Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilda,Oo Warbixin Ku Saabsan Hawlihiisa Shaqo Ka Dhageystay Su,aalo Kala Gadisana Ka Weydiiyay Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Somaliland
 

 


waxaanu ku guulaysanay maalgashi aanu ka doonaynay mudo badan Midawga Yurub", Wasiir ka Macdanta iyo Biyaha


Hargeysa (TNN) Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaalle ayaa war bix in dheer oo ku saabsan shaqadda uu u hayo qaranka, waxa uu siiyay Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilda, Wasiirku waxa uu sheegay in uu ku guulaytay intii uu xilka hayay in uu wax w eyn ka qabto arimaha Biyo Balaadhinta Dalka, waxana uu intaasi ku daray in uu sameeyay hab lagu maal gashan karo Wakaaladaha Biyaha Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama iyo Cee rigaabo, waxana uu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlayaa “waxaanu ku guulaysanay maalgashi aanu ka doonaynay mudo badan Midawga Yurub, Anaga oo muddo Sanad ah na daba soconay iyada oo maalgashigaana lagu samayn doono Wakaalada Biyaha Hargaysa ,Burco ,Boorama ,C eerigaabo, Afartaa Magaalana Waxaa loo qaybin doona Lacagta lagu maal galinaayo, Lacagta n oo Gaadhaysa 27,000 Milyan iyada oo Qaybata ugu badana loogu tala galay wakaalada Biha Hargaysa.

Wasiirku waxa uu sheegay in uu ku guulaystay intii uu xilka hayay in uu wax weyn ka qabto a rimaha biyo yaraaneed ee haystay qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee Dalka, waxan a uu tilmaamay in ay sii wadayaan arimahan ilaa ay dalka wadda gaadhsiin doonaan biyo ku f ilan.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaalle Waxaa kale oo uu sheegay in ay dalka iman doonaan Guddi ka s ocota Midawga Yurub Todobaadada Soo socda iyaga oo ku dhawaaqi doona Mashaarcii Biyo Baaldhin oo laga hir galin doono Dalka, islamaarkaana la bilaabi doono Mashaariicdaasi.

Ugu Danbeyntii waxa Wasiirka Su,aallo kala gadisan ku babay Xildhibaanadda Gudida Joogtada ah Golaha Wakiilda, waxana ay si isku mid ah u weydiiyeen waxyaabaha u qabsoomay iyo wax aan u qabsoomin, tan iyo intii uu xilka wasiirnimo hayay.
 

 


Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office