Gudineey haddaan gobolkay kugu jirin
imaad goyseen.
Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maanqashiyo ciil leh
Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liita
Markuu adiga sharaftaad mudnayd, kaa maroorsado’e
Erayadii Abwaan Cabdilahi Dhodan.
Qoraalkaygan waxa aan isku
dayayaa inaan wax kaga idhaahdo talaabooyinka aan loo dulqa
adan karin ee uu kacayo wasiirka caafimaadku Cabdi Haybe.
Talaabooyinka Maamul Xumo ee uu ku kaco Wasiirku Caafimaadku Wakhti
yadan danbe oo aan lasoo Koobi karin Bal aan dhawr farta ku godo.
1. Ugu horeyn waxa shaqadii uu ka joojiyay agaasimihii guud ee
cusbitaalka Hargeisa kaas oo aanu isagu awood u lahayn inuu shaqada
ka eryo maadaama labdoodaba laga soo magacaa bay madaxtooyada.
2. Ta labaad waxay tahay markii uu si ula kac ah oo badheedha
shaqadii ka fadhiisiyay 11 dha khtar oo ah dhakhaatiirtii
dalka ugu wanaagsanayd kuna yidhi kama hawl gali kartaan
cusbit aalada dalka taas oo dhabarjab ku ah caafimaadka dalka oo
idil, dhakhaatiirtaas oo iyagu ah aa kuwo lagu soo hirto oo
aanu mad madaw ku jirin kaalinta ay kaga jiraan Caafimaadka dalka
iyo kor u qaadidiisaba.
Markii hadaba ay xukuumaddu ka
gaabisay arimahaa qaran dumiska ah ayay maantana geyay siisay
Wasiir Haybe inuu Agaasimihii guud ee wasaaradda caafimaadka ku
yidhaahdo shaqadii waan kaa fadhiisiyay isagoo og inuu agaasinka
hay’addu tahay halka ay kala socdaan arimaha wasaaraddu ama si kale
aan u idhaahdee iyadoo uu agaasimuhu yahay waaxda ugu mihiimsan
hay’ad dawladeed sababtoo ah waxa arimaha kala wadaa waa agaasimaha
ee maaha wasiir ka, iyadoo laga dharagsanyahay inuu wasiirku
yahay jago siyasadeed ( political post) haba y aratee aan wax
aqoon ama xirfad ah u lahayn hawlaha caafimaadka ee uu faraha kula
jiro.
Hadaba waxaan leeyahay wasiirka caafimaadka wasiir hadaan gobolkay
kugu jirin imaad goy seen, taas oo aan ka wado haddii aanad is
lahayn waxa kuu soo baxday dhakhaatiir cusub oo ay soosaareen
dhakhatiirtaad manta shaqada ka fadhiisisay lamaad hadli karteen.
Hadaba sida iska cad waxa uu
wasiirka caafimaadku ka dhiganyahay sidii wiil yar oo is cimri
de dajinaya, waayo waxaad si khariban u isticmaashay awooddii aad
qaranka u haysay taas oo jawaabta kaliya ee lagaa bixin karaa ay
tahay in maxkamad lagu soo taago oo waliba lagugu qaado dambiyada
culculus ee aad sida dhayalka ah aad u galayso.
Mubarak Ahmed Obolos
Hargeisa,
Somaliland |
|