Gudoomiyaha guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe)

 

ayaa sheegay in Golaha Guurtidu hore go'aamo uga soo saarey muranka deegaan u dhexeeya Baki iyo Gabileyoo todobaadkan mar kale shaqaaqo ka aloosantay. Islamarkaana waxa uu sheegay in arrintaas deminteeda haatan lagu hawllan-yahay.

Xaaji Cabdi-kariin oo shalay u waramay Laanta Af-soomaaliga ee Idaacada codka Maraykanka ee VOA, waxa uu Golaha guurtida ka fogeeyay inay wax eed ah ku leeyihiin, jiitanka arrintan, waxaana uu ku dooday in arrintaas hore go'aamo looga soo saaray. "Guurtidu arrinkaa hore ayay u dhameysay..

Waxa soo celiyay Ilaahay Xukunkiisa iyo dadka shicibka ah ee kala hagaagi waayey." Sidaas ayuu yidhi Xaaji Cabdi, waxaana uu intaa ku daray oo uu kaga jawaabey su'aal laga weydiiyay in arrinka ay ku dhameeyeen ahaa gar madaxsalaax iyo muslax ah ee aan ahayn Xukun oo uu yidhi. "Maya, waxa lagu dhameeyey Xukun baa lagu dhameeyey... Maaha arrinta la isku hayaa arrin siyaasadeed intaan ogahay ee waxa la isku hayaa goob yar oo aan badneyn ayaa la isku hayaa...." Sidaas ayuu yidhi.
Xaaji Cabdi waxa uu sheegay in waqtigan Ciidamo kala duwan, saraakiil Xukuumada ka socda iyo Guurtiduba ku hawlan-yihiin sidii arrintan loo soo af-jari lahaa. Waxaana uu tilmaamay in muranka arrintani muddo dheer soo jiitameyay, Islamarkaana waxa uu ka gaabsadey inuu sheego goobta la isku hayaa dhinaca ay raacsantahay labada Degmo ee Gabiley iyo Baki. "Su'aashaas jawaabteeda ma lihi oo waxa go'aanka leh Xukaamta."Ayuu yidhi.

Xaaji Cabdi waxa la weydiiyay in weerarka todobaadkan dadku ku dhinteen uu ahaa mid ka yimi meel ka baxsan deegaanka, waxaana uu kaga jawaabey oo uu yidhi. "Waxay illa tahay, inaan cidi dibada kaga iman ee ay dadka meesha wadda degan uun ahaayeen." "Waxaan filayaa inay si wanaagsan ku dhamaaneyso arrintani"Ayuu raaciyey.
Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu sheegay in aanu war ka hayn in ilaa hadda falka ugu danbeeyay ee dhacay cid loo xidhay iyo in kale, hase ahaatee, waxa uu u soo jeediyay dadka walaalaha ah ee deegaankaasi inay dantooda Gartaan, Islamarkaan hanaan nabadeed iyo wadda hadal lagu dhameeyo arrinka.

Dhinaca kale, Shirgudoonka Golaha Guurtida ayaa la sheegay inuu 15 xubnood oo ka tirsan Golahaa u magacaabay dhexdhexaadinta iyo deminta xiisada deegaanka Ceel-bardaale. Sida uu xalay Wargeyska Ogaal u xaqiijiyay Suldaan Ismaaciil Sul. Cabdiraxmaan, ahna xubin ka tirsan Golaha Guurtida, 8 xubnood oo ka mid ah ergada Guurtida ayaa xalay ku hoyday degmada Gabiley, isla markaana la filayo in xubnaha ka dhimani maanta gaadhaan halkaas. Sul. Ismaaciil waxa uu sheegay in marka ergadu isu soo dhamaato ay gudo geli doonaan hawshooda dejinta xiisada deegaankaas oo u dhexaysa laba beelood oo halkaas wada dega. Wuxuuna bulshada iyo wax-garadka ku dhaqan halkaas ugu baaqay inay ergada Guurtida hawshooda gacan ku siiyaan, si loo soo afjaro arrintaas.

Golaha Guurtida ayaa hore go'aan uga gaadhay muran-dhuleedka deegaankaas labada dhinac isku hayaan oo u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki, kaasoo sida la sheegay aan ka dhaqangelin dhinaca Xukuumadda, iyadoo dagaal salka ku haya muranka deegaankaas oo dhul-beereed u badani uu doraad dhexmaray labada dhinac, kaasoo laba qof ku dhinteen, sideed kalena ku dhaawacmeen

 

 


Ogaal