Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sool oo Xilkii Si ramsi ah ula Wareegay iyo Wacdarahii Madasha:-




 


Laascaanood (Timacade News)-Xafladii xilwareejinta Gudoomiyaha Cusub Ee gobolka Sool Faarax ASkar Xuseen Iyo Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Maxamuud  Ax med Ex- Gudoomiyihii hore Ee gobolka Sool ayaa maanta waxay ka dhacaday Xarunta Maamulka Gobolka, Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxgarad Cuqaal, Garaado oo uu ka mid yahay Garaad Cabdi Rashiid Garaad Ismaaciil Ducaale iyo Masuuliyiinta gobolka Heer gobol iyo mid Degmo.

Munaasibadii Xil wareejinta Ayaa lagu bilaabay sida caadada ah qadar aayadaha  qur aanka kariimka ah kadibna waxaa laguda galay furaataankii xaflada waxaana ugu  hor ayntii ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka sool ahaana sii hayaha Gudoomiyaha, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay in dhamaan bulshada ku dhaqan gobolka sool ay  taage eraan nabada meelna looga soo wada jeesto ninka xumaha wada.


sidoo kale waxaa ka hadlay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool Maxamed  Saleeba an Gooni wuxuuna sheegay in ay soo dhaweynayaan Boolis ahaan Gudoomiyaha cusub isagoo Taliyuhu sheegay xusay inay tan u waheliso gaadiid loo keenay Booliska oo uu sheegay inay gaadiid yari haysatay, taana uu aad ugu faraxsanyahay.


Waxaa kale oo hadlay Taliyaha Ciidanka somaliland ee u qaabislan hubka iyo rasaasta Mr. Doolaal Faarax Cawaale ee jiida hore ee laascaanood wuxuuna taliyuhu ku  dheer aaday la doonayo in shacabka magaalada iyo ciidanka dagaal la dhex dhigo kaas oo ay ka war hayaan dad war xumo tashii ahina ay wadaan balse aysan dhici doonin  wuxu una taliyuhu sheegay in Idaacadaha iyo bag-yada qora waxaan jirin ay sumcadooda ilaa shadaan kana waan toobaan waxaan jirin inay daabacaan.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Cali Qamar oo ah odayaasha ruug cadaaga ah Ee Bulshada Deegaankan ahna nin si weyn looga yaqaano deegaanada SSC, Cali wuxuu sheegay in cida ka shaqaynaysa qabyaalada iyo xumaha ay ku halaagsami doonto isga oo  maah maayo iyo murtiba halkaasi ku soo bandhigay ku wajahan in la ilaaliyo darisnimo  wada aga la iskana ilaaliyo wixii bulshada dhib ku keenaya.


waxaa kale oo ka hadlay Garaad Cabdi Rashiid Garaad Ismaaciil Ducaale Garaadka  ay aa hadalkiisii ku bilaabay soo dhaweynta Badhasaabka cusub wuxuuna Garaadka ku xusay in nabad buuxda taalo magaalada Laascaanood iyo dhamaan gobolka sool  gar aadka ayaa sidoo kale halkaasi ka soo jeediyay khudbad dheer oo ay ka mid tahay in la taageero dhalinyarada ha ahaato dhinac shaqo dhinac sport, iyo Horumar bulshada gobolka.


Waxaa ka hadlay oo kale Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Mxamuud Axmed Cali Sandule oo tibaaxay in wakhtigii uu badhasaabka ka ahaa magaalada laascaanood ay wakhti adag ahayd balse Gudoomiyaha cusub uu helay jaanis aad u wanaagsan kaas oo ku timaamay fursad dahabi ah maadama xilgii uu gudoomiyaha ahaa ay ka duwan tahay, wasiirka ayaa halkaasi k wareejiyay xilkii Gudoomiye isaga oo sheegay In  Gudo omiyaha cusub uu bil magacaabnaa balse ay hada la soo gaadhay xiligii xil wareejinta waxa kale oo u wasiirku halkaasi ku qabshay gaadiidka Booliska oo maanta halkaasi ay yaalen ilaa 4 gaadhi oo laba ay cusub tahay iyadoo 3 ka mid ah loo kala qaybshay  sal dhigayada magaalada halka mid ka mid la siiyay Degmada Yagoori Wasiirka ayaa  xu say in Degmo kasta ay heli doonto gaadhi u gaar ah,


ugu danbayntii waxaa ka hadlay Badhasaabka cusub Faarax Askar Xuseen wuxuuna tibaaxay in uu si weyn ugu faraxsanayahy sida munaasibadan looga soo qaybgalay wuxuuna balan qaaday inuu la shaqayn doono bulshada gobolka sool isaga oo  tilmaa may in maamul ahaan gobolka uu u baahanyhay wax qabad loona diyaar yahay, Gudo omiyaha iyo wasiirka ayaa socod ku soo maray laamiga dheer ee magaalada  laasc aanood iyaga oo muujinaya in Laascaanood tahay meel amaan ah xasilooni buuxdana ka jrto.


 


Isse Cabdisamed Axmed
Timacade News Desk
Lasanod Office