Gudoomiyaha Komishanka Oo Ka Noqday Qoraal Uu Xilka Iskaga Casiley

 

Iyo Madaxweyne Rayaale Iyo Xisbigiisa UDUB Oo Is-hortaagay Heshiiska Qabyo-Tirka Doorashada

Qaadhaan-Bixiyeyaasha Oo Ku Adkaystay Inaanay Wax Lacag Bixinayn Ilaa La Fuliyo Shuruudihii Ay Hore U Soo Jeediyeen


Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden) ayaa la sheegay inuu ka noqday qoraal uu iskaga casiley maalintii shalay xilka gudoomiyenimo iyo xubnimada Komishanka  dooras hooyinka, taas oo sida la sheegay u gudbiyey xubnaha kale ee  Komisha nka, kadib markii uu ku guul-daraystay isku-day uu doonayey inuu  Madax weyne Riyaale ku qanciyo in xisbiga UDUB ee uu gudoomiyaha u yahay uu saxeexo heshiishka anshaxa doorashooyinka (Code of conduct) ee ay axsaabta iyo Komishanku ku wada-shaqaynayaan xilliga doorashada.

Inkasta oo warka is-casilaada iyo ka noqoshada toona komishanku aanay si rasmi ah u sheegin, haddana sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ku dhawdhaw Komishanka doorashooyinka, iscasilaada  gudoom iyaha Komishanka ayaa ka timid dedaal ay toddobaadkii u dambeeyay ay wadeen Komishanka iyo xisbiyada, kaas oo la doonayey in lagu wada  sax eexo xeerka anshaxa iyo dhammaystirka hawlaha qabyada ka ah geedi-socodka hawlaha doorashooyinka ee la rabo inaanay dib uga dhicin  wakh tigii loo cayimay ee 27-ka September, iyadoo sida la sheegayo xisbiga  UD UB oo maalmihii u dambeeyay ka war-wareegayay inuu saxeexo isla  mar kaana ogolaado qodobada heshiiskan, kaas oo geba-gabadiisii shalay loo balansanaa inay xisbiyada iyo komishanku qallinka ku wada-duugaan.

Hase yeeshee xisbiga UDUB ayaa kulankii shalay loo balansanaa ka baxay isla markaana aan ka soo qayb-galin, taas oo keliftay inuu gudoomiyaha Komishanku ula af-baxo Madaxweyne Riyaale oo isla markaana ah  gudoo miyaha xisbiga UDUB inuu ogolaado saxeexa heshiiska xeerka anshaxa, iyadoo uu heshiiskani ka mid yahay qodobada ay shuruudda uga dhigeen hay’adaha ka socda dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda bixinta 75% kharashka doorashada Madaxtooyada ku baxaya.

Laakiin sida warku sheegay Madaxweyne Rayaale ayaa gaashaanka ku dhuftay soo-jeedinta gudoomiyaha Komishanka Jaamac Sweden, taas oo uu gudoomiyaha UDUB u sheegay inaanay sinaba u aqbali doonin qodobada shardiga laga dhigay, waxaanay taasi keentay in Jaamac Sweden uu qoraal uu xilka iyo xubnimada Komishanka u gudbiyo xubnaha kale ee Komishanka.

Hase yeeshee sida warku tibaaxay dedaal ay ka galeen xubno ka socday dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xubno Komishanka ka tirsan ayaa isla shalayba ku guulaystay inay Jaamac Sweden ku qanciyaan inuu dib uga noqdo go’aanka is-casilaadda ah.

Inkasta oo aan la ogeyn sababta uu uga noqday Jaamac Sweden  go’aa nkiisii is-casilaadda, haddana waxay wararku tibaaxeen in lagu qanciyey in arrintani ku haboon tahay in xubnaha Komishanku mawqif isku mid ah ka wada-qaataan oo ay isku wada-casilaan haddii ay axsaabtu dhakhso u ogolaan waayaan qodobada hortaagan in la sii daayo lacagta loogu deeqay doorashooyinka Somaliland.

Dhinaca kale, wakiilada Midowga Yurub (EU) ee Somaliland ayaa kulan ay la yeesheen Axsaab qaranka iyo Komishanka waxay u sheegeen in aan la soo daynayn lacagta kharashka doorashada ee ay bixinayaan Midowga Yurub iyo dalalka kale ee Somaliland doorashooyinka ka taageera, ilaa laysla wada ogolaado shuruudihii ay hore ugu xidheen, taas oo ay axsaabta Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE soo dhaweeyeen kuna aqbaleen, balse xisbiga UDUB uu ilaa hadda ka cago-jiidayo qodobo ka mid shuruudahaas oo ay ugu waaweyn yihiin wax ka bedelka Komishanka, sameynta guddi xeer-beegti ah oo ka garnaqda muranada doorashooyinka iyo saamiga lacagta ay xukuumaddu ku bixinayso doorashada inay ku shubto sanduuq-xisaabeed gaar ah (account) iyo Baan madaxbanaan, si loola socda dhaqdhaqaaqa xisaabeed isla markaana uu baadhi karo hanti-dhawre madax banaan.

Kulankan Axsaabta iyo Midowga Yurub ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii ay komishanku warqad u qoreen xafiiska Nairobi ee guddida  maa musha deeqda la siiyo Somaliland, taas oo ay kaga dalbadeen in loo soo daayo kharashkii ku baxayay doorashada Madaxtooyada, hase yeeshee masuuliyiinta qaadhaan-bixiyeyaasha u jooga Nairobi ayaa taas kaga soo jawaabay qoraal ay bishan lixdeedii soo gaadhsiiyeen Komishanka, waxaanay qoraalkooda ku sheegeen in aan waxba iska bedelin  go’aan koodii ahaa in aanay wax lacag ah bixinayn ilaa la dhammaystiro fulinta shuruudihii ay hore ugu xidheen.

Si kasta ha ahaatee, arrintan ayaa u eg mid ku soo ururtay in carqaladda keliya ee hortaagan heshiis laga gaadho qabyo-tirka hawlaha  dooras hooyinku ay tahay xukuumadda Rayaale oo ay iyada waajib ku ahayd inay tabantaabiso isla markaana dabada ka riixdo hawlaha suurto-gelin kara inay doorashadu wakhtigii loo cayimay ku qabsoonto, isla markaana ay fududayso shuruudaha ay lagu xidhay dhaqaalihii doorashada lagu qaban lahaa maadaama aanay xukuumaddu tahli karayn inay kelideed dhabarka u ridato kharashka doorashada ku baxaya.

Hase yeeshee waxay dad badani arrintan u arkaan in ay tahay keliya mid ay xukuumaddu kaga war-wareegayso doorasho dalka ka dhacda, isla markaana ay cimri-dherer ka dhiganayso inay wakhtiga ku lumiso muran iyo is-jiid-jiid aan dhammaad lahayn si loo gaadho wakhtigii muddo-kordhinta guurtida la horgeynayey.

 



Haatuf