Gudoomiyaha iyo Xoghaya Guud ee Ururka Qurbejoogta Yurub ee SL oo xalay ka dhoofay Heathrow

 

 

London (TNN)-Waxaa xalay Garoonka diyaaradaha ee Heathrow ka duulay Gudoomiyaha U rurka Qurbejoogta Yurub ee reer Somaliland (EASD) Marwo Saafi Faarax iyo Xoghaya guud Md Siciid A Ducaale iyagoo u kicitimay Somaliland,si ay uga qayb qaataan daddaalka bees ha caala mka iyo Qurbejoogtu ugu jiraan in Doorashooyin Xor ah oo cadaalad ahi ka qabs oomaan Jamh uuriyada Somaliland oo la rajaynayo in 28/11/2012 ay reer Somaliland codk ooda ka dhiibtaan doorashada Golaha Degaanka.

Madaxda EASD ayaa martiqaad rasmi ah ka helay Jamhuuriyada Somaliland iyagoo wakiil ka n oqon doona Qurbejoogta Yurub iyo ACP (Association Cultures & Progre's) oo fadhig oodu yah ay Biljam.Waxay goobjoog ka noqondoonaan maalinta codbixinta iyagoo isha ku hayndoona ha bsami u socodka iyo xalaalnimada doorashada golaha deegaanka,waxaana ku wehelindoona goobjoogayaal badan oo kasocda Beesha Caalamka.

Markay Doorashada iyo Maxsuulkeedu soo baxdo waxaa laga rajaynayaa inay war cad ka soo saaraan siday doorashadu u dhacday,waxaa sidoo kale warbixin ka sugaya ACP iyagoo sidoo kale magaalada London ku qaban doona kulan ay qurbejoogta Yurub ee reer Somalil and uga xog warami doonaan sidii doorashadu u dhacday.
 

 


press secretary (EASD)
sleudiaspora@gmail.com