Faisal Cali Waraabe  ayaa  la kulmay Jaaliyadda JSL ee ku dhaqan  Kuwait

Hadal kooban oo uu gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland, Mudane Saleebaan X. Firdhiye ku soo dhoweeyey dabadeed Mudane Faisel waxa uu Jaaliyaadda uga mahad naqey sida wanaagsan ee ay u qaabileen ee u soo dhoweeyeen.

"Waa markii labaad ee aan idiin imaado oo sidan oo kale aad ii maamuustaan waanad ku mahadsantihiin". Sidaa waxa yidhi Mudane Faisel.
Mudane Faisel waxa uu Jaaliyadda uga waramay arrimo badan oo ay ugu horeyso diiwaan gallintii sida guusha leh ee ay uga hirgashay dhammaan dalka JSL. "Waa Ilaah mahaddii maanta waxa Somaliland u qabsoomay mashruuc aad iyo aad u qiimo leh oo lagu faani karo. Mashruucan oo amaantiisa ay wada leeyihiin dhamaan Reer Somaliland oo dhami waa guul hor leh oo u soo hoyatay ummadda JSL.
Xisbiga UCID wuxu had iyo jeer ku doodi jiray in diiwaangallin dadka la diiwaan galiyaa ay muhim u tahay doorasho xalaal ah oo dhacda.

"Waa Ilaah mahaddii oo riyadaasu way noo rumowday. Arrintan diiwaan gallintu waa arrin ugub inagu ah, mashruuc walbana kolka u horeysa waxa dhici karta in aanu u dhicin 100%. Tiiyoo ay sidaa tahay hadana kolka hawshii diiwaan gallinta dub loo jaleeco waxad moodaa in ay aheyd mashruuc aan inagu cusbeyn. Kolka la eego sida shacabku uga qeyb qaateen ee ay isu xilqaameen. Waxa aad arkeysaa in ay dadkuba wada fahamsanyihiin ahmiyadda mashruucu leeyahay".
Mudane Faisel Cali waxa ka mid ahaa arrimaha uu Jaaliyadda u shegay arrintii qaraxyadii Hargeisa ka dhacay dhowaan.

"Ilaahay ha u naxariisto intii ku shahiiday falalkaa ay fuliyeen kuwa aan diinta Islaamka ee wanaagsan meelna ka soo gallin. Laakiin waxaad moodaa in ay baraarujin wanaagsan inoo noqotay, oo la badaley habkii aynu u dhaqmi jirnay, oo feejignaan iyo taxadir ay ina tartay. Inkasta oo ay diin ku soo gabanayeen hadana waaxa hubaal ah in loola jeeday in lagu wiiqo nabadgalyadeena oo la ina jahawareeriyo. Waxa ay aheyd fal loola jeeday in aanay diiwaangallintu qabsoomin. Waxa ay aheyd fal loola jeeday in ummaddu iska hortimaado oo qaska Somalia ka socda oo kale ka dhaco Somaliland. Iyadana Ilaah mahadii waa la iska gartay oo xumihii iyo shirqooladii ay maleegayeen oo dhan Reer Somaliland way iska garteen oo aynu ka badbaadnay".
Mudane Faisel Cali waxa uu xusay oo uu Jaaliyadda u sheegay sidii quruxda badneyd ee Reer Somaliland u dhameysatay murrankii ka dhashay dhamaadkii waqtigii madaxweynaha.

"Waxa wax Eebe loogu mahadiyo ah in dhibaato kasta iyo murran kastaa aynu wanaag ,wada tashi iyo isku tanaasul ku dhameysano.Dawlado badan oo isku sheega in ay ilbax gaadheen ayaan tan oo kale ka suura gallin.Waxa weeyi sifooyinka uu Ilaahay inagu maneystay ee aynu awoowyaasheen ,AHN,ka dhaxalnay".

Mudane Faysal Cali waxa uu wax ka taataabtay ujeedada safarkiisanu daarran yahay.

"Ka sakow xog warranka aanu siinaynoo Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan wadamada Khaliijka, waxaan safarkaeyga ka madhneyn ka dhaadhicinta qadiyadda Somaliland ee wadamada Carrabta.Waxan dooneynaa anagoo kaashaneyna aqoonta ay u leeyihiin Jaaliyadahanu in aan qaraacno albaab kasta oo aanu isleenahy wuxu wax ka tarayaa qadiyadda Somaliland.Waxa aanu jecelnahay in aanu Carrabta ka dhaadhicino oo aanu fahamsiino qadiyadda Somaliland waxa ay tahay. Waxa aanu dooneynaa in Carrabtu ogaato Somaliland in ay tahay meesha ugu istraatiijisan ee badda Gacanka Carbeed oo muhim u ah dhaqdhaqaaqa maraakiibtooda ganacsi ee ka gudbaya Canal Suez.
Waxa iyana safarkeyga ka mid ah ololaha xisbigeygu uu ugu jiro doorashada Madaxweynah Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo yari ka hadhsan tahay.Waxaan doonayaa in aanu qaadno xamlad u eg tii uu qaaday Obama oo kale si aanu ugu guuleysano hogaanka wadanka". Ayuu yidhi Md. Faysal Cali Waraabe.

Waxa isna halkaa ka hadlay oo wafdiga ka mid ahaa Xildhinaan Naasir Cali Shire. Mudane Naasir waa xubintii ugu horeyey ee golaha wakiilada ka tirsan oo safar ku yimaadda Kuwait. Mudane Naasir oo aad loo xiiseeyey hadaladiisii waxa uu isna ka war bixiyey wax qabadka golaha wakiiladda ee uu xubinta ka yahay. Mudanuhu waxa uu Jaaliyadda ka bogsiiyey walaac ay ka qabeen xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda iyo golaha wakiilada.

"Xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda iyo goloyaashu maaha sida dad badani ay u fasirtaan oo waa mid ku saleysan hab diimuqraadi ah.Waxa dadka qaarkii moodaan in uu is qabqabsi iyo iscanaad ka dhaxeeyo labadaa gole. Laakiin arrimuhu sidaa ma aha ee waxa weeyaan dimuqraadiyadda ayaa kol kolka qaarkood dadka ula eekaata in meesha murran uun lagu hayo". Ayuu yidhi Md. Xil. Naasir Cali shire.
Waxa isna hadal ka jeediyey kulankaa Mudane Khader oo ah hogaanka garrabka dhallinyarada ee Xisbiga UCID. Mudane Khadar oo la ballansan kullan kale oo isku arkaan dhallinyarada Reer Somaliland ee Kuwait waxa uu ku guubaabiyey in da' yarta oo ah mustaqbalka ummadu ay ka qeyb qataan hawlaha wadanka iyo horumarkiisa.

"Dhalinyarda waxa la gudboon in ay dadaalaan oo ay soo bandhigaan isbedel kheyr qaba oo ummadda lagu dhaqo". Ayuu yidhi Md. Khadar.


Waxa isna kulankaa ka hadlay Dr. Abdirashid Cilmi oo lecturer ka ah Jaamacadda Kuwait. Professor Abdirashiid waxa uu ku guubaabiyey wafdiga iyo Jaaliyadaba in wanaag iyo horumar lagu gaahi karo iyadoo la adeegsado cidda wax qaban kareysa. Horumarku wuxu ku jiraa in aan shakhsiga lagu qiimeyn sheegasho cid aanu mas'uul ka aheyn oo xisbi u codeyn karta.Waa in xisbiyaddu dadka u sheegaan oo ku kasbaan iyagoo ka dhaadhicinaya waxa ay ku mudan yihiin in loo codeeyo oo ay xisbiga kale kaga duwan yihiin". Ayuu yidhi Dr. Cabdirashiid Cilmi.


Gabogabadii kulankaasu waxa uu ku dhamaaday jawi wanaagsan oo farxad leh.


By: Somaliland Welfare Society, Kuwait