WAR-SAXAAFADEED

Ujeedo: Go’aanka Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE Guddida Fulinta
ee xisbiga KULMI YE oo shir isugu yimi xalay, April 9, 2016, waxa ay
dood iyo falanqayn ka galeen eed ayn sharci jabin ka dhan ah
Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad iyo Guddoomiye-ku-xigee nka 3-aad ee
xisbiga oo hore loogu gudbiyey.
Guddida Fulintu kadib markii ay arkeen Xeerka Nidaamka Ururada iyo
Axsaabta Siyaasa da XL.14/2011, qodobka 2-aad, faqradiisa 4-aad,
qodobka 9-aad, faqradiisa 5-aad, qo dobka 10-aad, faqradiisa 3-aad
iyo 4-aad, iyo qodobka 25-aad, faqradiisa t.
Guddida Fulintu kadib markii ay arkeen Dastuurka Xisbiga KULMIYE,
qodobka 11-aad, faqradiisa 1-aad, qodobka 13-aad iyo qodobka 25-aad,
waxay go’aan ku gaadheen:
– In mudane Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, Guddoomiye-ku-xigeenkii
2-aad ee xi sbiga KULMIYE uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo
ee xisbiga, xubinnimaddii Guddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo
xubinnimadii xisbiga intaba, kadib markii uu ku gaf ay xeerarka
Qaranka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan.
– In mudane Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, Guddoomiye-ku-xigeenkii
3-aad ee xis biga KULMIYE uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo
ee xisbiga, xubinnimaddii Gu ddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo
xubinnimadii xisbiga intaba, kadib markii uu ku gafay xeerarka
Qaranka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan.
Allaa Mahad Leh.
Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE
|