Gudoomiyaha Wakiilada oo ku haftay duufaanada Xukuumada


 

 



Gudoomiyaha wakiilada Mudane C/Raxmaan M.Cabdillaahi waxa muuqata inuu gudan kari Waayay xilkii loo igmaday.Lix sanno ayuu talada Golaha gardaadinayay,waxaanu ansixiyay tan iyo Manta 21 xeer.Taas ayaa ku tusaysa gaabista ku Meersan xilka aanu u qalmin ee lagula kufay.

Mudane Gudoomiye kursiga waxa aad ku timi codkaShacabka,waxa aad hogaamisaa golahii sharci dejinta,Waxa xil kaa saaranyahy oo shacabku kaa sugayay inaadIlaalinta dastoorka lagu hesheeyay xoog saartid,kanaDhawrtid cidii daaqada ka tuuraysa ee indho la’aan u Baal-maraysa.Waxa kugu waajib ah inaad fiiro u lahaatidFara-gelinta fulintu ku haysa dastoorka,maaha inaad ka Aamustid talaabooyinka baal-marsan dastoorka ee ay fulintu u badheedhay ee ka hor imanaya qodobo ka mid ah dastoorka isu keen haya,kuwaas oo ummada jihooyin Kale u hogaaminaya,dibna ugu celinaya beelaysigii lagu Goblamay.Golaha shacabku waxay matalayaan shacabka Jamhuuriyada Somaliland oo ay masuul uga yahay ilaalinta iyo daba-galka fulinta haddana intii ay dawlada Cusubi maamulka haysay waxa cad inuu golahii wakiiladu Ku milmay fulinta,waxaanu noqday hay’ad dawladu  adeegsa to.

 

Waa arrin hore leh oo soo yaalka taariikhda golaha wakiilada ku cusub,kana leexiyay waxqabadkii shacabku ka sugayay ee uu u xil saarnaa.Waxaanu hoos U dhigay masuuliyadii golaha wakiilada ee ay ummada u Hayeen,waa talaabo cummaamadii golaha wakiilada ee ay shacabku saareen dhulka dhigtay.Gudoomiye,waxa isu keen hayaa waa dastoorka,wax isku  Keen seeganina ma  jirto,Somalil andersku waxay ku maah-maahaan (Abas-guul meella ma wada joogto warna iskuma seegana).

Waxa marag ma doon ah inay fulintu ku tumatay dhawr qodob oo ka mid ah dastoorka isu keen haya,kuwii laga Sugaayay inay ilaaliyaana waa idinka,golaha aad hogaanka ka tahayna manta wuu marin habaabay oo waa taa aad waftiyadii fulintu kaga qayb-qalaysay shirarka loo qabto Somaliweyn ku milanteen.Xageed dhigteen masayrkii ummada? Waxa codka laydinku siiyay oo aad xilka u haysaan inaad rabitaanka shacabka ka tarjuntaan oo aad dastoorka ka ilaalisaan cid kasta oo isku dayda inay dastoorka fadhataystaan.



Gudoomiye haddii aad hami kacday oo aad u hanqal taagtay inaad isu sharaxdid jagada adaxweyne ee ay4sanno ka hadhay waa arrin aad xaq u leedahay balse Marka aad ku guul daraysatay hogaa minta golaha 82ka Xildhibaan, sided ugu guulaysan kartaa xilka hogaanka dalka ? Maanta xilka aad haysid anigu waxa aan urkaa Inaanu jirin meel ka saraysa oo looga gudbaa.Waxaana La yaab leh marka aad xilkaa qaayaha badan ee shacabku kuu dhiibtay aad gadaan sudhay ma waxa aad U fad hidaa inuu shacabku kugu aaminayo xilka madaxweyne! Waa ayo cida aad cod ka helaysaa ilayn

Kan gacanta kuugu jiraba waadigaa kanfay ee xabaasha Ku tuuray,kana soo garab jeestay golaha fulinta ee ahayd Inaad daba-gal ku samaysid oo aad qalooca ka qabatid.

Waxa aan leeyahay halaga daayo ummada hagardaamada iyo habaabinta lagu salaynayo danaha gaarka ah.Waxaanay Somalilandersku ku maah-maahaan(Ninkii adhiga lagala quustay ayaa geela u diraan).



Allaah ayaa mahad leh.

 

 

 

 

Xuseen Xasan Badmaax