Gudoomiyaha Qurbajooga Yurub Cabdiraxman Cali Ubaxle Ayaa Safar Wacyi-gelin ah Ku Soo Gaadhay Wadanka Denmark Kuna Sii Jeeda Wadamo Kale Oo Yuruba

 


Kobenhagen (TNN) Jan.15, 2013 - Gudooomiyaha Qurbajooga Somaliland ee EU Md. Abdirah man Ali Ubaxle ayaa safar shaqo oo ku salaysan wacyi gelinta Qurbajooga Somaliland ee Y urub ku oo gaadhay Wadanka Denmark Caasimadiisa Copenhegan, Gudoomiyuhu wuxuu ka qayb galay kulan soo dhoweyn ah oo jaaliyada Denmark u samaysay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Md. Cabdo Axmed Ayir oo ku sugan iminka wadamada Yurub kulankan oo sidoo k ale lagu soo casumay Safiirka Somaliland ee wadanka Sweden Rooda Jama Cilmi.

Kulankan soo dhoweynta Gudomiye Cabdo Ayir ayaa u dhacay si qurux badan, iyadoo Gudo miyaha Gobolka Togdheer uu si qoto dheer uga waramay xaalada Somaliland guud ahaan g aar ahaana gobolka togdheer. Isaga oo shacabka Togdheer ku amaanay isku duubnaantoo da iyo wadajirkooda, sheegayna in aan la'aantood wax badani u qabsoomeen. Waxa uu gu domiyaha Togdheer sheegay in Gobolka Togdheer uu yahay gobolka keliya ee si isku duubn aan ah ugu horayn ugu doortay Maayarada Degmooyinka, gudoomiyuhu wuxuu sheegay in muddadii uu joogay gobolku ku talaabsaday horumar balaadhan.

Waxaa iyana kulanka qudbad qiimo badan ka soo jeedisa Safiirka Sweden Rooda Jama Cilmi iyadoo ku dheeraatay qiimaha dalkeena iyo sida aynu ugu baahanahay in aynu isku duubn aano una ilaashano qarankeena, wixii khilaaf siyaasadeed ahna aynu ku xalilo wadajir iyo lexejeclo aynu dalkeena iyo dadkeena u muujino. Dhinaca kalena waxay jaaliyada ku dhiiri gelisay in fasaxyada lagu tago dalkeenii oo horumar balaadhan gaadhay.

Guddoomiyaha Qurbajooga Somaliland ee Yurub Cabdiraxman Cali Ubaxle ayaa jaaliyada sii yey warbixin weyn oo xiiso badan, isagoo faahfaahin ka bixiyey sida loogu baahan yahay i sku xidhnaanta jaaliyadaha Somaliland ee qurbaha, gaar ahaana kuwa degan wadamada yurub. Guddoomiye Ubaxle wuxuu yidhi: haddii aynu isku xidhnaano waxaynu qaban karnaa wax badan oo aynu dalkeenii u qabano iyo wax badan oo aynu innagu wada qabsanoba, gu ddoomiye Ubaxle wuxuu jaaliyada u gudbiyey fariin uu siday oo ahayd tan ku keliftay safar kan shaqo ee uu ku wareegayo wadamada Yurub, isagoo yidhi waxaan jaaliyadaha la soco dsiinayaa in sanadkan bisha May 18 ay inoo qorshaysan tahay in xarunta Baarlamaanka Yurub ee Bruselles Biljam ay isugu yimaadaan qurbajooga Somaliland ee wadamada Yurub, si aynu qadiyadeena ugu hiilino. Markaa waxaan leeyahay jaaliyaduhu ha isu sii diyaariya an sida ay maalintaas ugu huri lahaayeen qadiyadeena.

Guddoomiye Ubaxle wuxuu yidhi annaguna masuuliyiin ahaan waxaanu ka sii hawl geli doon aa sidii ay inoogu suurto geli lahayd arintani, isagoo sheegay in Jaaliyada Somaliland ee S hafeild UK ay codsigaas inoogu gudbiyeen bishii Oktober 2012, xili ay kulan la qaateen xub no ka mida baarlamanka Yurub xaruntooda Bruseles, balse aanu dhamaystirkeedii wadi do ono. Waxa kale oo uu Ubaxle sheegay inay suurtogal tahay in wadahadaladii Somaliland & Somaliya ay sii socdaan, masuuliyiin Somaliland ka socdaana ay yimaadaan UK. Markaa ay nu xaggaana ugu diyaargarowno, in aynu xilliga jaaliyado ahaan la inoo baahdo isu soo bax la garab istaagno masuuliyiinta inoo meteli doonta wadahadaladaas. Arimahan oo jaaliyad u aad ugu riyaaqday balan adagna ku qaadeen inay garab taagan yihiin qarankooda diyaa rna u yihiin is barbartaaga qadiyad kasta.





Maxamud Ismacil
Jaaliyadda Somaliland Copenhegan