GUDIDA FULINTA XISBIGA UDUB IYO SOO DHAWEYNTII XOGHAYAHA ARIMAHA DIBADA
 


London (TNN)-Waxa Xalayto ka dhacay galbeedka magaaladan London Xaafadda  Sheph erd Bush shir balaadhan oo ay ka soo abaabuleen gudida fulinta ee uk uuna  hogaamin ayey Xoghaya Arimaha Dibada UDUB Maxamed C/lahi Ciise (Maxamed Dheere) iyo  taag eeryaasha. Waxa kale oo shirka kasoo qayb galay Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali  Shab eel iyo garabka haweenka ee xisbiga UDUB

Shirkaas oo ay ka hadleen madax farabadan oo ah Xisbiga talada haye ee UDUB waxa madaxdii meesha joogay ay soo jeediyeen adao aad u muhiima iyo udiyaar garowga  do orashada dhawaan dhici doonta.

Waxa ugu horeyn hadalo kasoo jeediyey xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo  dha waan ka yimid Somaliland waxa uu ugu horeyn tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay  roo babkii dhawaan ka da’ay isagoo tacsi u direy eheladii iyo qarabadii ay ka baxeen kuna taliyey in dadkaa waxtar loo sameeyo.isagoo intaas ka dib tageerayashii e sheegay in uu idiinka sido salaan Madaxweynaha Somaliland Dahir Riyaale.Intaas kadibna warbixin kooban kaga waramay dalkii.

Waxa intaas ka dib isna warbixin soo jeediyey Xoghayaha Arimaha Dibada Maxamed  C /lahi Ciise (Maxamed Dheere) oo dhawaan losoo magacaabay jagadan waxa uu sheegay inaanu noqon doonin jago lasoo magacaabo uun ee uu wax weyn ka qaban doono  haws haa loo igmaday,isagoo weliba sheegay inuu dib u habeyn ku sameyn doono hawlo fara badan oo qabyo ah.Waxa kale oo uu sheegay wax qabad la taaban karo ka sameyn  doo no si loogu diyaar garoobo doorashada soo socota.


Shirka waxa lagaga wada hadley sidii xisbiga loogu fidin lahaa taageero buuxda  door ashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa. Waxana lagu ballamay in la  magaca abo xubno ka tirsan guddiga fulinta oo arrintaa soo habeeya.

Maxamed Faysal Cilmi Cali
Dr Maxamed Aw Dahir
Ibrahim Ducaale Suleymaan (Talaabo)

 


Maxamed Xasan Jamac (Quule)
UDUB MEDIA