Gudidii Agabar oo cod aqlabiyad ah Muuse Biixi ugu doortay musharaxoodda Xisbiga Kulmiye

 

 

Hargeysa (TNN):-Gudidda Horumarinta beelaha Sacad Muuse ee lagu soo doortay Shirkii Hoodaale ee ka dhacay magaaladda Agabar ee gobolka Gabiley, ayaa Muuse Biixi Cabdi u doortay in uu noqdo Musharaxa beeshaasi uga tartamaya jagadaa Madaxweyne ee Xisbiga kulmiye ka dib marka Madaxweyne Siilaanyo u dhamaysto.

Fadhi socday ilaa Subaxnimadii Salaasadda soona gabogaboobay Galabnimadii ayaa Guddidu cod ku kala saartay Saddexda Musharax ee isku beesha ah ee doonaya inay Xisbiga Kulmiy e uga tartamaan jagada madaxweynenimo oo kala ah Mujaahid Muuse Biixi Cabdi,Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Gudidaasi oo ka koobnaa 25 xubnood waxaa fadhiga joogay 24 xubnood, waxaana u codee yay inuu Muuse Biixi Noqdo Musharaxa beesha ee Xisbiga Kulmiye 14 xubnood,halka 7 xubn ood u codaysay Cabdicasiis Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis, waxaana aamusay 2 Xubno od.

Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo hore u damcay inuu la tartamo Madaxweyne Siilaanyo ayaa laga reebay, waxaana haatan u diyaar ahaa inay Xisbiga Kulmiye kula dhex tartama an Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale oo isku dhinac ah.

Si kastaba ha ahaatee Go’aanka guddida ka soo baxay ayaan la Ogayn sida uu u noqon do ono mid hir galay iyadoo wararka qaar sheegayaan in Xubnaha wasiirada taabacsani ka cadhoodheen Xulashada Guddida ee Muuse Biixi.