Gudoomiyaha
Kulmiye Oo Shaaca Ka Qaaday In Ururka Al-Shabaab Uu Yahay Cadowga
Somaliland In Loo Aa neeyo Xisbigoodana Ay Tahay Gef Iyo Meel Ka
Dhac
“Xisbiga Udub Markuu Waayey Miciin Kale Ayay Yidhaahdeen Kulmiye Al-Shabaab
Buu Ku X id han Yahay, A-lshabaab Oo Aynu Ognahay Inay Cadowgeena
Tahay In La Isku Eedeeyaa Waa Ayaan Daro”
Axmed Siilaanyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Hargeysa December 9, 2009 (Timacade News ) - Guddoomiyaha xisbiga
Kulmiye Axmed Ma xamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa shaaca ka
qaaday in ururka Al-shabaab uu yahay cad owga Somaliland,
khatar weyna ku hayo xasiloonida iyo degenaanshaha dalka iyo guud
ahaanba mandaqada Geeska Africa, kaas oo ku tilmaamay mid ayaan daro
ah in xisbigooda loo aaneeyo ururka Al-shabaab inuu ka mid yahay,
isagoo intaa ku daray in dhawaaqii dha waan ka soo yeedhay
guddoomiyaha ololaha iyo abaabulka Doorashada ee xisbiga UDUB
Cismaan C/llaahi Cigaal (Hindi) uu ahaa mid ayaan daro ah oo gef iyo
meel ka dhac ku ahaa qaranimada iyo karaamada shacabka Somaliland.
Waxa kale oo uu Axmed Siilaanyo xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo
xisbiga UDUB ku eedeeyey markii ay ku fashilantay xilkii loo igmaday
ay xisbigooda Kulmiye eedo uga dhigt ay inuu ururka Al-shabaab
ee argagixisada ah ay xidhiidh gacan saar la leeyihiin, Waxa
ka le oo uu Axmed Siillaanyo cadeeyay mawqifka xisbigooda ee ku
aadan xidhiidhka Somaliland iyo dawladaha deriska ah oo uu tilmaamay
in xisbigoodu aaminsan yahay xidhiidh wanaa gsan in lala
yeesho dalalka Itoobiya, Jabuuti, Somalia iyo guud ahaanba mandaqada
Geeska Afrika.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu
shalay khudbad ka jeed inayey xaflad soo dhoweyna oo
xisbigoodu u qabtay dhalinyaro iyo haween xisbigooda ku soo biiray
oo lagu qabtay Hotelka Summar Time ee magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo
dhalinyaradaasi iyo haweenka ku soo biiray Xisbigooda khudbad u
jeediyay, ayaa jawaab kulul kaga bixiyay hadal uu dhawaan xisbigooda
Kulmiye uu ku weeraray guddoomiyaha ololaha ee xisbiga UDUB Cismaan
C/llaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo sheegay in xisbiga Kulmiye ay ku
jiraan rag loo tuhunsan yahay in xidhiidh gacan saar ay la leeyihiin
Alshabaab.
Guddoomiyaha Axmed Siillaanyo ayaa waxa ka mid ahaa khudbadii uu ka
jeediyey madash aaasi “Walaalayaal kulligiinba dhalinyarada ku
soo biirtay KULMIYE ee ka soo digo-rogatay UDUB, aad iyo aad ayaanu
idiin soo dhawaynaynaa, si fiican oo sharaf leh iyo qalbi furan
ayaanu idinku soo dhawaynaynaa. Ku soo dhawaada oo ku soo biira
Walaalihiin, ku soo biir a Xisbiga KULMIYE, ku soo biira
Xisbiga Mustaqbalka. Dariiq hagaagsan, horumar, horukac,
dimuqraadiyad iyo wada-jir ku soo biira. Waa naga niyad
soo-dhawayntaasi.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, waxaanu intaa ku
daray oo uu yidhi, “In badan baad Siyaasadda Xisbiga ka maqli
doontaan Warbaahinta, Af iyo Qoraalna laydinku siin doonaa.” Waxaanu
sheegay in Xisbiga KULMIYE xidhiidh wanaagsan la yeelanayo waddamada
deriska ee ay ka mid yiihi in Jabuuti, Itoobiya iyo Koonfurta
Somalia, isla markaana wuxuu xusay in barnaamijkooda ay ku jirto
sidii Dekedda Berbera looga dhigi lahaa mid Caalami ah, waxanu
sheegay siyaas ada arrimaha dibada ee uu xisbiga kulmiye ku
talaabsan doono, waxanu ka dhawaajiyey oo uu yidhi “mawduuca aan ka
hadlayaa waxa weeye mid la xidhiidha siyaasada xisbiga Kulmi
ye ee arrimaha dibada ayaan idinkala hadlayaa sababtu waxa weeyaan
dalkeenu muddo badan ayuu madax banaanaa, wadan ahaa cagihiisa ku
taagan dad dadaalaya lahaa dhiba a tooyin, halgan dheer loo
soo galay, dimoqraadiyad bilaabay deegaanka iyo mandaqada
xasiloonadeedu iyo deganaanshaheedu aad iyo aad u liito ka muujiyey
xilkasnimo iyo wad ajir ayaynu maanta doonaynaa inaynu
mustaqalkiisa kaga midho dhalino, ilaa maanta wax yaabo aan u
arko in maamulka jiraa ku guuldaraystay ama ku fashilmay waxa ka mid
ah, ilaa saacadaa aynu jogno in horumarkii aynu ka filaynay in
dunidu hore usoo dhaqaaqdo oo ina ictiraafto qaybo badan oo ka mid
ahi ama horumar inagu taageerto ama siyaabo kale oo badan wax inoogu
qabato oo aynu bulshada dunida ka mid noqono inaynaan arrintaa ku
guulaysan ee waxyaabaha aa ay ku fashilantay dawlada maanta jirtaa
ay ka mid atahay ayaan qirsanahay oo aan aaminsanahay” ‘hadaba
waxaan maanta cadaynayaa in dawla deenu ama xisbiga talada
hayaa markuu miiciin kale waayay wixii aynu meel uga soo wada
jeednay qalo la’aan inagoo wadajira oo waxa qudha ee aynu ka
midaysanahay uu akaa ahaa nabadgelyada iyo jiritaankeena inay maanta
yidhaahdaan xisbiga Kulmiye waxa uu ku xidhan yahay Al-shabaab,
Cismaan Hidndi waa maqasheen maalintii dhoweyto waxa ka soo yeedhay
ayaan darida weyn inagoo wada og Al shabaab khatarta weyn ee ay
inagu hayso oo hore ay wax inoogu fashay oo ficilkeedii aynu ogayn,
culimaa’udiin, dhalinyaro iyo axsa aba aynu ka midaysanahay oo
cadow inoo tahay in la yidhaa Kulmiye ayaa ku xidhan waa ayaan daro”
sidaasi ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
sidoo kale, waxa munaasabadaasi ka hadlay Madaxa Ololaha Doorashada
ee Xisbigaasi u qaabilsan Gobollada Galbeedka Eng Baashe Cabdi
Gaboobe Masuuliyiintii, ayaa sheegay in Xisbigoodu ballan-qaadayo in
uu Dhalinyarada Siyaasadda ugu ogolaado 25 jir, isla markaa na
bilaa lacag ka dhigayo Waxbarashada Dugsiyada sare.
waxa isna munaasabadaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee Xisbigaasi
Keyse Xasan Cige oo Xukuumadda ku eedeeyay in ay ka baxday
Heshiiskii ay Axsaabtu hore u galeen oo uu xusay inay ka mid tahay,
in Axsaabtu ay u sinnaato Warbaahinta Dawladda. “Telefishanka iyo
Idaacadda Dawladda waxa ka socda Barnaamijyada UDUB iyo
Borobagaandaheeda, lagamana sii daayo Barnaamijyada Mucaaradka,
taasina waxay ku tusaysaa inay jebisay Heshiiskii la galay.” Ayuu
yidhi Xoghayaha guud ee KULMIYE.
Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdilaahi (Xamarji)
oo isna halkaa ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa,
“Xisbiga KULMIYE waxa yaala wada-tashi ee waanu idin soo
dhawaynaynaa, ee soo dhowaada walaalayaal”
xubnihii munaasibadaasi ka hadlay, waxa iyana ka mid ahaa
Guddoomiyihii Garabka Dhalin yarada ee Xisbiga UDUB Muj
Jimcaale Maxamed Ciise oo sheegay in Xisbiga lagu khasaaray
islamarkaana dadka qaar wali ku sii jiraa moodayaan xisbi jira,
tilmaamayna in Udub yahay meel aan dad ka dhaxayn, balse shakhsi
kaliya iyo doonistiisa loo adeegayo, waxanu yidhi “cida moodaysa
Xisbiga udub inuu jiro waxaan u sheegayaa inaanu ahayn mid jira ee
waxa la raali geliyaa shakhsi kaliya, Jug Soo dhacay iyo Cimaan
Hindina waxay la mid yihiin habaar qabayaashii Afweyne lugooyay oo
kale”
waxa kale oo halkaas ka hadlay Xoghayaha Dhalinyarada ee Xaafadda 26
June iyo Xogh ayaha Degmada Daarasalaam ee Xisbiga UDUB iyo
xubno kale oo dhammaantood sheegay inay ka soo baxeen UDUB, kuna
biireen KULMIYE.
Source:Haatuf
|