Gudoomiyaha TELESOM Oo Sharaxay Adeega ZAAD iyo Shirar Ay Ka Qayb Galeen

 

Hargeysa(Timacade News) -Gudoomiyaha Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM Md. Cabdikarii m Maxamed Iid ayaa faah-faahin ka bixiyay shirar caalami ah oo ay ka qayb-galeen shirka d ahaan mudooyinkii ugu danbeeyay, kuwaas oo lagaga hadlayay horumarinta addeega casriga ah ee Zaad oo sahlaya in Teleefankaaga Gacanta aad ka isticmaasho lacag.

Cabdikariin Maxamed Iid waxaa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay horumarka adeegani ka geysto koboca dhaqaalaha iyo qaababka loo iticmaalo maadaama Shirkadoodu ka hirgalis ay Somaliland, waxana uu haddalkiisa ka bilaabay oo uu yidhi. “Shirarkaa caalamiga ahaa ee is dabajooga ahaa waxay ahaayeen ujeedaddoodu in laga shiro addeegyada Lacagta e e lagu qabto Mobile-ka, shirkii hore waxa lagu qabtay magaaladda Dubai ee isutaga  imaar aadka Carabta, kii labaad-na waxa lagu qabtay Filipino, magaaladda Manila. Ka hore aniga ayaa ka qayb galay iyo Ingineerkii sameeyay nidaamka addeega ZAAD ee aanu ku  shaqay no, ka laabaadna waxa ka qayb-galay Maamulle ku xigeenka shirkadda Telesom Maxamed Xaaji Aadan (Xadeed) iyo madaxa suuq-geynta Maxamed Isaaq Cilmi” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha TELESOM oo shalay u waramay BBC-da, waxaana uu intaa ku daray oo uu shirkaddaha ka qayb-galla shirarkan iyo waxa uu yahay waxaana uu yidhi. “Shirarkani waa unug ay leeyihiin shirkadaha ka ganacsadda adeega Lacagaha ee Mobilka, boqolaal ayay ka kooban-yihiin shirkaddaha ka qayb-galaa.”

Mudane Iid waxa uu faah-faahiyay qaybaha shirkaddaha oo uu tilmaamay, in ka sokow shirkaddaha sida Telesom oo kale ah ee ku shaqeeya in shirarkaa ay ka soo qayb-galaan shirkadaha sameeya agabka iyo nidaamka lagaga shaqeeyo. “Waxaan Addeega lacagta ee Mobillada waxa isticmaala 4 Bilyan dad ku dhaw caalamka. Hal Bilyan oo dadkaas ka mid ahi waxay u isticmaalaan oo ay u adeegsadaan Mobilka lacagta, waana la garan karraa  culays ka dad intaa leeg oo Mobile ku isticmaalaya lacag ay leeyihiin. Markaa, waxaa ujeedada iyo gundhiga shirku ahaa in la isku weydaarsaddo wixii horumar ah ee yimi iyo carqaladddaha ka hor yimi adeeg-bixiyayaasha ama sidii loo hormarin lahaa adeega.”

Cabdikariin waxa uu sheegay in ka qayb-galka shirarkan ay ugu sugnaayeen faa’iidooyin. Islamarkaana ay ku faraxsan yihiin shirkad ahaan inay hore ugu diyaar-garoobeen qodobo badan oo lagu soo qaado shirarka caalamka. “Waxaa kale oo aanu ka soo faa’iidnay, nida amkan dawliga ah ee caalamku aadka ugu ad-adagyahay ee wadamadu ay jecel-yihiin in la sameeyo oo ah lacagtan la iskugu xawillo sida sharci daradda ah oo aanu anagu markii horaba ka sii taxaddaray, Islamarkaana aanu u sameynay qof walba nidaam dhameys tiran iyo Foom uu buuxinayo oo gaadhsiisan illaa cidda dhaxalkiisa leh maadaama oo ay wixii dhaqaale yihiin. Anaga oo kala mid ah shirkadaha caalamiga ahi qaabka ay u dhigeen.”

Cabdikariim Maxamed Iid waxa uu sheegay in nidaam ahaan qaabka ay TELESOM ahaan is-ticmaalaan ka hurumarsan yahay inta badan shirkaddaha ku shaqeeya addeegan. “Tiknoolajiga aanu isticmaalaa waa USSD. Aad ayaanu u horumarsan yahay marka la eego nidaamka ay isticmaalaan inta badan shirkaddaha kale oo ah SMS.”Sidaas ayuu yidhi  gudo omiyaha TELESOM waxaana uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Adeegani waxa uu sahlayaa inay dadku Lacag isu diraan, wax ku kala iibsadaan, ama qofku ku bixiyo Biilka Laydhka, Iskuuladda Caruurta iyo inay dadku lacag ku qaadan karaan kuna bixin karaan, runtii  wadd amada qaar waxay gaadhsiiyeen in dawladaha iyo shirkaddahu shaqaalahooda  mushah arka ugu qaybiyaan….Marka la eego waddanka si weyn ayaa hadda loo isticmaalaa ilaa 25% ayaa dadka Mobilada TELESOM sita isticmaala waanay soo kordhayaan maalinba maalinta ka danbaysa.”

Waxaa uu sheegay Gudoomiyuhu in adeegani si guud uga qayb-qaadanayo kobaca  dhaqaa laha waddanka. Islamarkaana, waxaa uu cadeeyay in dhawaan ay sameyn doonaan Bangi Islaami ah, taasoo uu sheegay in dadka markaa Isticmaala ZAAD ay u fududayn doonto inay ku xidhmaan Xisaabaadka ay ku yeelanayaan Baankaas iyo guud ahaan adeegyadda dhaqaalle ee dunida.



Source:
www.geeska.net