Gudigigii Qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga
Udub oo la magacaabay
Xisbiga Udub ee talada dalka haya
ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay guddigii Qabanqaabada
Shirweynaha Xisbiga kuwaasoo ka kooban Kow iyo tobon xubnood
Gudigan ayaa waxa Gudoomiye u ah M/weyne Ku xigeenka
Somaliland,waxaana Xubnaha kale yihiin Shan ka mida Golaha Wasiirada
iyo Shan ka mid Gudiga Fulinta ee xisbigaasi,waxayna kala yihiin
magacyadoodu sidan.
1-M/weyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin…Gudoomiye.
2-Wasiirka Hawlaguud
3-Wasiirka Macdanta iyo Biyaha.
4-Wasiir u dawlaha Arimaha Gudaha.
5-Wasiir ku xigeenka Warfaafinta.
6-Wasiir ku xigeenka Qorshaynta.
7-Cismaan Garaad.
8-Maxamuud Cabdi Malow.
9-Rashiid X.C/llaahi.
10-Cumar jaamac Faarax.
11-Mr.Xabad.
Waa markii u horeysay Xisbi xaakimku si Rasmi ah ugu dhawaaqo inuu
qabsado shirweynihii Xisbiga ee lagu dooranayay Musharaxa M/weynaha
iyo Ku xigeenka ee isu taagaya Tartanka doorashada Madaxtooyada ee
qabsoomi doonta dhowaan.
Arintan ayaa waxay ku soo beegantay Todobaad ka dib markii uu
geeriyooday Xoghayihii Guud ee Xisbiga UDUB,Alla haw naxariistee
Maxamed Ismaaciil Bulaale,islamarkaana aan wali cid kale loo
magaacibin Jagadaas.
Sidoo kale waxa iyana soo biiray xubno ka mid ah Xisbiga Udub oo
miisaan ku lihi ay ku dhawaaqeen inay u Taagan yihiin Musharaxiin M/weyne
Iyo Ku xigeen kuwaasoo sheegay xisbiga dhexdiisa inay ka
tartarmidoonaan.
Waaxa si weyn indhaha loogu hayaa sida ay u dhacdo ama lagu kala
saaro Xubnaha xisbiga ka tirsan ee ku tartami doona Jagooyinka M/weynaha
iyo Ku xigeenka,kuwaasoo noqondoona Musharaxiinta Rasmiga ah ee
Xisbiga ee isku soo taagi doorashada Madaxtooyada ee sanadkan 2009.
Waa Xisbiga kaliya ee sadexda Xisbi Qaran aan wali Shirweynahoodii
Qabsan.
Kayse A.Digaale
Kdigale@yahoo
|