Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa dhan baal tacsi ah u diray  ehelada dadkii ku dhintay shilkii baabuur ee ka dhacay duleedka magaalada Gabiley

 


Ujeeddo: Tacsi

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa m adaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoysaska, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeen dad badan oo ku dhintay shil baabuur naxdin leh oo ka dhacay jidka u dhexeeya magaalo oyinka Gabiley iyo Kala-baydh ee galbeedka Somaliland maanta oo Jimce
ah 26/02/2016.

Shilkan naxdinta leh oo uu sababay isku dhac laba baabuur oo siday dad rayid ah oo sida hay’adaha ammaanku sheegeen ay dhinteen dhawr iyo toban qof, sidoo kalena ku dhaaw acmeen tiro kale oo dad ahi, waxaannu ku yahay Qaranka Somaliland khasaare culus oo ay kaga baxeen dad muwaadiniin ah.

Shilalka ka yimaada gaadiidka ee ka dhaca waddooyinka Somaliland waa aafo joogto ah oo aynu mar walba ku weyno muwaadiniin aannu Qarankan marnaba ka maarmin xooggooda, fikirkooda iyo aqoontoodaba, sidoo kalena ay ku burburto hanti muhiim ah oo waxtar u ah shacabka iyo dawladda Somaliland labadaba.

Xal-u-helida dhibaatadani, marka laga yimaad qadarka Ilaahay (SWT) waxa lagu gaadhi ka raa ku dhaqanka shuruucda waddo-marista, nidaamka calaamaha iyo dhismaha waddooyin ka ee waqtiganba lagu haywlanyahay dayactirkooda oo si dhammaystiran loo hirgeliyo.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu Alle uga baryayaa dadka shilkaas ku geeriyooday inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoysaska iyo guud ahaan shacbiga Somaliland-na uu samir iyo iimaan innaga.

 



Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE