Gudoomiyaha
Somaliweyn ha noolaato Cismaan Abokor,oo u Jawaabay Ina
Maygaag

Cismaan Abokor
LA MOOD NOQONSE WEYDAY
JAWAAB: DHAMBAALKII IBRAAHIM MEYGAAG SAMATAR
Maqaalkan kooban waxa aan kaga
jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraahim
Meygaag Samatar oo ka mid ahaan jiray hormuudkii siyaasiyiinta
Soomaalida ee sanadihii 70aadkii iyo 80maadkii.
Sideedaba shakhsi ahaan dhaqankayga maaha in aan ka jawaabo aragtida
dadka kale qabo, laakiin maanta laba sabababood dartood waxa aan
go'aansaday in aan ka jawaabo meerisyo ku xusan dhambaalkan odayga
ka yimi. Ta koowaad ra'yiga Ibraahim maaha ra'yi dadweyne ee waa
dhambaal, farriin iyo leeb mariid leh oo ku socda shacabka, sababta
oo ah Ibraahim maaha qof shicib ah wuxu horgal u ahaa intii ummadda
soomaaliyeed iskuulada ugu hor gashay, sidaa darteed waa ishii ama
darkii ay dadweynuhu ka dhaansan lahaayeen. Ta labaad Ibraahim waxa
uu jebiyey xeerkii siyaasiyiintii hore ee da'diisa oo sheekadii
dadka dhegta loo saari jiray ayuu qoray, miyaad aragtay weligaa
siyaasi fikirkiisa qoray. "Wixii la qoraa quruumo hadhee muxuu hadal
qiimo leeyahay".
Dhambaalkan Ibraahim Meygaag uu ugu magac daray Halka aan taaganahay
"Where I stand" wuxu ku qorraa luqadda Ingiriisiga, laakiin anigu
waxan ugu jawaabayaa Af-Soomaali maaddaama 90% dadkaygu aanay af
ingiriisiga wada fahmin.
Inta aynaan jawaabaha u tegin waxa mudan in aan caddeeyo xurmada iyo
tixgelinta weyn ee aan u hayo adeerkay Ibraahim Meygaag, laakiin
qaddarintaasi iga reebi mayso in aan daah furo gol-daloolooyinka ku
jira dhambaalkiisa oo toos u taabanaya masiirka dadkayga.
Qaybta koowaad ee dhambaalku wuxu ka hadlayaa "Somali Unity"
Midnimada Soomaaliyed. Ruug caddaageennu wuxu ayidayaa,
sharciyaynayaa, aqoon-sanayaa, isla markaana cuskanayaa qaybintii,
qoqobkii iyo duulaankii gardarada ahaa ee gumeysiga. Weliba waxa
intaa u dheer in taariikhdii gumeysigaa laftiisa uu xagga hore,
xagga dhexe iyo xagga dambeba ka jarayo, waxa intaa ka sii daran
isaga oo erayo isku macne ah laba af ku kala sheegaya sida
Somaliland, Somalia iwm.
Sadarada macnaha gudban samaynaya ee ku jira dhambaalkan waxa ka mid
ah:
· Somaliland being treated as simply a backyard province rather tan
a country"
· After the military coup a slow process of reclonizing Somaliland
by Somalia began
· To unite all Somalis and their territories became impossible.
· Even though Somaliland, before 1960, had more economic trade and
other relations with Ethiopia
· Clanism can be a good tool for peace, reconciliation and progress
Inta aynaan macnayn hawraarahan aan la' liqi karin sida aan kor ku
soo xusay ruug caddaagu wuxu indhaha ka lalinayaa Soomaalidu waxa ay
ahayd gumeysiga ka hor, illeen shalay maynu dhalane waxa marag ma
doonto ah in Soomaalidu ahayd hal qoys oo ceella ka wada cabba,
calafkana wada cuna, xeer iyo xannaana leh, gu'giina is dila,
jiilaalkiina heshiiya. Waxa kale oo marag ma doonto ah in gumeysigu
ahaa awood dhul ballaadhsi oo aan Soomaalida dalxiis iyo daawasho
ugu iman ee danihiisa gurracan fushanayey. Taana waxa marag u ah
mag-dhowgii balaayiinta doollar ahayd ee wiiggan Talyaanigu siiyey
Liibiya si uu uga raalli geliyo gumeysashadii uu gumeystay. Waxa
kale oo Ibraahim Meygaag isaga oo og is diidsiinayaa in Ingiriisku
xukumi jirey Koonfurta, Talyaaniguna mar xukumi jirey woqooyiga,
dhulka loo yaqaan Jubbaland ay inta badan ku jireen gacanta
Ingiriiska.
Haddaba haddii aynu dib ugu noqonno hawraarihii aradnaa ee aynu ka
soo qaadannay dhambaalkii Ibraahim Meygaag. Kow, ta ugu horraysa ee
uu ka hadlay ee ah in xilligii dowladihii rayidka reer Woqooyiga
loola dhaqmay sidii gobol ee aan loola dhaqmin sidii dal. Dabcan
arrintaas waxa diidaya in 9kii sano ee dowladihii rayidka 3 sanadood
oo ka mid ah uu Ra'iisal Wasaare ahaa Maxamed Ibrahim Cigaal oo
dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolada woqooyi, isla markaana ahaa
Ra'iisal Wasaarihii ugu takri falka badnaa ee soo mara Soomaaliya. U
malayn maayo in sed uu ka qaaday Ina Cigaal gobollo ka tirsan jihada
woqooyi uu siiyey gobollo ka tirsan jihada Koonfureed.
Waxa kale oo Ibraahim inoo sheegay in markii inqilaabkii milaterigu
dhacay ay bilaabantay in Soomaaliya dib u gumeysato Somaliland.
Horta waxa naxdin ah erayga (Soomaaliya) oo ay ku dhaataan isirka
Soomaaliyeed oo dhan nin aqoon yahan ahi uu siiyo dhowr gobol, si
kasta oo la isugu hayo Yaman, Ethiopia iyo Russia qof waliba wuxu ku
dagaalamayaa magaca, laakiin ma garanayo sababta Profaysarku dhowr
gobol u siiyey magacii Soomaaliyeed oo dhan. Erayga Somaliland-na
qof waliba wuu og yahay in qaybtii talyaanigu gumaysan jiray ee
Soomaaliya la odhan jiray Italian Somaliland, qaybtii Ingiriiskana
British Somaliland, qaybtii Faransiiskana French Somaliland. Haddii
taa laga gudbo oo aynu u raacno sida uu u jeedo oo ah jihada Woqooyi
iyo jihada Koonfureed ee Soomaaliya, waxa naxdin leh in Ibraahim
Meygaag qoraalkiisa ku bilaabo waxa aan dowladdii askarta wasiir ka
ahaa 9 sano oo macneheedu yahay waxan qayb ka ahaa dhammaan wixii ay
saxday iyo wixii ay khaladdayba, haddana uu yidhaahdo dadka deggan
jihada koonfureed ee Soomaaliya ayaa bilaabay in ay gumeystaan dadka
deggan jihada woqooyi ee Soomaaliya. Inaga oo weliba og in 15kii
sano ee ugu horreysay ee xukunkii askarta siyaasiyiintii Ibraahim ka
mid ka ahaa ee ka soo jeeday jihada woqooyi ee Soomaaliya hayeen
xilalka ugu culus ee wax lagu gumeeyo sida: Laba Madaxweyne ku
xigeen (Gen. Ismaaciil Cali Abokor iyo Gen. Axmed Saleebaan Dafle),
wasiirka Arimaha Gudaha (Gen. Jaamac Maxamed Qaalib), Wasiirada
Arimaha Dibadda (Cumar Carte, Jengeli iyo Qaybe), Wasiirka
Gaashaandhigga (Gen. Axmed Xasan Muuse), NSS-tii Jibriilkii reer
Qalloocan iyo wasiiradii awoodda badnaa ee ay ka mid ahaayeen
Galaydh, Siilaanyo, Rabiile, Laxwas, Cismaan Jaamac illaa laga soo
gaadho ra'iisal wasaare Maxamed Xawaadle. Oo intiinaas oo dhami ma'
waxa aad doonayseen in aad gumeysataan dadka dega gobolada woqooyi.
Midda kale waxa jira shacab kale oo Soomaaliyeed oo dega gobalada
dhexe oo rajiimkaa aad ka tirsanaydeen wax yeello la mid ah tii
woqooyiga u geystay weliba intii aad wasiirka ahayd, iyagana miyaa
gumeysanayseen. Profaysar waxa ay ila tahay in arrinku aanu gumeysi
ahayn ee uu ahaa xukun kala maroorsi ama ragow rag iskaraw. Haddii
aan ka kharibay oo ruug caddaagu u jeedo hal reerbaa la
dhibaataynayey, waa dood fiican oo wax laga garan karo taasi.
Inkasta oo markaa taasi meesha ka saarayso magacyada gobolada ama
jihada woqooyi ha jireen ama jihada koonfureed ha jireene oo ay
noqonayaan qabaa'illo Soomaaliyeed oo is dilayey sidii ay isu dileen
qabaa'ilka wada dega Woqooyiguba sanadihii sagaashanaadkii oo dhan.
Oo Profosayrku waa naga maqnaaye aannu 1994kii illaa 1997kii iyaga
oo aan reer Boorame iyo reer Baydhabo toona noo iman aannu anagu
haddaanu reer Hargeysa nahay is dilaynay, magaaladuna haawanaysay.
Taasina waxa ay meesha ka saaraysaa erayga koonfur baa woqooyi
gumeysanaysay ee Ibraahim farta waaweyn ku qoray. Sagaashan sano ka
hor Gabayaagii Gammuute wuxu yidhi "Dalka waanad joogine tolkaa waa
dagaalamaye, malahay adiga dabadaa rag badan buu dugaag cunay"
Qodobka saddexaad qoraaga dhambaalku markii uu ka hadlayey suurta
galnimada midowga ummadda Soomaaliyeed wuxu isticmaalay erayga
impossible oo ah calaacal tima ka soo bexeen. 18kii May sanadkii
1999kii Maxamed Ibraahim Cigaal wuxu fagaaraha khayriyadda ka yidhi
50 sanona ha qaadatee Soomaaliyi mar uun way isu iman doontaa waanay
midoobi doontaa. Waqtiga ayaynu u deynaynaa labadaa hawraarood ta
rumowda inkasta oo Napoleon Bonaparte hore u yidhi impossible is a
word to be found only in the dictionary of fools. Oo macneheedu
yahay kelmadda suurta gal ma'aha (impssobile) waa kelmad laga helo
qaamuusyada dadka ma'kasta ah.
Profaysarku waxa kale oo uu inoo sheegay in aynu xorriyadda ka hor
Ethiopia xidhiidh la' lahayn ee aynaan Soomaalida xagga Koonfureed
inaga jirta xidhiidh lahayn, mudane arrintaas Faysal baa kaaga
horreeyey oo ceebi ka raacday ee maad iska deysid. Midda kale
xidhiidh ganacsi gartay, ee tolow waa maxay xidhiidhida kale (other
relations) ee Xabashida inaga dhaxayn jiray ee aad sheegaysaa,
malahay isku Gobolo Woqooyi ayaynaan ka hadlayn.
Ibraahim Meygaag mar uu dhambaalkiisa kaga hadlayey in qabyaaladdu
weji fiican leedahay ama ay tahay soodh laba af leh oo marna wax
lagu dhiso marna wax lagu dumiyo. Ma garanayo profaysarku meesha uu
ka eegay ee wanaagsan ee qabyaaladdu leedahay. C/Laahi Suldaan muu
ahayn profaysar, manuu ahayn siyaasi ruug caddaa ah, manuu soo marin
wasiir iyo ambaasaddoor, dal aan Soomaaliya ahayn muu arag
noloshiisa, inta badanna wuxu ku qaatay dhul beereedka u dhexeeya
Jifo-Mici dheer iyo Caadda haddana wuxu gartay in qabyaaladdu tahay
hooyada burburka waxaanu yidhi DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMISO
MOOYAANE.. Ibraahim Meygaag Samatar oo leh taariikh nololeedka (CV)
ugu culus siyaasiyiinta Soomaalida aqoon, waaya aragnimo iyo
ilbaxnimo isna wuxu yidhi "clanism can be a good tool for peace,
reconciliation and progress" oo macneheedu yahay reernimadu (qabyaaladdu)
waxay noqon kartaa qalab wanaagsan oo loo isticmaali karo nabadda,
dib u heshiisiinta iyo horumarka. Haddii aan kala xukumo labadaa
hawraarood shaki la'aan waxa xaq ah ta Timacadde, sababta oo ah
waxay waafaqaysaa xadiiskii rasuulka (C.S.W) ee ahaa "Dacuuhaa
fa'innahaa muntinna" oo macneheedu yahay iskaga taga qabyaaladda way
uraysaaye.
Arrinta dhaqaalaha ee Ibraahim k hadlay waxba ka odhan mayo, fikrika
the Third Way ee Ibraahim ayidayna waxa asalkiisa iska lahaa
Profaysar Anthony Giddens, waana fikirkii ay ku shaqeeyeen
dhammaadkii 90aadkii Ra'iisal wasaarihii hore ee ingiriiska Tony
Blair iyo Madaxweynihii hore ee Brazil Fernando Henrique Cardoso.
Laakiin Ibraahim waxan xusuusin lahaa ummadaha barnaamijyadan loo
sameeyey in aan miisaaniyaddoodu ahayn 25 milyan oo dollar oo ah
miisaaniyadda hal iskuul oo hoose (Primary) oo ku yaalla Bariga
London, ee loo baahan yahay si dhaqaale qorshaysan loo abuuro in dad
la' raadiyo oo indhaha iyo caqligaba kor loo qaado.
Ugu dambayntii adeerkay Ibraahim Meygaag wuxu deggan yahay magaalada
Tokyo oo ay habeenkii u soo hoydaan illaa iyo 15 milyan oo ruux, hal
maayarna xukumo, ma garanayo aragtida siisay Soomaalida oo dhan oo
marka la isku wada daro 5 milyan ah in uu 5 dal u qaybiyo, La mood
noqonse weyday.
Waxa Qoray
Gudoomiyaha Somaliweyn ha is raacdo
Cismaan Abokor
London
heemaal@gmail.com
Haddii aad u baahan tahay faahfaahin ku saabsan xisbiga HA NOOLAATO
ee Cismaan Abokor gudoomiyaha ka yahay kala xidhiidh
hannoolaato@gmail.com
La soco
Gudoomiyaha Somaliweyn oo saxaafadda
Gedo Iyo Garbo Haaray
adeegsanaya
|