Gudida Guud Ee Beelaha Ciidagale Oo Ka Warbixiyay Qaabkii Isdiwaangalintu Uga Dhacday Deegaanada

 

Kulan Balaadhan oo ay maanta iskugu yimaadeen Aqoonyahanka, Odayaasha, Cuqaasha, Salaadiinta, Boqorada, Waxgaradka, Dhalinyarada, Ururada Bulshada iyo xubno ka tirsan saddexda gole ee xukumada kaga jira Beelaha Ciidagale oo maanta warbixin guud ka dhagaystay Gudida Guud ee beesha.

Kulan oo Maanta ka dhacay Hudheelka Star ee Magaalada Hargeysa ayaa ahaa mid siweyn loo soo agaasimay, iyadoo Guddoomiyaha Gudida Guud ee beelaha Ciidagalena kaga warbixiyey madashaas gol-daloolooyinkii ka soo baxay qaabkii komishanka doorashooyinku u maamulay hawshii diwaangelinta ee Gobolka Maroodi-jeex iyo gobolka Gaaroodiba.


Guddoomiyaha Gudida Joogta ah ee Beelaha Ciidagale isla markaana ah Guddoomiyaha Gudida Guud ayaa madasha kulanka ka akhriyay Bayaan uu ku saxeexan yahay oo udhignaa sidan.

“Sida aad la wada socotaan, waxa ka qabsoomay Gobolka Maroodi-jeex mudadii u dhaxeysay 1-6/12/2008 diwaangelintii Somaliland oo ay beeshuna ay ka mid tahay.

Sidaa awgeed waxa aanu halkan idinka soo gudbinaynaa arrimahan hoos ku xusan.

Xiligii Diyaargarowga:

1-Guddidu muddo ayey ku jirtay u diyaar garowga ku saabsan arrimaha diwaangelinta.

2-Waxayna ka bilaabeen inay wacyigeliyaan dhamaan shacbiga beelaha Ciidagale miyi iyo magaalaba.

3-Guddidu waxay ugu baxeen deegaanada ay degaan beeluhu safaro kala duwan, oo xanbaarsan u jeedada iyo nuxurka ka danbeeya diwaangelinta, taas oo dhalisay kidhihii looga baahnaa.

Caqabadihii Mudadii ay diwaangelintu socotay:

Diwaangelintu waxay si rasmi ah u bilaabantay wakhtigii uu komiishanka doorashooyinku ugu talagalay oo ahayd 1/12/2008, oo ahayd inay socoto muddo lix maalmood ah. Nasiib-daro maalintii kowaad wax la taaban karo olo ka qabsoomay deegaanada ay beeshu ay degto may jirin, Sidoo kalena ay tahay sidan hoos ku xusan:

1-Diyaar garowga Komiishanka oo liitay.

2-Qalabka diwaangelinta oo dhamaan cilado kala duwan lagala kulmay.

3-Dhalinyarada ku shaqeynaysay qalabka oo in badan oo ka mid ahi khibrad u lahayn qalabka ay Is-ticmaalayeen, iyo khilaaf ka dhex abuurmay kooxaha qaarkood taas oo hakisay habsami usocodka hawsha.

4-Komiishanka qaranku ma siin shidaal iyo qalab ku filan goobaha diwaangelintu ka socoto. Waxa jiray Is-gaadhsiin la’aan ka jirtay meelaha aanay gaadhin telefoonada Shirkadaha Madaxa banaan, komiishankuna aanu waxba ugu talagelin. Dhaliilaha aanu kor ku xusnay oo ah waajibaadkii komiishanka waxa dhabarka u ritay beelaha Ciidagale.

Qaabkii Diwaangelintu u fushay:

Iyada oo ay jiraan Carqabadaha aanu kor ku soo sheegnay oo dhami hadana waxa Ilaahay Mahadii ah in ay u suurta-gashay Beesha inay si habsami ah oo nabadgelyo ah ay u qabsoonto hawsha diwaangelintu, oo aan la gala kulmin wax nabadgelyo daro ah, oo dhaawacaya ama kor-imanaya danta guud ee qaranka.

Inkasta oo mudada loogu talagalay Is-diwaangelinta dalku ay koobnayd isla markaana aanay ku filnayn Sida ay xaqiiqdu tahay.

Waxa halkaa ka soo baxay inayna Gobolka Maroodi jeex is-diwaangelin qiyaastii 40% [boqolkiiba Afartan].

Mahad Celin:

Guddida guud ee beelaha Ciidagale waxay u mahad-celinaysaa guud ahaan Cidkasta oo nagala qeyb-qaadatay inay si habsami ah u qabsoonto diwaan-gelintu deegaanada ay beeluhu degaan:

1-Hawl-wadeenadii iyo dhalinyaradii ka socotay Komishanka doorashooyinka Qaranka.
2-Dhamaan Dhalinyarada Beesha.
3-Maamulka Degmada Salaxlay.
4-Ardayda Jaamacadaha iyo Dugsiyada sare ee Beesha.
5-Dhamaan Haweenka Beesha.
6-Qurba-jooga Beesha.
7-Ganacsatada iyo Shaqaalaha Beesha.
8-Xubnaha Golayaasha Qaranka ee Beesha.

Waxay Guddigu uu si gaar ah ugu mahad-naqaysaa Mudane Maxamed Yuusuf iyo Maamulka Shirkada Star group oo hawl wax ku ool ah oo aan Beeluhu ilaawi Karin ka geysatay hawlaha diiwaan-gelinta.

Talo Bixin:

Waxa Guddigu talo bixin ku soo jeedinaysaa:-

1-In la kordhiyo goobaha lagu soo reebayo Degmooyinka, si ay u suura-gasho in ay is diwaan-geliyaan dadkii aan fursada u helin in ay is diiwaan-geliyaan.”.



Gabagabadii Kulankan waxa hadal mahadnaq iyo waano iskugu jira ka jeediyay Odayga weyn ee ruug cadaaga ah Xaaji Cabdi Xusseen (Xaaji Cabdi Waraabe) oo ku amaanay Beelaha Ciidagaleweyne sida quruxda badan ee ay uga qayb-qaateen hawlaha diwaangalinta ee Gobolka Maroodi-Jeex iyo deegaanka Gaaroodiba. Sidoo kale duqa Caasimada Hargeysa Mudane Eng-Maxamuud Xusseen Jiciir ayaa guud ahaad umahadnaqay shacbiga Somaliland,gaar ahaan gobolka Maroodi-Jeex oo xudun u ah beelaha Ciidagaleweyne.



 



Khadaryare
Hormoodnews