gudiga doorashooyinka ( GDQS ) iyo axsaabta qar anka jsl oo la kulmay deeq-bixiyayaasha

 


Waxa maanta shir ku wada yeeshay Gudiga Doorashooyinka Qaranka, Axsaabta Qaranka iyo Deeq-Bixiyaasha Magaalada Addis Ababa oo ay u tageen Tababar ku saabsan doorashada. Kaa oo ay marti qaadkiisa fidisay Dawladda Ingiriisku.


Deeq Bixiyaashu waxay ka soo kicitimeen Magaalada Nairobi iyaga oo ka koobnaa Dawladaha USA, Sweden, Norway, Switzerland, UK iyo EU, dhammaantood waxa la isku yidhaahdaa, "Democratization Steering Committee", waxayna Somaliland ka taageeraan dhinaca doorashooyinka iyo Dimoqraadiyada. Waxa ugu horeyn  halk aa ka hadlay George Mark oo madax ka ah xafiiska EU-da Somaliya iyo Somaliland, waxaanu sheegay inay si buuxada u taageerayaan doorashooyinka Somaliland. Waxa kale oo ay deeq-bixiyaashu hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in la siiyo Gudiga Doorashooyinka Qaranka waqti ku filan oo ay kaga baaraan degaan doorashooyinka (Reasonable time).


Waxa isna halkaa ka hadlay ninka ku xiga xafiiska siyaasadda QM u jooga Somaliya Nayrobi kuna xiga Wakiilka QM u jooga Somaliaya. Waxaanu sheegay inuu war  bix in gaadhsiin doono Madaxa Qaramada Midoobay Mr. Baan Kii Muu arrimaha  Somali land. Waxaanu qiray in dadka Reer Somaliland yihiin kuwo awood u leh in ay  xalliy aan khilaafkooda. Waxayna tusaale u yihiin Gobolka Geeska oo dhan.

Waxa isna halkaa ka hadlay Jerry Mc Ccan oo ah madaxa Hay'adda Interpeace oo sheegay inay ku noqonayaa wada shaqayntii ay la lahaayeen Komishanka  Qaran ka, halkaas oo uu sheegay inaanay ahayn wax laga xishoodo in la qirto khaladkii dhacay, kana raali gelieen Xukuumada Somaliland, madaxweynahana gaadhsiiyey raalin buuxda.


Waxana iyana halkaa ka hadlay Gudiga Doorashooyinka Qaranka ( GDQS ) oo ka  c odsaday beesha Caalamka in lagu taageero hawshooda. Gudigu waxay kaloo  she eg een in loogu dulqaato waqtiga doorashada oo aanay hadda u hayn dhaqaale, diyaarna aanu weli ahayn serverkii, una baahan yahiin inay tababaraan  shaqaal aha doorashada ka hawl geliya.


Waxa iyana halkaa ka hadlay xubnaha ka socdey Axsaabta Qaranka oo sheegay  i nay diyaar u yihiin inay la shaqeynayaan Komishanka. Waxayna sheegeen in  Kom ishanku u baahan yahay in loo daayo hawshooda ha ahaadeen axsaabta iyo bee sha caalamkaba.


Waxa wefdiga caawa soo dhoweyn ugu sameeyey guriisa Safiirka Dawladda Sweden u jooga Addis Ababa.

 

 


Cumar Jaamac Faarax
Addis Ababa