo ka hadlay shirka xoghayaha guud ee socialist international mudane luis Ayale wu xuuna ku nuux-nuuxsaday in waqtigii xornimo doonka loo ordayay wadamo badan oo Africa ah iyo latin Amerika iskaashigii socialist international awgeed inay ka xoroobeen gumaysiga.

Waxaan aad ugu faraxsanahay dalalkii gumaysiga ka xoroobay inay intooda badan ka tirsan yi hiin socialist international ayuu ku soo gaba gabeeyey hadalkiisii xoghaya guud ee socialist int ernational mudane luis ayale, iyadoo dawlado badanina ka hadleen shirkaasi.

Madaxwaynaha dalka Tanzania mudane Jakaya mrisho kikwete ayaa markii qadadii la gaadhay hadhimo sharafeed ku qaabilay wufuudii ka soo qaybgashay shirkaasi iyadoo qasriga madaxto oyada dalkani Tanzania looga arimiyo lagu soo dhaweeyey .

Waftiga Somaliland ee Xisbiga Calaadala iyo Daryeelka Ucid waxay fursad u heleen inay la kulm aan lana sheekaystaan madaxwaynaha dalka Tanzania waxanay ka wada hadleen xidhiidhka so o jireenka aha ee Somaliland iyo Tanzania ka dhaxeeyay, waxaanu yidhi madaxwaynaha dalka Tanzania soo dhawaada soo dhawaada Somaliland, waxay Somaliland I xasuusisaa nin aanu aad saaxib u ahayn oo lagu magacaabo Ali Sanyare markii danbena noqday wasiirka qorshaynta ee dalka Somaliland ayuu yidhi madaxwaynaha Tanzania iyadoo ay dhagaha la raacayaan dawladihii goobtaasi ku sugnaa.

Ugu danbayntii madaxwaynuhu wuxu u xilsaaray wada hadalada xisbiga cadaalada iyo daryeelk a Somaliland ee ucid iyo xisbiga ccm xogahaya guud ee xisbul xaakimka CCM Abdirahman kinana inuu daah furo sidii ay labada xisbi isu kaashan lahaayeen iyo sidii xisbiga Ucid uga faaidaysan laha khibradda gaamurtay ee xisbiga talada dalkani haya ee CCM.

Shirkan ayaa lagu qaada dhigi doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta iyo xidhiidhka joogtada ah ee xisbiyada socialist international, dimuqraadiyada, horumarka bolshooyinka dun ida xalinta khilaafaadka dhaqaalaha iyo qodobo kale gaar ahaan africa iyadoo ay ka soo qayb galeen 21 wadan oo kala ah.” Tanzania, Algeria, Angola, Somaliland, Benin, Cameroon, Chana, Greece, Kenya, Mali, Mauritius, morocco, Namibia, South africa, Swaziland, Western sahara, Lesotho, Cap verde iyo Zambia.

Gaba gabadii wufuuda ka socotay Somaliland ayaa la kulantay soo dhawayn iyo maamuus aad u heer saraysa iyago kulamana la yeeshay madaxda ugu saraysa dalka iyagoo madaxda xisbiga ucid ay si gaar gaar ah ula kulmayay wadamadii ka soo qaybgalay shirkan caalamiga ah

 


Timacade News Desk
Dar es Salaam,Tansaniya