Gudoomiyaha Ucid Oo Sheegay In Qabyaalada, Mu suqmaasuqa Iyo Cadaalad Daradu Ay Somali land Ku Noqdeen Cudurada Kansarka Iyo Macaanka

 


“Warbixintii Laga Sii Daayay Al-Jaziira Wixii Burco Bari Ka Xiga Casaan Baa La Inaga Saaray, Saxaafadana Waxaan Leeyahay Iska Ilaaliya Kalmadaha Walaweynta,Waxaa Jira Xunbo Laga Laaluusho In Aanay Ka Qayb Galin Shirarka Kooxaha Somaliya”

“Salaadinta Nairobi Ku Maqana Alle Ha Inoo Soo Hadeeyo”
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa  (TNN)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa  she egay in mushkiladaha haysta shacabka Somaliland ee ay ka mid yihiin  qabyaala da, musuqmaasuqa iyo cadaalada darada ay ku noqdeen sida cudurada  kansar ka, macaanka iyo abaaraha, isagoo intaa ku daray in salaadinta Somaliland qaar ka mid ahi ay waayadan danbe ka leexdeen milgihii madaxdhaqameedka lagu  ya qaanay, kumna tilmaamay in qaarkood laga laaluusho ka qaybgalka shirarka koo xaha Somaalia caalamku u qabt, isagoo dhinaca kalena sheegay in khilaafkii  siya asiga ahaa ee ka dhashay dibu dhaca doorashada madaxtooyada uu soo  afjar may isalamarkaana wakhtigan xaadirka ah loo diyaar garoobayo qabyo tirka  ha wlihii doorashada madaxtooyada iyo kala shaandhayntii natiijada diiwaangelintii codbixiyayaasha.

Gudoomiyaha UCID waxa uu sidaasi ku sheegay khudbad uu ka jeediyay xaflad  s halay magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley loogu qabtay caleemo saarka  bo qornimada Muxumed Geele Seed.

Gudoomiyaha UCID isagoo ka hadlaya mushkiladaha qaybyaalada, musuqmaasu qa iyo garsoor xumada ragaadiyay dalka iyo shacabka Somaliland waxa uu yidhi “Walaalayaal saddex mushkiladood ayaa dalkeenan Somaliland haysta iyo  shac bigiisaba oo inagu noqday noocyada cudurada ay ka mid yihiin kansarka iyo  ma caanka. Qabyaaladu waxay inagu noqotay sida cudurka kansarka, musuqmaasu qa ku fiday dalkeenuna waxa uu inagu noqday cudurka macaanka ee ilkaha  dad ka ka soo daadiya, cadaalad darada dalkeena ka jirtaana waxay inagu keentay abaaraha iyo roob la’aanta inagu habsatay waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu saddexdaa cudur inaga daweeyo”

Mar uu ka hadlayay gudoomiyaha UCID khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee dalka ka oognaa ee heshiiskii lixda qodob ka koobnaa lagu soo afjaray xalintiisa, waxa uu yidhi “khilaafkii ka dhashay dibu dhacadoorashada madaxtooyada ee dalkeena sida weyn u gilgilay walaalayaal heshiis ayaanu ku soo afjarnay wakhtoigan  xaa dirka ahna waxa loo diyaar garoobayaa hawlihii ka qabyada ahaa doorashada madaxtooyada sidii loo dhamaystir lahaa oo ay ka mid tahay kala shaandhayntii natiijada diiwaangelinta wixii intaa ka danbeeyana diyaar garowgii doorashada madaxtooyada ayaa loo gudbayaa e Ilaahay waxaynu ka baryaynaa inuu madax wanaagsan inoogu dooro dorashada soo socota oo ictiraafna ay nu helno  caal amka kaga mid noqono”

Mar uu ka hadlayay salaadiinta waayadan danbe ay beeluhu caleemo  saarayaa n iyo habdjhaqanka salaadiintii hhore waxa uu yidhi “walaalayaal habdhaqankii milgaha saldanada lagu yaqaanay waayadan danbe isbedel baa ku dhacay  waa gii horena salaadiinta reer Somaliland xubno tirsan bay ahaayeen oo  dhawrso on, hadase waxaad arkaysaa nin suldaana oo suuqyada sigaarka ku cabaya oo haddii uu dhaqaale waayo dawlada iska xaadirinaya waxaana haboon in beeluhu ay madaxdhaqameedyadooda ay dhaqaalahooda dabaraan, waxaana jira  wakh tigan xaadirka ah qaar ka mid ah salaadiinta oo markay maqlaan shirarka  kooxa ha Somalia doona inay ka qaybgalaan in laga laaluusho ka qaybgalka  shirarka asi, waxaanse soo jeedinayaa in salaadiintu ay dhaqankoodii iyo milgihii  salda nada lagu yaqaanay ay ku soo noqdaan, salaadiinta inagaga maqan Nairobina waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu dalkooda u soo hadeeyo”

Mar uu ka hadlayay faysal Cali Waraabe warbixin TV-ga Al-jaziira uu ka sii  daa yay dhawaan gobollada dalka Somaliland waxa u yidhi “barnaamijkaas laga sii daayay tv-ga Al-jaziira gobollada Sool Sanaag iyo Buuhoodle casaan baa laga saaray dhulka Somaliland oo waxa layna keenay magaalada Burco, iyagoo ka dhigaya wixii galbeed ka soo xiga Burco inay Somaliland yihiin arrimahaasna  wa xa u sabab ah kooxaha walaweynta Somalia oo saxaafadeena qaarkood luqadii walaweyntaasi ay qoraan oo ay ka mid yihiin wuu yiri iyo walaxaa qaraxday, iyadoo laga tagay kalmadii (dh) ee afsoomaaliga rasmiga ah lagu qoray ee  dhaq anka inoo ahayd, waxaanan shacbigeena iyo saxaafadav Somaliland-ba aan  u soo jeedinayaa inaanay kelmadaha walaweynta Somalia aanay u bedelin kelmadihii afsoomaaliga asalka u ahaa”

 



Source:Haatuf