Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboo be Oo Mar Kale Si Sharci Daro Ah Xabsiga Loogu Taxaabay

 


Hargeysa (TNN):-Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa xabsi ga loo taxaabay abaaro 11:30 duhurnimo kadib markii ay maxkamada gobolka Hargey sa ay tageen isaga iyo xoghayaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja, Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, kuwaas oo ujeedada ay maxkamada u tageen la xidhiidhay mudaynta Kiiskii Haatuf iyo Xukuumada ka dhaxeeyey.

Sida uu noo xaqiijiyey xoghayaha ururka Solja Maxamed Rarashiid oo uu telefoonka ku la xidhiidhay Tifaftiraha Haatuf Axmed Cige ayaa sheegay in isaga iyo gudoomiyaha Ha atuf ay maxkamada maanta u tageen si loo mudeeyo xiliga ay bilaabmayso dacwada l oo haysto Masuuliyiinta Haatuf iyo Garsoorihii dacwadaasi gacanta ku hayey oo ay ma suuliyiinta Haatuf hore u dureensi habka uu uga garnaqayo dacwada Haatuf kaas oo ay codsadeen in laga badalo.

Xoghayaha Solja waxa uu intaasi ku daray intii ay hawshaasi mudaynta maxkamada iy o garsoore badalka ay ku jireen oo ay kala hadlayeen gudoomiyaha maxkamada gobol ka Faysal Dhagogadho uu garsoorihii gacanta ku hayey dacwada Haatuf uu qoray waa ran qabasho ah oo lagu qabanayo Yuusuf Cabdi Gaboobe Sidaa darteedna uu ciidamad ii goobta joogay ay ku qabteen gudoomiyaha Haatuf gudaha Maxkamada loona dhaad hiciyey Xabsiga magaalada Hargeysa.

10-kii bishii May ahayd ahayd markii sidan oo kale gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha wargayskaasi Axmed Cali Cige oo si xor ah u tagay maxkama da ay si qaflad ah u qabteen ciidamadii bileyska ee la soo dhoobay kuwaas oo u dhaad hiciyey xabsiga Hargeysa laba habeen kadibna loo dhaadhiciyey jeelka degmada Gabil ey oo ay ku jireen mudo 17 cisho ah balse 27 May damiin ahaan lagu soo daayey.





Xigasho: Haatuf.Net