GUDIDA DHAQAALADA GOLAHA WAKIILADA OO MAA NTA WARBIXIN KA DHIIBAY SOCDAALKOODII

Fadhigii golaha wakiilada Somaliland ee maanta ayaa waxaa warbixin ay kaga dhagayteen gudihoosaadkii dhaqaalaha ee golahaasi. warbixntaas oo ka hadlaysay socdaal gudidaasi ku tageen bishii shanaad ee sanadkan dalka Ugandha taas oo ay gudidaasi la kulamyeen balaamna dalkaas ay aadeen.

Fadhigii golaha wakiilada Somaliland ee maanta ayaa waxaa warbixin ay kaga dhagayteen gudihoosaadkii dhaqaalaha ee golahaasi. warbixntaas oo ka hadlaysay socdaal gudidaasi ku tageen bishii shanaad ee sanadkan dalka Ugandha taas oo ay gudidaasi la kulamyeen balaamna dalkaas ay aadeen.

waxaa kulankan gudoominaayey gudoomiyaha golaha baalamaanka mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Ciro.
Warbixin tan oo aad u dheerayd ayaa waxaa golaha hortiisa ka akhiryey Maxamed Nuur Caraale Druur o ah xoghayaha gudida dhaqaalada ee golaha baalamanaka waxaanuu ku bilaabay warbixintiitii xoghayuhu sada tan.


Waxaan09/may/2009 guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada oo ay weheliyaan xoghayaha guud ee golaha wakiilada iyo xoghayaha gaarka ah ee guddidu ay safar shaqo ugu baxeen dalka Uganda. Safarkan oo
ujeedadiisu ahayd aqoon korodhsi ay guddidu kaga qayb galeysay qaabka ay baarlamanka dalka ugaandha uga qayb-qataan hawsha miisaaniyada (the Budget Process).

Haddaba, waxaynu ogsoonahay dhamaanteen dhameystirka xeerka maaliyadeed ee qabyada ah iyo dhamaystirka qodobada ee 54 iyo 55aad ee distoorka qaranka in ay u baahan tahay ama aaney ka maarmeyn aqoon iyo waayo aragnimo, inagoo ay tahay inaan ka faa'iideysano dalkalka aynu deriska nahay, sidaa awgeed guddida dhaqaaluhu waxay nasiib u heshay in ay ka qayb galaan qorshaha miisaniyada ee dalka Uganda waqtiga ay baarlamanka dalkaas gacanta ku hayaan taas oo waayo aragnimo iyo aqoon badani ka soo baxdey mid ka mida warbixinihii guddidu ka jeedisay kulmadii ay la yeelatey waaxyaha Barlamanka Uganda Kulamaddi Guddida Intii ay safarka guddidu ku joogtey dalka ugaanda waxaanu la kulanay:-


Guddida dhaqaalaha
Guddida miisaaniyada
Guddida arrimaha debada
Ku-xigeenka xafiiska maamulka ee baarlamanka
Ku-xigeenka xafiisaka sharciga ee baarlamanka
Agaasimaha miisaaniyada Baarlaamank
Sidaaso kale waxanu la kulanay xidhibaano kale oo badan.


Kulan Guddida Dhaqalaha G/wakiilada JSL iyo Guddida Arrimaha Dibada ee Dalka Uganda.

Haddaba, iyadoo aqoonta iyo dhiirigelinta aanu soo helnay ay salka ku hayso abuurida xeerkii miisaaniyada oo muhiimiimad qaran oo aad u balaadhan leh, ayaa waxa loo baahan yahay in uu sifahan soo socda yeesho:-

In miisaniyadu noqoto mid la wadaago (Participatory Budget) taladeeduna ay hoosta ka soo unkanto.

In xeerka miisaaniyadu abuuro xisaabtan iyo daba gal (accountability and monitoring) In dakhliga iyo kharashka dalka ay noqdaan qaar furan (Openness) oo muuqda oo aan daboolayn si baarlamanku ula socdo wixii jira.


Waxa kale oo xeerka miisaniyadu aanu ka maarmeyn xafiis miisaaniyada (parliamentary budget office) oo ah xafiis ay ka hawlgalaan khubaro dhaqaale yahan ah oo barlaamanka ka caawiya aqoonta dhaqaalaha.


Maxaa laga xusi kara ee miisaaniyada dalka Uganda ee aanu soo aragney?

Xukuumada ayaa soo bandhigta bisha oktoobar qadarka miisaniyada ee sannadka (Odoroska).
 

Novembar waxa la qabtaa shir-qaran (National Conference) lagaga hadlayo sida loo qaybin doono ama persentage-ka % cid kasta la siin doono iyo mudnaanta halka la siinayo waxaan shirka ka soo qayb gala cid kasta oo budget-ka saami ku leh. Ka dib waxa la diyaariyaa national budget frame work paper oo ah buug cid kasta loogu xadidayo saamigeeda iyadoo la raacayo taladii shirka ka soo baxdey.
Waxaa kale oo barlamaanku diyaariyaa warbixin dhameystiran oo ay ku cadey cid kasta oo wax laga jarayo ama loo kordhinayo iyo sababta iyagoo tixgelinaya policy statement wasaarad kasta iyo N.P.F.P May ayaa m/weynaha loo gudbiyaa taladii barlamanaka iyo N.B.F paper.


Bil gudaheed 15 june ayaa wasiirka maaliyadu baarlamanka ka akhriyaa siyaasada miisaniyada oo ay weheliso daynta qaranka lagu leeyahay (National Dept).

Waxa kale oo aanu ka qayb galey hal fadhi oo barlamaanka dalka Uganda kaas oo uu si diiran nogu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Barlamanka.


Waxa kale oo xusid mudan in aan la kulanaya ganacsato iyo ardey reer somaliland ah oo ku sugan kampla, waxaaana wax ka barta jamacadaha dalka 65 ardey oo reer somaliland ah waxanann u mhadnaqayna Ganacsatada reer somaliland ee ku sugan dalka ugadna oo kala ah:
Eng. Ahmed Muse
Aden Ess

Gudomiyaha Guddida Arrimaha Dibada Barlamanka Uganda oo Shahado Sharaf Gudoonsiinaya Gudoomiyaha Guddida Dhaqalaha G/Wakiilada JSL.

Waxa halkan gudoomiye ka xusayaa “6” ardey oo dhibweyni ku haysay kamapla, ka dib markii hayadda UNESCO oo deeq waxbarsho u dirtay ay joojisay kharashkii ay ka bixinaysey iyagoon ardeydii dhamaysan waxbarshadoodii, ardaydaas oo barta caafimaadka.
Guntii iyo iyo Gunaanadkii :-


Waxa xusid mudan barlamanka dalka Uganda oo na gudoonsiiyey hadyad

Magacyada Guddida
Mohamed Nur Arale Gudoomiye
Ali Hassan Mohamed Xubin
Mahamed Jama Ali Xubin
Ali Obsiye Dirie Xubin
Nasir H. Ali Shire Xubin
Mahamed Osman Bulqas Xubin
Suleiman Awad Ali Xubin
Mahamed Hassan Kahin Xog. Gud.
Ahmed Suleiman Nour Xog. Guddi.”
 



Xamase Xasan

Hargaysa