Gudida Horumarinta Beesha Galbeedka io Waqooyiga Gabiley oo ku Baaqay In Sharciga La Horkeeno Gacan Ku Dhiiglayaashii Dilka Seemaal.


 

 

 

Gudida horumarinta beesha galbeedka iyo waqooyiga Gabiley ayaa dawladda ugu baaqay in si deg deg ah sharciga loo horkeeno cidii ka danbaysay dilkii foosha xumaa ee sadexda nin lgu khaarajiy ay deegaanka Seemaal.



Guddida waxay cambaareeyeen talkaasi waxshinimada ah ee lagu dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ay ka tacsiyadeeyeen qoysaskii iyo eheladii ay ka bexeen sadexdaasi nin ee gardarada lagu dilay iyagoo Marxuumkana Illaahay uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii ay ka bexeena samir iyo iimaan ka siiyo.



Gudiddu waxaanay balan qaadeen inay la shaqaynayaan oo gacan ka siinayaan cidkasta oo ka sha qaynaysa nabadgalyada iyo wada daganaashaha deegaankaasi, iyagoo ka digay wax kasta oo ka la kaxaynaya isla markaan sii hurinaya colaada labada beelood ee walaaha ah.



Baaq nabadeedkan oo ay soo saareen 33 xubnood oo ku jira Gudida Horumarinta Beesha Galbeedk a iyo Waqooyiga Gabiley, isala markaana uu nasoo gaadhsiiyay afhayeenka Gudida C/raxmaan She ekh Cilmi Faahiye (Shamax) isagoo dhamays Tirana waxaa uu u qornaa sidan:



“Annagoo ah Gudida Horumarinta ee Galbeedka iyo Waqooyiga Gobolka Gabiley waxaanu cambaar aynaynaa falkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal. Laguna dilay sadexda qof aan waxba galabsan. Waxaan halkan tacsi uga diraynaa eheladii, qaraabadii iyo dhamaan dadka reer Somalialnd ee ay ka bexeen sadexda marxuum. Waxaanu ka codsanaynaa dawlada inay si degdeg ah u hor keento cadaalada ciddii gaysatay falkaa foosha xun. Waxaanu halkan baaq nabadeed uga soo jeedinaynaa dadka walaalaha ah ee dhal iyo dhasheeda, wiil iyo abtigii ah in wixii dhibaato ah ee dhextaal ay ku dhamaystaan wadahadal nabadeed. Waxaanu ka digaynaa wax kaso oo dadkaasi walaalaha ah kala fogaynaya, nabad-ku-wada noolaashohoodana wax u dhimaya sida hadallo aan habboonayn oo la isku mariyo warbaahinta. Haddii aanu nahay gudiga baaqan soo saaray waxaanu halkan ku caddaynaynaa inaanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno cid kasta oo danaynaysa nabadgalyada labada beelood ee Gabiley iyo Dila.”



fMagacyada Liiska Gudida ee Soo Saaray Baaqan Waxaa ka mid ah:



Xasan Cabdi Jibriil (Gudoomiye)

Maxamed Isaaq Cilmi

C/raxmaan Sh. Cilmi Faahiye

Sh. Xasan Maxamuud Yoonis

Mustafe Aadan Cali

Maxamed Cabdi Qalinle

Haaruun Nuux Ceelaabe

Jaamac Faarax Maxmed

Maxamed Cabdi Cabdilaahi

Eng. Jaamac Cabdi Axmed

Sh. Barkhad Isaaq Barre

Cabdi Xaaji Xasan Abraar

C/naasi Aw Cali Sahal

Eng. Yaasiin Yuusuf Khaliif

Prof. Mustafe Ismaaciil Ceelaabe

Sh. Mustafe Daa,uud Nuur

Dayib Muxumed Nuur

Xaashi Cabdilaahi Xuseen

Caqli Maxamed Caqli

Maxamed Muxumed Jaamac

Xasan Mataan Cumar

Yuusuf Aw Siciid Qaalib

C/raxmaan Muxumed Axmed

Yuusuf Xasan Cali

Eng. Cumar Cismaan Miigane

C/laahi Xuseen Miyir

C/fataax Aw Nuur Aamin

C/casiis Sh. Faarax Nadiif

C/raxmaan Ibraahin Wacays

Maxamed Xasan Warsame

Aadan Maxamed Kaahiye

Cumar Muxumed Maax

Yaxye Araarse Aamin